Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ku eedeeyay Saleebaan Gaal inuu yahay mus-danbeedka ka taliya Arimaha Kulmiye iyo xaaladaha dalka ka taagan,golihiisii guurtidana baaba’ay!.

0
Tuesday December 17, 2013 - 11:03:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ku eedeeyay Saleebaan Gaal inuu yahay mus-danbeedka ka taliya Arimaha Kulmiye iyo xaaladaha dalka ka taagan,golihiisii guurtidana baaba’ay!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Horn-cable TV ayaa tilmaamay in dooda qaran ee ay ku baaqeen aanay ahayn shir beeleed ee ay tahay dood laga doodaya siyaasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Horn-cable TV ayaa tilmaamay in dooda qaran ee ay ku baaqeen aanay ahayn shir beeleed ee ay tahay dood laga doodaya siyaasadeena arimaha debeda,gudaha Hargeisa-(xogreebnews.com-Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Horn-cable TV ayaa tilmaamay in dooda qaran ee ay ku baaqeen aanay ahayn shir beeleed ee ay tahay dood laga doodaya siyaasadeena arimaha debeda,gudaha iyo xaalada dalku maraayo iyo qodob kale oo mihiim ah balse aanu ahayn shir beeleed sida Saleebaan Gaal u dhigay ama isdhacsiiyey.
Hase yeeshee wuxuu Faysal intaas raaciyey in shir beeledka Saleebaan Gaal wadan jiray oo ku suntanaa balse isagu (Faysal) wadan jiray habka xisbiyada badan oo ay sidaa Bulshada ugu kala calaamadsan yihiin.

Eng.Faysal wuxuu kaloo iftiimiyey in xukumada Siilanyo wadahadalo u furmeen, wuxuuna intaas ku daray inay dooda qaran soconayso oo haddii xukumada Siilanyo ka soo qeybgashana ay wanaag tahay,hadday diido inay ka soo qeybgashana ay dhacayso oo aanay cidina ka horjoogsan Karin.
Geesta kalena Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal wuxuu si kulul u duray,kuna eedeeyay Saleebaan gaal inuu yahay mus danbeed ka taliya Madaxtooyada iyo xaalad kasta oo dalka ka taagan, wuxuuna yidhi “Saleebaan Gaal baa ka talinaaya Wadahadalada socda,Saleebaan Gaal baa ka talinaaya arimaha Kulmiye” isagoo faysal hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey “Saleebaan Gaal golihiisii guurtida baaba’ay ,6 bilood iyo 8 bilood ayuu iska maqnaadaa,sharcigu intaas ku maqnaanayaa halkuu ka jira”.Wuxuu kaloo Faysal yidhi “Saleebaan Gaal Ragii hore (Madaxweynayaashii hore ee Somaliland) cunuhu hayn jiray, Siilanyana wuxuu leeyahay wax walba Go Ahead,anigu sidiisa habeenkii uma Galo”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured