aliyaha Hawlgelinta Booliska S/land oo ku guuldaraystay iskuday qabasho iyo xadhig xukumada Siilanyo la maaganeyd Gudoomiyaha Wargeyska HUBAAL. ducaale

0
Tuesday December 17, 2013 - 10:51:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    aliyaha Hawlgelinta Booliska S/land oo ku guuldaraystay iskuday qabasho iyo xadhig xukumada Siilanyo la maaganeyd Gudoomiyaha Wargeyska HUBAAL. ducaale

    Hargeisa-(xogreebnews.com--Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliiska Somaliland Gaashanle Sare Maxamed Ducaale Cali iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Xasan Madoobe ayaa ku fashilmay inay qabtaan oo xidhaan Gudoomiyaha wargeyska HUBAAL oo dhawa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com--Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliiska Somaliland Gaashanle Sare Maxamed Ducaale Cali iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Xasan Madoobe ayaa ku fashilmay inay qabtaan oo xidhaan Gudoomiyaha wargeyska HUBAAL oo dhawaan xukumada Siilanyo Albaabada u laabtay,lana wareegtay Xarunta wargeyska iyo Agabkii daabacaada. Gudoomiyaha Wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac Caloolay ayaa la sheegay in markii taliyihu isku deyay inuu qabto uu ka qaxweynaayey Maqaaxi ka mid ah goobaha laga buneeyo oo ku taala badhtamaha Hargeysa siiba agagaarka Togdheer Hotel.
Taliyaha hawlgelinta Booliiska Maxamed Ducaale oo uu weheliyo madaxa xuuraanka ciidanka booliiska oo wata gaadhi yar ayaa xogguhu sheegeen inuu ku horjaray gaadhigii Caloolay,ka dibna soo degay oo raqabada shaadhka qabtay oo tukhaantukhiyey ,iskuna deyay inuu xoog ku saaro gaadhigii taliyuhu watay balse waxaa la sheegay in dhalinyaradii halkaas ka bunaynasay hujuun ku qaadeen taliyaha oo qasab iyo xoog kaga fujiyeen gudioomiyaha wargeyska HUBAAL .

Isku soo wada duuboo Taliyaha hawlgelinta Booliiska iyo sarkaalkii la socday ayaa ka huleelay meesha iyagoo faro madhan oo ku guuldaraystay iskudaygaa ay doonaayeen inay ku qabtaan Caloolay iyagaan waaran Maxakamadeed iyo warqad qabasho midna sidan. Geesta kale waxaa xogguhu sheegeen in Askari ka tirsan ciidanka booliiska oo aan lebisnaynin maqaaxida ku sugnaa oo Telefoon ku hagay taliyaha hawlgelinta balse iskudaygaasi sdiisaba fashilmay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured