XUKUUMADDA KULMIYE DABADEED LAMA BAANO!! Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

0
Tuesday December 17, 2013 - 11:25:14 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMADDA KULMIYE DABADEED LAMA BAANO!! Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

    Wargeys la xayiro, wariye xabsi loo taxaabo, xisbi mucaarid jidgooyo la hor dhigo, gulufka ciidan iyo gelelefka RRU ku ekeysiisay xuruntii WARGEYSKA HUBAAL, cabudhinta warbaahinta madaxbannaan, iyo car juuq dhehadu waa dhalanteed iyo majaajilo soo ge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeys la xayiro, wariye xabsi loo taxaabo, xisbi mucaarid jidgooyo la hor dhigo, gulufka ciidan iyo gelelefka RRU ku ekeysiisay xuruntii WARGEYSKA HUBAAL, cabudhinta warbaahinta madaxbannaan, iyo car juuq dhehadu waa dhalanteed iyo majaajilo soo gebeogeboobidoonta. Markay derbigii soomadaaye ka soo go´day ee maaro loo waayay goolaftankii Xisbiga Wargeys la xayiro, wariye xabsi loo taxaabo, xisbi mucaarid jidgooyo la hor dhigo, gulufka ciidan iyo gelelefka RRU ku ekeysiisay xuruntii WARGEYSKA HUBAAL, cabudhinta warbaahinta madaxbannaan, iyo car juuq dhehadu waa dhalanteed iyo majaajilo soo gebeogeboobidoonta. Markay derbigii soomadaaye ka soo go´day ee maaro loo waayay goolaftankii Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka jirey, xaalku wuxu maraya Golihii Wakiilada ha la qarqarsiyee Saleebaan Gaalow meesha ka kac oo gurmo si shirdoonku gacanta xukuumadda u galay!! Sheeko baraley waar tanna yaa u fadhiyey


Aadamuhu sidan kuma madiidinsamo oo Raxmaankii ina uumay ayaa ku mannaystay mudnaantii ku noolaansha kawnka. Waxa ka mudan in maskaxda iyo caqliga fayoobi shaqeeyaan.
Dhacdooyinkan dalka ka curtay waa ifafaalihi gabaygii Allah ha u naxariiste Muxamed Xaji Cabdiraxmaan Jaamac "Lugooyo" markuu lahaa:
"Waxyi iguma soo dego haddana wax ima seegaane

Waxan ahay nin waayahay adduun wax uga muuqdaan

Nin wadiifad haystaa haddu wadi aqqoon waayo

Wakhtiguu u jecelyahay ayaa kursiga la wajaafaaye?


Inta ka dib, bal hada hoos an ugu dhaadhaco arrintan HUBAAL ee sal dhigi la´:

Waxay taariikhdu ahayd bishii Abril 24, 2013 xili habeenimo ah markay koox dablay ah oo madax soo duubatay weerar dhagareysan ku soo qaadeen xarunta Wargeyska HUBAAL. Weerarkan oon noociisa hore loogu maqal Somaliland ayaa ku jiheysnaa dil badheedh ah oo lala beegsaday Maamulaha wargeyska Md. Mohamed Ahmed Jama. Nasiib wanaag shaqaalihii ku sugnaa xarunta wargeyska ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah dablaydii halka midna fakaday; dembiilihii iyo baastooladiisii iyo telefonkiisiiba booliska ayaa gacanta laga geliyey. Wixii macluumaad hordhac ah ee dhibaneyaashu hayeena cidii kiiska u xilsaarnayd ayaa lagu hubsaday

Tallaabada taa xigtaa waxay ahayd in dembi baadhistu hawsheeda halkaa ka sii wado oo ka gun gaadho arrinta cida ka dambeysay. Todoba bilood ka dib waxa caddaatay in aan ciddii arrinta u xil saarnayd wax baadhitaan haba yaraate samayn. Waa xil gudasho la´aan xaga dembi baadhista, maxkamadda ciidanka iyo guud ahaa taliska ciidanka ammaanka oo xilkii ay ummadda u hayeen ku fashimay.

Caqliyadda Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka ayaa ah mid aad u liidata. Waa tan u horeysee askari iskuday dil u xidhan dammaanad lagama qaadi karo; ta kliya ah ee xoriyaddiisa usoo celin kartaa waa marka Maxkamad horteed dembiga loo haystaa ku caddaan waayo. Sheekada Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanku warbaahinta la hor yimid mid soconaysaa ma ah oo caqliga iyo garaad Bani Aadamka ayey toos u duraysaa. Waxa daaha ka feydeysaa caddaalad darro iyo sharcigii dalka oo badheedh loogu tumanayo; waxay sumcad xumo ku tahay karaamadii qaranka; waxay horseedi kartaa in ay faraha ka baxdo sharciyaddii iyo kala dambeyntii oo qof waliba sharciga faraqa ku qaato- Taasina waa mid halis gelinaysa jiritaanka dalka iyo wada noolaasha ummadda dalka leh. Marka ammaanka iyo caddaaladu heerkan oo kale gaadhaan, xaalku wa dal saqiiray oo dunida ka hadhay? Su´aashu se waxay tahay: Siday wax yihiin weynu aragnaa maxaa se xigidoona

Xukuumaddii Kulmiye oo ummaddii u codaysay u dardaarwerinaysa ay jawaabtan soo gudbise

Jeenkis habar wadaagii iyo

Hoolaakihii cunay hilbihii addomaha

Ama habar dugaage halaakaysa aadmiga

Annagaa hormood ka ah

Haybaan waa wadaagnaa

Hideheena gaarka ah suugaanta hodanka ah

Hal abuurka maansada abwaanada higaadshaa

Musdabeed dalleensaday

Hadday daah ka faydaan

Haybe Nuur sidiisii higta dhexe habeenkii

Ama hiirta waaberi jeel ku hubso weeyaan

Inta Qalinka maashana hal yar oo tussalo ah

Halka uu HUBAAL maray adna ku hurran weeyaan

Hadaad edebsan weydonaha billaawaha haliilaan

Halbowla ku naafayn oon haanka ku sudhi

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

December 16, 2013





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured