“..Beryahan, waxad Maqlayseen in Golaha Wakiilada iyo anagu [Xukuumadu] khilaaf nagu dhex jiray…Waxaan leeyahay raggaa Golaha Wakiiladu si fiican ayey Shaqadooda u qabtaan, anaguna Dhinacayaga waxanu Balan-qaadaynaa in aanu Kalsooni kula Shaqeyno..”

0
Tuesday December 17, 2013 - 11:00:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “..Beryahan, waxad Maqlayseen in Golaha Wakiilada iyo anagu [Xukuumadu] khilaaf nagu dhex jiray…Waxaan leeyahay raggaa Golaha Wakiiladu si fiican ayey Shaqadooda u qabtaan, anaguna Dhinacayaga waxanu Balan-qaadaynaa in aanu Kalsooni kula Shaqeyno..”

    Hargeysa(xogreebnews.com-Muranka sharci iyo khilaafaadka dhinaca Siyaasada ee soo kala dhex gala Goleyaasha Dawlada, gaar ahaan Waaxda Fulinta iyo Goleyaasha Sharci-dejintu, Golaha Fulinta iyo Goleyaasha Xeer-Dejintu, maaha wax ku cusub Shacbiga reer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Muranka sharci iyo khilaafaadka dhinaca Siyaasada ee soo kala dhex gala Goleyaasha Dawlada, gaar ahaan Waaxda Fulinta iyo Goleyaasha Sharci-dejintu, Golaha Fulinta iyo Goleyaasha Xeer-Dejintu, maaha wax ku cusub Shacbiga reer Somaliland. Hase-yeeshee, waxa jiray murano-sharci iyo ismaan-dhaafyo Siyaasadeed oo ka dhex qarxay Xukuumadihii hore ee ay madaxda ka ahaayeen marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin, iyo sidoo kale Goleyaasha Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka Wakiilada.
Ismaan-dhaafyada Siyaasadeed ee soo kala dhex galay Xukuumadihii hore ee Somaliland iyo Golaha Wakiilada, ayaa ahaa kuwo sitay ama xidhnaa wejiyo Siyaasadeed oo si weyn u kala fog, isla markaana u kala aragtiyo gedisan marka hoos loogu daadego ujeedooyinkii ka dambeeyey iyo natiijadii laga filayey inay kasoo baxdo. Sidaa awgeed waxa Iyana kala duwanaa dedaaladii Nabada ee waqtiyadaa lagu raadinayey xal-u-helida khilaafyadii Dastuuriga ahaa ee Goleyaasha Qaranka.


Tusaale ahaan, haddii aynu ku hormano murankii sharci iyo khilaafkii Siyaasadeed ee ka dhex dilaacay Xukuumadii uu hoggaaminayey Marxuuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal iyo Golihii Wakiilada ee Beeluhu soo doorteen daba-yaaqadii Sagaashamaadka, kaasoo runtii marka la barbar-dhigo khilaafyada ilaa iyo hada dhacay lagu tilmaami karaa kii ugu adkaana, ugu xasaasisanaa intii mudadaas ka dambeysay, sababtoo ah marka la cabiro joog ahaan halka uu ka bilaabmay iyo halka uu marka dambe uu gaadhay.

Khilaafkaas oo goobtii baarashuudka markii ugu dambeysay uu ka goostay, waxa uu ahaa heshiiskii Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal uu la Saxeexday Shirkada TOTAL, kaasoo dhigayey in Shirkada TOTAL la wareegto Maamulka iyo gacan-ku-haynta haamaha Shidaalka ee Berbera, iyo sidoo kale, Shidaalka dalka la keenayo. Heshiiska Marxuum Cigaal la Saxeexday TOTAL oo ku mudeysnaa 50 Sanno, wax aka biyo-diiday xubno Siyaasiyiin ah oo isugu jiray kuwo Siyaasad ahaan ku diidanaa iyo qaar si hoos-hoos ah saamiyo ugu lahaa Shirkadihii maxaliga ahaa ee iyagu hore ganacsan jiray keenista Shidaalka.

Waxa kaloo, Iyana arintaa barbar socday, siina xoogeeyey Mucaaridad hoose oo ku jirtay Siyaasiyiin Mujaahidiin, Xildhibaano, kuwaasoo isugu jiray qaar Goleyaasha Dawlada ka tirsan, kuwo sharciyan diidanaa, kuwo debad joog ahaa iyo cilaaqaad la lahaa Xukuumadii waqtigaas.

Inkastoo uu yaraa cidda ku dhaca leh ee si badheedh ah ugu dhiiran karaysay inay badka soo dhigto Mucaaridadeeda ku aadan Marxuum Cigaal iyo Xukuumadiisa, hadana hore ayaa loo yidhi; “..Haddii fooli timaado gudo-qarsiiyo dhamaataye”, markii arimuhu kululaadeen, isla markaana Madaxweyne Cigaal oo ahaa Siyaasi ku dhac leh oo badheedhihiisa weligii aan la gaban uu dhowr jeer ka dhawaajiyey Magacyada Shakhsiyaad ka tirsanaa xubnihii dabada ka riixayey xiisada Golaha Wakiilada, kuwaasoo si xirfadeysan marka uu ka hadlayo ugu suntay Naanayso iyo Sifayaal kala gedisan oo uu ku dhaawacayo ama uu bulshada ugu iftiiminayo Taariikhdooda togan.

Marxuum Cigaal iyo isbahaysigii Boqortooyada Cabsida ku dhisan ahaa, waxa ay is-tuur-tuuraanba aakhirkii khilaafka sharci iyo murankii Siyaasadeed ee u dhexeeyey, waxa uu gaadhay in Golaha Wakiilada la soo dhigo mooshin sharci oo ku saabsan eedo la xidhiidha khiyaamo Qaran iyo Dastuur jebin. Sidaa darteed-na maamuus-ka-xayuubin (Impeachment) lagu qaado Madaxweynihii waqtigaa ee Somaliland, kaasoo natiijadiisii lagu kala baxay tiro aad u yar oo guushu ku raacday Mudaneyaashii kasoo horjeeday xilka-ka-qaadista ama ridista Marxuum Cigaal.

Talaabada khatarta intaa le’eg lahayd Marxuum Cigaal uma arkayn Mucaaridad cunsuriyeysan oo hoggaankiisa ka hortimi, sidoo kalena, hab-dhaqankiisii Siyaasadeed markii dambe kamuu muuqan Cadaawad iyo Cuqdad nafsiyan uu ka qaaday falkaas, hase-yeeshee, sida dadka Siyaasada ka faalooda ku tilmaaman waxa uu u ekaa Shaqsi ku kalsoon in Baarlaanka iyo Xukuumadu yihiin laba waaxood oo is dheeli-tiraya, waxana uu ku qanacsanaa jiritaanka awood caabida oo kasoo horjeedaa, hadiise taasi aanay jirina Siyaasadu wax dhadhan ah aanay u lahayn.

Sidaa awgeed marka laga reebo shaqsiyaad damacyadooda Siyaasadeed iska soo horjeedeen, ma dhicin cid falkaa awgii uu ku sameeyey aar-goosi Siyaasadeed. Ha noqoto Ganacsato uu cadaadis saaray ama Qandaraasyo Qaranka dhex u ah oo koox gaar ah uu siiyey.

Geesta kale, Cahdigii Md. Daahir Rayaale Kaahin, haddii aynu dib-u-milicsano khilaafka Xukuumadiisa iyo Golaha Wakiiladu, waxa uu ahaa mid loogu wanqalay wada-shaqeyntii laga dhex filayey Wakiilada iyo Golihiisa Xukuumada.

Inkastoo, kolna aanu gaadhin heerka Cahdigii Marxuum, hadana waxa uu kaga duwanaa ama dheeraa baa la odhan karaa muranka sharci iyo khilaafka Siyaasadeed ee ka horyimi Md. Rayaale kuwii ka horeeyey xagga waqtiga ee uu jiray ama taagnaa, sababta oo ah Golaha Wakiilada ee waqtigii Rayaale, waxa uu ahaa mid la soo doortay oo kuraasta ku yimi hannaanka Xisbiyada badan, waxana aqlabiyada kuraasta ku fadhiyey isbahaysiga Xisbiyadii Mucaaridka ee xilligaa oo kala ahaa UCID iyo KULMIYE, oo iyagu xataa hoggaanka Golaha haystay, sida awgeed khilaafka iyo is caabiga labada dhinac, waxa uu noqday mid aan kala go lahayn oo joogto ah ilaa iyo intii uu Md. Rayaale hoggaanka dalka ku wareejiyey Md. Axmed Siilaanyo 27 July, 2010-kii.
Wallow loollanka iyo is caabintu ahayd mid labada dhinacba ka jirtay oo ku saleysnayd nidaamka axsaabta, hadana heer ama marxalad kasta oo khilaafkoodu gaadho ma dhicin Md. Rayaale iyo Xukuumadiisu inay Golaha aqlabiyada kuraasta laga haysto ku caabiyaan dhaq-dhaqaaqyo iyo loollano ku shaqeynaya Cunsuriyad iyo xataa hab qabiileed toona, mararka qaar waxaaba dhici jirtay in Md. Rayaale Khudbadaha markuu ka jeedinayo Fagaareyaasha iyadoo cilaaqaadka Xukuumadiisa iyo Goluhu inuu hadana ka bixiyo muuqaal fiican iyo rajo wanaagsan oo bulshada uu u muujinayo. Tusaale ahaan, Khudbad Fagaaraha Beerta Xorriyada uu ka jeediyey Md. Rayaale Xuskii Sanad guuradii 15-aad ee Madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland, waxa hadaladiisii ka mid ahaa; “..Xukuumad ahaan waxaanu soo jeedinaynaa Goleyaasha Qaranka in aanu la shaqeyno, beryahan, waxad maqlayseen in Golaha Wakiilada iyo anagu [Xukuumadu] khilaaf nagu dhex jiray. laakiin waxanu leenahay Golaha Wakiiladu wey cusub yihiin, balse Shaqada Golaha Wakiiladu ma cusba oo Shaqadii hore usoo jirtay. Waxaan leeyahay raggaa Golaha Wakiiladu si fiican ayey Shaqadooda u qabtaan, anaguna dhinacayaga waxanu balan-qaadaynaa in aanu kalsooni kula shaqeyno. Insha allah wax khilaaf ahina naguma iman doono”.

Sida ku cad hadalada Diblomaasiyada leh ee Md. Rayaale uu ku hadoodilayo khilaafkii Siyaasadeed iyo murankii sharci ee ka dhexeeyey Golihiisa iyo Golaha Wakiilada ee aqlabiyadu Mucaaridka ku tahay intii uu xilka hayey ma dhicin cadaawad Siyaasadeed oo si shaqsi ah uu ugu la kacay dhinacyadii kasoo horjeeday, hase-yeeshee, marka laga tegi waayo waxa mararka qaarkood dib-u-dhac ama cadaadis ka iman jiray kharashka Golaha Wakiilada ugu jira Miisaaniyad Sanadeedkii Dawlada, kaasna inta badan waxa lagu kala dhamaysan jiray habab farsamo oo isugu jiray , macaamilo, weji iyo is faham, maadaama bulshada reer Somaliland yihiin dad dhaqan u leh is tixgelin iyo isu tanaasul.

Hase-ahaatee, arimahaa bedelkooda, waxa Maanta muuqda in hoggaaminta talada dalka uu ka jiro saluug badani, Siyaasiyiinta iyo bulshaduna walaac ka muujiyaan marxalada Siyaasadeed ee dalku ku jiro, qaabkii iyo ciddii ka saari lahayd, maadaama aanu fadhiyin Isteerinka Gaadhigu oo aad moodo inay gacmo badani ku kulmayaan, taasina ay sababto in khilaaf kasta oo Qaranka ku yimaada maaro loo waayo oo raacdadiisu adkaato, balan-qaadyada Xukuumaduna la mid noqdaan “Mashruucii caanka ahaa ee Faanoole”.

Waxa kaloo, muuqda cunsuriyad, ficilo ka baxsan nidaamka dawlad-nimo iyo falal u eeg aar-goosi oo lagu la kacayo cid kastoo ka hor-timaada am aka fikir duwanaata ama wax ka sheegta hoggaaminta Axmed Siilaanyo iyo gol-daloolooyinka Xukuumadiisa ka muuqda.
YOOL


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured