Maxaa ii Damaanad ah In Aan hantida Uamdda loo Ageedsan Mooshinka Ka Dhanka ah Gudoomiye Cirro iyo Isku Daygii Dil ee Lala Beegsaday Xildhibaan Qabile Sidii Shirqooladii Lagu Khaarajiyey C/qaadir Koosaar iyo Adan Shiine?

0
Monday December 16, 2013 - 20:14:01 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ii Damaanad ah In Aan hantida Uamdda loo Ageedsan Mooshinka Ka Dhanka ah Gudoomiye Cirro iyo Isku Daygii Dil ee Lala Beegsaday Xildhibaan Qabile Sidii Shirqooladii Lagu Khaarajiyey C/qaadir Koosaar iyo Adan Shiine?

    Mudooyinkan danbe waxaa soo noqnoqanayey mooshin laga soo abaabulay madaxtooyada oo ka dhan ah gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane C/raxmaan maxamed C/laahi(Cirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudooyinkan danbe waxaa soo noqnoqanayey mooshin laga soo abaabulay madaxtooyada oo ka dhan ah gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane C/raxmaan maxamed C/laahi(Cirro)

Mudooyinkan danbe waxaa soo noqnoqanayey mooshin laga soo abaabulay madaxtooyada oo ka dhan ah gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane C/raxmaan maxamed C/laahi(Cirro) kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyey gudi hoosaadka golaha wakiilada. Hadaba saaxiibayaal soomaalida waxba uma kala qarsoona oo waa dad Sali ku wada fadhiya oo wax wada cuna, waxaana xildhibaanada golaha wakiilada ee la doonayo in mooshinkan loo adeegsado loo qaybiyey sadex qaybood ama sadex darajo oo kala ah sidan:

1: qaar kood inta nin nin loola shiray ayaa nin walba gaarkiisa dhabarka looga taabtay oo loogu balan qaaday in uu ku fadhiisanayo kursiga gudoomiye cirro raggaasi oo ay tiradoodu ay 10 ku dhawdahay oo nin weliba uu isku arko in uu maanta yahay gudoomiyaha golaha wakiilada ee somaliland waxayna arintaasi la mid tahay ninkii afarta duamrka ah qabay ee isagoo safar u baxaya ku yidhi waan idinla sii dardaarmayaa waxaanan dhabarka taaban doonaa marka aan idinka tegaayo tiina aan ugu jecelahay afartoodana mid walba markii hore gaarkeeda ayuu ula soo balamay oo wuxuu ku soo yidhi marka aan idin idhaahdo afartiinyba sii jeesta adiga ayaan dhabarka ku taabanayaa ee sidaa u ogow afkeenuna waa isku amaan ee kuwa kale ha u sheegin markii uu odaygii dardaarankii dhameeyey ayuu afartisii dumar ahaa ku yidhi afartiinuba sii jeesta tiina aan ugu jecelahay ayaan dhabarka taabanayaa markii ay sii jeesteena afartoodiiba dhabarka ayuu taabtay waxayna meesha ka tegeen iyadoo afartoodii mid waliba isku haysato in uu kaligeed dhabarka taabtay .

Hadaba siilaanyo iyo saleebaan gaal hadii ay isku qanciyeen in ay ahaadaan madaxweyne iyo gudoomiye guurti oo aysan cidi ku dhadharsan golaha wakiiladana ay u sameeyaan 10 gudoomiye maaha wax suurtoobaya.

2: hadaba halkaasi waxaynu ka fahanay in kooxdaasi hore aynu soo sheegnay ay ahayd mansab doon kooxdan labaad ee aynu ka hadlaynaana waa koox hunguri doon ah waxaa loogu balan qaaday in faraqa loo buuxin doono hantida umadda maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda nin ay soori kaa qaaday waa nin ay seefi ka qaaday.

3: kooxdan sadexaad maaha kuwo mansab doon ah mana aha kuwo hunguri doon ah ee ee kuwo guulwadayaal ah oo ku qanacsan in ay maalintii walba hal mar galaan madbakha madaxtooyada markaa kadibna waxaan xasuustay taariikhdan mudadii lixda sannadoon ahayd ee uu Axmed Siilaanyo ahaa gudoomiyihii jabhadii SNM ee qaacidadii uu ku shaqeyn jiray ay ahayd dadka hadii aanad kala qaybin ma xukimi kartidi.

Dadkii qurba jooga ahaa ee taageersanaa jabhadii SNM waxay soo ururin jireen oo ay si toos ah u soo diri jireen lacag fara badan iyagoo ujeedadii lacagtaasi loo soo diri jirayna ay ahayd in lagu tayeeyo ciidamadii SNM ee dagaalka kula jiray ciidamadii taliskii maxamed siyaad barre hase yeeshee lacagtaasi waxay ku bixi jirtay meelo aan loogu talo gelin oo qayb ka mid ah siilaanyo ayaa si khaas ah u isticmaali jiray oo ku sameysan jiray gaancsiyo isago u gaar ah , qaybta kalena waxay ahayd in dadka lagu kala fogeeyo oo loo adeegsado shilqoolo lagu khaarajiyo nin kasta oo madax ah oo ay ka muuqato in aanu la dhacsaneyn sida loo maamulayo dhaqaalihii SNM lagu soo caawiyey.

Hadaba siilaanyo iyo inta ku xeeran si ay xaqiiqadii markaa jirtay uga qariyaan ummada ninka wax fahma waxay odhan jireen wuxuu ka soo horjeedaa SNM in dalka la xoreeyaan doonimaayo qaaciidadii noocaasi ahayd waa ta ay maanta isticmaalaan siilaanyo iyo inta ku xeerani oo ninka ka hadla sida loo maamulayo dhaqaalaha dalka iyo in loo sinaado awooda dawladnimo ee yidhaahda ha la qabto dood qaran oo lagaga hadlaayo waxa inaga khaldan waxa markiiba ummada loo sheegayaa wuxuu ka soo horjeedaa jiritaanka somaliland waxaanu khalkhal gelinaya nabadgalyada dalka.

Siilaanyo xiligii SNM wuxuu xooga saari jiray sida uu kursiga gudoomiyenimo u haysan lahaa oo kaliya inta ku xeeranina ay u heli lahaayeen sadbursiimo habka uu maantana ku dhaqmayaana waa kii oo kale ,akhristow hadii aad dib u xasuusato xiligii SNM markii dadkii dhaqaalaha soo diri jiray ogaadeen sida uu xaalku yahay arintaasi waxay sababtay in ay meesha ka baxdo oo la joojiyey khasnadii guud ee jabhadii SNM oo beel weliba wixii ay dhaqaale soo ururiso ay rag iyaga ka mid ah u soo dhiibi jireen oo aagga ama goobta ay ka dagaalamaya ay gey jireen hub iyo raashin ay lacagtii loo soo dhiibay ku soo iibiyeen.

Halkaa waxaad ka fahni kartaa in siilaanyo in ciidamadii SNM gaadhsiiyey in ay beel beel u kala fadhiistaan siilaanyo markii laga joojiyey dhaqalihii xad dhaafka ahaa ee lagu soo haajin jiray waxaa meesha ka baxday in si fudud looga wareejiyo xilkii gudoomiyenimada ee SNM lix bilood oo kaliyana kadibna waxaa jabhadii SNM u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan dalkoodii hooyo oo ay ka adkaadeen ama ay jabiyeen ciidamadii taliskii siyaad barre.

Siilaanyo maanta wuxuu ugu neceb yahay in wax laga weydiiyo shilqooladii lagu khaarajiyey Allaha u wada naxariistee C/qaadir koosaar iyo Adan Shiine maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda ruqay ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo.siilaanyo 6 sanadood ayuu ahaa gudoomiyaha SNM waxyeelo mooyee waxtarna ma lahayn maanta intii uu madaxweynaha somaliland ahaana dadka waaweyn iska daaye caruurtii ayaa qabyaaaldii baratay.

Hadaba isku soo wada duuboo Maxaa ii Damaanad ah In Aan hantida Uamdda loo Ageedsan Mooshinka Ka Dhanka ah Gudoomiye Cirro iyo Isku Daygii Dil ee Lala Beegsaday Xildhibaan Qabile Sidii Shirqooladii Lagu Khaarajiyey C/qaadir Koosaar iyo Adan Shiine?

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured