Kulankii Madaxweyne Faroole iyo Musharaxiinta oo lagu kala kacay

0
Tuesday December 17, 2013 - 19:28:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Madaxweyne Faroole iyo Musharaxiinta oo lagu kala kacay

    Garoowe(xogreebnews.com-Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen madaxweyne Faroole iyo musharaxiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(xogreebnews.com-Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen madaxweyne Faroole iyo musharaxiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Puntland. Kulankan oo dhowr qodob looga dooday ayaa kii ugu horeeyay la isku diiday kaas oo ahaa qodob musharaxiintu ay ku dalbanayeen in madaxweynuhu dib uga noqdo gudiga khilaafaadka ee uu magacaabay kadibna labada dhinac ay isla soo magacaabaan gudi khilaafaad oo la isla ogolyahay.
Madaxweyne Faroole ayaa arintaas ku gacan seeray isagoo sheegay in dastuurku u ogolaanayo in isago soo magacaabo gudiga khilaafaadka iyo xulista Baarlamaanka cusub.
Musharax Cali Xaaji Warsame oo saxaafada la hadlay kulankii kadib ayaa cadeeyay in kulankii lagu kala kacay hadana ay diyaar uyihiin cid alaale cidii dhex dhexaadinaysa iyaga iyo madaxweynaha si loo ilaaliyo maslaxda Puntland.

Puntland ayaa lagu wadaa in Bisha soo socota sideeda ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha iyadoo laga cabsi qabo in hadii xaaladu sidan kusii socoto doorashada dib loo dhigo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured