Xubno Ka Tirsan Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo Qaar Si Hoose Ugu Shaqeeya Xukuumadda Siilaanyo Oo Banaanbax Taageero Loogu Raadinayo Xukuumadda Ka Dhigaya Maanta Magaalada Brusseles Ee Dalka Belgium

0
Thursday April 11, 2013 - 19:42:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Ka Tirsan Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo Qaar Si Hoose Ugu Shaqeeya Xukuumadda Siilaanyo Oo Banaanbax Taageero Loogu Raadinayo Xukuumadda Ka Dhigaya Maanta Magaalada Brusseles Ee Dalka Belgium

    Brusseles (xogreebnews.)—11/04/2013— Waxaa magaalada Brusseles ee xarunta dalka Belgium ahna xarunta midawga yurub maanta ka dhacaya banaanbax ay soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brusseles (xogreebnews.)—11/04/2013— Waxaa magaalada Brusseles ee xarunta dalka Belgium ahna xarunta midawga yurub maanta ka dhacaya banaanbax ay soo Xubno Ka Tirsan Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo Qaar Si Hoose Ugu Shaqeeya Xukuumadda Siilaanyo Oo Banaanbax Taageero Loogu Raadinayo Xukuumadda Ka Dhigaya Maanta Magaalada Brusseles Ee Dalka Belgium

Brusseles (xogreebnews.)—11/04/2013— Waxaa magaalada Brusseles ee xarunta dalka Belgium ahna xarunta midawga yurub maanta ka dhacaya banaanbax ay soo qaban qaabiyeen xubno ku lacag qaata taageero ay xukuumadda Siilaanyo uga raadiyaan gudaha jaaliyadaha Somaliland ee qaaradda yurub.Banaanbaxani oo looga dhigay shacabka Somaliland ee ku nool badiba dalalka yurub mid lagu dalbanayo aqoonsi ay Somaliland ka hesho dalka Belgium baarlamaankiisa ayaa ah mid ay soo qaban qaabiyeen kooxo in muddo ahba kaga hanti uruursanaayey madaxtooyada inay meesha ka saarayaan niyad jabka qurbe jooga reer Somaliland ka qaadeen xukuumadda Siilaanyo.Qaban-qaabadda banaanbaxani ayaa bilaabmay ka dib markii wefdigii madaxweyne Siilaanyo hogaaminaayey ay socdaalka ku yimaadeen magaalada London ka dibna ay sababtay in Maxamed Haaruun oo ka mid ah qurbe jooga Somaliland ahna aqoonyahan siyaasi ahi uu su’aalo adag weydiiyey madaxweyne Siilaanyo, taasi oo keentay in xubno is bahaystay oo waji ku macash ahi ay ka dhaadhiciyeen madaxtooyada inay bilaabayaan barnaamijyo ay ku tusayaan inay jaaliyadda Somaliland ka saaraan fekerka ay ka qabaan xukuumadda Siilaanyo.Xubnahaasi waxaa ka mid ah nin dhawaan loo magacaabay guddoomiyaha ururka SSE oo layidhaahdo Cabdiraxmaan Yaasiin oo degen magaalada Brusseles oo si kalana ugu xidhan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan iyo arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaa sidoo kale ka mid ah xubno wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar dhawaan ka soo samaystay dalka Jarmalka oo loogu tallo gallay inay xukuumadda ka difaacaan ceebaha ay dhex dabaalanaysoBanaanbaxani oo aan loo shaacin ujeedada u xaanbarsanyahay dadka ka qayb gallaya ayaa loogu tallo gallay sidoo kale in lagu hagal daaciyo banaanbax ay shucuubta Somaliland ee qaaradda yurub samayn lahaayeen bisha May oo ku beegan madax banaanida Somaliland isla markaana magaalada London lagu qabanayo shir Soomaaliya loo samaynayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured