Muuse Biixi oo maanta isugu yeedhay guddidii qaban qaabada shirweynaha Kulmiye iyo khilaaf hor leh oo Curtay

0
Monday December 16, 2013 - 22:00:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo maanta isugu yeedhay guddidii qaban qaabada shirweynaha Kulmiye iyo khilaaf hor leh oo Curtay

    Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye isugu yeedhay xubnihii loo Ansixiyey guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye, waxaanu u qabtay kulan uu kaga d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye isugu yeedhay xubnihii loo Ansixiyey guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye, waxaanu u qabtay kulan uu kaga dalbaday in ay Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye isugu yeedhay xubnihii loo Ansixiyey guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye, waxaanu u qabtay kulan uu kaga dalbaday in ay dib isugu noqdaan oo ay soo doortaan hogaan cusub, isagoo u qabtay illaa berri in ay aku soo dhamaystiraan si ay u guda galaan hawshii qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka hadhsan tahay sagaal cisho oo kali ah.

Sidoo kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu saaka guddida ku soo daray xubno buuxinaya jagooyinkii ay iska casileen sadex xubnood oo ka mid ahaa guddida Qaban qaabada ee ay Ansixiyeen Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo si lama filaan ah saaka loogu dhex arkay guddida isla markaana uu ka mid yahay Maxamed Xuseen Mu’adinka oo uu ku soo buuxiyey jagadii Dr: Cumar Dixood baneeyey.
Sida ay Waaheen u xaqiijiyeen ilo wareedyo Muhiim ahi waxa ay saaka labadan talaabo ee uu Guddoomiye Muuse Biixi qaaday abuureen khilaaf hor leh oo la curtay yeedhmadiisa wallow aanay wali si rasmi ah u soo shaac bixin.
Wararka hordhaca ah ayaa durtaba sheegaya in isla maantaba Guddida qaban qaabadu fadhiisatay si ay jawaab uga soo saaraan Codsiga Guddoomiyaha maadaama aanay tan iyo intii khilaafku ka dhacay is-doorashadoodii aanay kulmin, waxaana la sheegay in ay iska dhex doorteen shan xubnood oo ka soo talo bixisa soo jeedinta Guddoomiyaha, iyagoo shanta xubnood ka kala socday Sadex Garabkii is-doortay ah iyo laba Garabka kale ee Muuse Biixi ah.
Xogaha ka soo baxaya kulanka ay shanta xubnood yeesheen ayaa sheegaya in ajandaha ku qarsoon yahay in wax laga bedelo xubnihii hogaanka loo doortay oo afar xubnood dhamaa, kuwaas oo hogaanka Kulmiye doonayo in qaarkood-na la daayo, qaarkood-na laga dhigo kooxdiisii lagaga awood roonaaday.
Kulanka shanta Xubnood ee loo saaray in ay ka soo talo bixiyaan soo jeedinta Guddoomiye Muuse Biixi wax jawaab ah oo ka soo baxday go’aanka ay qaadan doonaan lama hayo, hase yeeshee waxa soo if-baxaya soo jeedinta Muuse Biixi in ay daaha ka faydayso in aanu aqbalin Go’aankii kooxda Mus-danbeedka u ah Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay ku rideen ee ahayd in aan Guddida Qaban qaabada sidooda waxba laga bedelin ee ay sidaa ay isku doorteen u shaqeeyaan iyo inaanay wax doorasho ah shirweynaha ka dhicin haddii ay noqoto Hogaanka, Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe toona, isla markaana Musharaxiinta Madaxtinimadu ay ahaadaan oo kali ah Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Saylici.Dhinaca kalena, waxa ay xogaha ay Waaheen heshay sheegayaan in saaka markii uu guddida qaban qaabada soo dhex fadhiistay Maxamed Xuseen Mu’dinka oo ahayd markii ugu horaysay ee uu ka soo qayb galo hawlaha Guddida ay abuurantay xiisad iyo didmo ay xubnaha qaarkood shoodh kaga bixiyeen nidaamka uu Guddoomiye Muuse Biixi ku keenay madasha maadaama xubnihii Is-casilay cida lagu soo buuxinayo ay tahay in ay soo maraan guddida fulinta si loo Ansixiyo.
Si kasta ha ahaatee arrimahan la kowsaday kulanka Guddoomiye Muuse Biixi la yeeshay Guddida qaban qaabada ayaa dib u istaadhi kara khilaafkii Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee uu Guddoomiye Saleebaan iyo kooxdiisa Mus-danbeedka la baxday ku kala xukuntay labadii Garab ee ay Samaale iyo Muuse Biixi kala hogaaminayeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured