Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Waxaan Leeyahay Dibjirnimada iyo aflagaadadu Dhafoorkaagay Ka Muuqataa Xilka Qarankuna Waa Meerta Aflagaadada aad Marwo Fadumo Siciid Kula Dul Kuftayna Kursiga Kugu Negeyn Mayso.

0
Tuesday December 17, 2013 - 10:54:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Waxaan Leeyahay Dibjirnimada iyo aflagaadadu Dhafoorkaagay Ka Muuqataa Xilka Qarankuna Waa Meerta Aflagaadada aad Marwo Fadumo Siciid Kula Dul Kuftayna Kursiga Kugu Negeyn Mayso.

    Maamulka Siilaanyo iyo qoyska madaxtooyada ayaa bilihii u danbeeyey aflagaadooyin iyo gardaro cadaana kula dulkufay Geesiyada qaranka somaliland Marwo Faadumo Siciid Ibrahim oo ah gabadh ku qaali ah shacabka somaliland naf iyo maalbana u soo hurtay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Siilaanyo iyo qoyska madaxtooyada ayaa bilihii u danbeeyey aflagaadooyin iyo gardaro cadaana kula dulkufay Geesiyada qaranka somaliland Marwo Faadumo Siciid Ibrahim oo ah gabadh ku qaali ah shacabka somaliland naf iyo maalbana u soo hurtay dib u xoreyntii iyo dib u dhiskii somaliland. Maamulka siilaayo iyo qoyska madaxtooyada ayaa adeegsanayey dad dabadhilif iyo guulwadayaal u ah si ay u caayaan una aflagaadeeyaan Marwo Faadumo Siciid.
Dadkaasi Maamulka siilaanyo adeegsanayey waxaa ugu danbeeyey ninka la yidhaahdo Cabdiraxmaan Nuur Faarax oo sheegtay Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Gabiley ninkaasi oo aflagaadooyin iyo cayi afkiisa ka soo burqatay.
Wararku waxay sheegayaan in Cabdiraxmaan Nur Farax loo haysto xatooyo xoolo dadweyne uuna dawlada hoose ee degmada gabiley ka xaday hanti ummadu leedahay isaga iyo rag kale oo uu ka mid yahay Maayirkii Magaalada Gabiley oo u cararay Wadanka DJabouti.


Ninkani ah Xoghayaha dawlada hoose ayaa la sheegay in jagada laga qaadayo,wuxuuse moodey in jagada loo deynayo haduu caayo Marwo Fadumo Saciid.
Xoghayaha Dawlada hoose ha ogaado in cayda uu caayayo Marwo fadumo Siciid aysan ka joojinayn in xilka laga qaado maadaama uu dhacay hantidii ummada Ee Dawlada Hoose Ee Gabiley ( Xatooyo Xoolo Dadweyne).
Yusuf Abdilahi Janale

ajanaaaale3@hotmail.com

Oslo Norway



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured