MA ABIIB DIIRIYAAN OGAA OO YIDHI AAMINA WARIS LALAMA GUURSAN KARO,MA XOGHAYIHIIBAAN MAQLAYNAA MA AQAANO FAADUMO SICIID,MA RAGGAAN OGAYN BAA GABILEY SOO MARAY,TAFTANEEY MARBA NIN KU QABAY BY MUSTAFA SH

0
Tuesday December 17, 2013 - 11:21:02 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA ABIIB DIIRIYAAN OGAA OO YIDHI AAMINA WARIS LALAMA GUURSAN KARO,MA XOGHAYIHIIBAAN MAQLAYNAA MA AQAANO FAADUMO SICIID,MA RAGGAAN OGAYN BAA GABILEY SOO MARAY,TAFTANEEY MARBA NIN KU QABAY BY MUSTAFA SH

    wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyey xoogagii SNM IYO FAQASHTII ayaa ciidamadii faqashtu had iyo jeer ay bartilmaansanayeen dadka rayidka ah ee ka soo jeeda gobolada loo tirinayo in ay SNM TA ay isku hayb yihiin,hadaba waxa ka dhacday gobolka sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyey xoogagii SNM IYO FAQASHTII ayaa ciidamadii faqashtu had iyo jeer ay bartilmaansanayeen dadka rayidka ah ee ka soo jeeda gobolada loo tirinayo in ay SNM TA ay isku hayb yihiin,hadaba waxa ka dhacday gobolka saaxil magaalo madaxdiisa in dad badan oo rayid ah ay ciidamado ururiyeen,maalin maalmaha ka mid wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyey xoogagii SNM IYO FAQASHTII ayaa ciidamadii faqashtu had iyo jeer ay bartilmaansanayeen dadka rayidka ah ee ka soo jeeda gobolada loo tirinayo in ay SNM TA ay isku hayb yihiin,hadaba waxa ka dhacday gobolka saaxil magaalo madaxdiisa in dad badan oo rayid ah ay ciidamado ururiyeen,maalin maalmaha ka mid ah ayaa labanin oo ka mid ahaa dadkii ciidamadu soo ka soo qabteen guryahooda uu mid ka mid ahi kii kale ku yidhi,waar waatan la ina qabtee aynu sheegano beelaha la hayb-sooco,kii kale ayaa ugu jawaabay SAA LA NOOLAA,isagoo uga jeeday bilee oo ay canbaartaasi inaga hadhi weydaa ee inaga daa cidda aynu nahay aynu iska sheeganee,imika masuuliyiintii gobolka gabiley ayaa laba gabdhood oo walaalo ah oo arintoodu barriba iska dhammaantoonto ayaa midna la koolkoolinayaa oo amarkeeda la qaadanayaa,midna loola dhaqmayaa sidii ALQAACIDADA oo la leeyahay ismanaqaan iyo wax la mid ah,goorma ayey FAADUMO SICIID aqoonteedu noqotay dambi,waxan leeyahay XOGHAYE saa la noolaa,waxaynu ka wada dharagsanahay falkii la gula kacay DR MAXAMED C/LAAHI wasiirkii hore ee arimaha dibadda oo gobolkii uu ka soo jeeday isagoo ka mid ah xukuumadda iyo xisbul-xaakimka in loola dhaqmay si aan anshaxa iyo milgaha dawladnimo ku haboonayn,waxa iyana ka dambeysay in falkaasi mid la mid ah lagula dhaqmay wasiirka caafimaadka wakhti uu ku gudo jiray dhagax-dhiga dhismaha MCH KA GEED-BALLAADH,dhacdadan la gula kacay wasiirka caafimaadka oon warbaahinta loo soo bandhigin,ayuu wasiirku ka codsaday xubnihii la socday in aanay arintaasi shaacinin,haddii iyagu waa maamulka deg,GABILEY sidaa garteen,waxaynu ognahay in maanta caalamku uu GOGOL ku wada fadhiyo,isla markaana xaalada gobolka gabiley uu ka duwanyahay dalka intiisa kale,ALLAHA u naxariistee MADAXWEYNE MAXAMED X IBRAHIM CIGAAL oo ahaa halyey ka baxay geeska afrika oo dabeecad u lahaa in uu hadal ku qanciyo bulshada,halka aynu maanta HUU IYO HAA midna ka laanahay SIILAANYO,ayuu maalin damcay MR CIGAAL in uu u jawaabo siyaasiyiin mucaarid ku ahaa oo hadalo bulshada ay ku kicinayaan oo ujeedadoodu ahayd in madaxweynuhu soomaali weyn doonayo,ALLAHA u naxariistee marxuum cigaal isagoo u jawaabaya nimankaasi ayuu hadalkiisa ku bilaabay,WAXAN KA CUDURDAARANAYAA IN AANAY DUMARKU HADALKAYGAA DHIBSAN,waayo cidkale ayaan ula jeedaa isagoo sii wata hadalkiisii wuxu yidhi; DUMARKU MARKA AY SITAADKA TUMANAYAAN WAXAY KU LUUQEEYAAN,MA RAACNAA OO MA RUMAYNAA RASUULKEENII UDGOONAA?ilaa maanta ayey raga badhkii leeyihiin miyaan ka go’naa SOMALIA,waa siduu hadlka u dhigaye,imika waxa sidaa ka dhigan wasiirada gobolka gabiley ka soo jeeda qaar ka mid ah iyo masuuliyiinta degmeda gabiley,gaar ahaan wasiirka warshadaha ABIIB DIIRIYE,oo maalintii qalin jabinta jaamacadda TIMA-CADDE oo uu makarafoonka qaatay,iyadoo la sugayey wuxu ka odhan doono munaasibaddan,siiba sooyaalkii taariikheed iyo marxaladihii kala dambeeyey ee jaamacaddu soo martay,balse wuxu ku bilaabay hadal aan loo fadhiyin oo afkala qaad ku noqdey dadkii dhagaysanayey,wuxu yidhi WAXAN IDIIN SHEEGAYAA IN AY AAMINO WARIS TAHAY MARWADA MADAXWEYNAHA MARWO LABAADNA AANEY JIRIN,MAR DAMBANA YAANAN MAQLIN MARWADA KOWAD,wuxu intaa ku daray qolyaha mucaaridkiina gabiley ma iman karaan,billaahi calaykum,miyaanay la mid ahayn,sheekadaa M.X.I.CIGAAL ee maraacnaa oo ma rumaynaa rasuulkeenii ud goonaa,waxan ku soo gunaanadayaa siyaasiyiintii iyo masuuliyiintii gobolka ma tanaa u dambeysay mid yidhaa FAADUMO SICIID is ma naqaano iyo mid yidhaa AAMINA WARIS lalama guursan karo,waxan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan dhawr bayd oo gabaya

SIDII BAY DEGMADU CEELASHII UGA DAR LEEFTAAYE
SIDII BAY DOCAHA AQALADII UGA DALOOLAANE
SIDII BAY DAROORIMADA IYO DAAD U GALAYAANE
SIDII BAA DAGAALOW BIYAHA LOO DAWARIYAAYE
SIDII BAY U DABA GOOSI TAHAY HARADII WAJAALE
DAMBI KUMA HADLAAYEE MA ARAG DAWLADDAAN RABAYE
ISMA DOORIN DAAHIRKAAN DIRAY IYO DAARTA KII GALAYE
WABILLAAHI TOWFIIQ
BY MUSTAFA SH ABIBAKER TEL4466752



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured