Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wefti balaadhan oo ay hogaaminayso ayaa maanta waxa ay ka qaybgaleen xaflad balaadhan oo ka dhacday degmada salaxlay.

0
Tuesday December 17, 2013 - 19:22:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wefti balaadhan oo ay hogaaminayso ayaa maanta waxa ay ka qaybgaleen xaflad balaadhan oo ka dhacday degmada salaxlay.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Xafladan oo ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dhakhtarka salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay cusbitalka deeg kala duwan oo ay ugu talo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Xafladan oo ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dhakhtarka salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay cusbitalka deeg kala duwan oo ay ugu talo gashay in lagu Hargeisa(xogreebnews.com-Xafladan oo ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dhakhtarka salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay cusbitalka deeg kala duwan oo ay ugu talo gashay in lagu kaabo hawlahaasi iyo ta umulisooyinkaba, waxaanay deeqdaasi oo ka kooban qaybaha kala duwan ee daruuriga ah balse ay ugu sii muhiimsanaayeen 50 bustaha dhaxanta ah iyo 3000 oo Dollar oo madaxweynuhu ugu talay in lagu kaabo baahiyaha dugsiga boodhinka ah ee degmada salaxlay.

Lacagtaasi oo ay wasiirka waxbarashadu ku wareejiysey ururka degmada salaxlay ee loo yaqaan gaaroodi.
Dhinaca kalena waxa marwada madaxweynuhu ay hay’adda bisha cas ka gudoontay dawooyin aad u qaali ah oo isugu jira qalabka dhiciska lagu koriyo iyo kuwa qaliinada degdega ah loo adeegsado oo loogu talo galay in dhakhtarka lagu horumariyo iyo Gaadhi Ambulance ah oo model kiisu yahay 2013 kaasi oo cusayb ah KM kiisuna uu socday uun inta u dhaxaysa berbera iyo salaxlay oo keliya hay’adduna ay toos uga qalbatay shirkada baabuurta ee TOYATA dawooyinka iyo gaadhigan oo qiimahoodu uu ku joogo $79,454 lacagta lo yaqaan usa dollar.

Intaasi ka dib waxa halkaasi ay marwadu ku wareejisay gaadhigaasi isla maamulka degmada iyo kuwa dhakhtarka oo goobjoog ahaa dhamaantood sidoo kalena waxa halkaasi hadalo mahadnaq ah ka soo jeediyey masuuliyiinta iyo madaxdhaqameedka degmada salaxlay.
xogreebnews.com-office Hargeisa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured