Wasiirka Duulista Hawada Oo Baro Kiciyay Qoysas Duleedka Madaarka Deganaa In Ku Dhaw Qarni, Ciidan Tiro Badan Oo La Dul Dhigay Iyo Dhul Balaadhsi Lagu Eedeeyay Wasiir Maxamuud Xaashi.

0
Monday December 16, 2013 - 20:09:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Hawada Oo Baro Kiciyay Qoysas Duleedka Madaarka Deganaa In Ku Dhaw Qarni, Ciidan Tiro Badan Oo La Dul Dhigay Iyo Dhul Balaadhsi Lagu Eedeeyay Wasiir Maxamuud Xaashi.

    Hargaysa(xogreebnews.com-Dadka dagan degaanka koonfureed ee madaarka hargaysa ayaa qaylo dhaan ka diray wasiirka wasaarada duulista iyo hawda somaliland oo kuna edeeyey inuu dadka dagan degaankaasi uu ka rarayo kuna balaadhinayo madaarka hargasay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Dadka dagan degaanka koonfureed ee madaarka hargaysa ayaa qaylo dhaan ka diray wasiirka wasaarada duulista iyo hawda somaliland oo kuna edeeyey inuu dadka dagan degaankaasi uu ka rarayo kuna balaadhinayo madaarka hargasay. Hargaysa(xogreebnews.com-Dadka dagan degaanka koonfureed ee madaarka hargaysa ayaa qaylo dhaan ka diray wasiirka wasaarada duulista iyo hawda somaliland oo kuna edeeyey inuu dadka dagan degaankaasi uu ka rarayo kuna balaadhinayo madaarka hargasay.
Hadaba dadka dagan duleedka koonfureed ee madaarka hargaysa ayaa mar ay maanta warbaahinta kula hadlayeen koobtaasi ayaa waxa shegeen in ay daganayeen in ka badan 20 sano islamarkaan goobta ku aasanyihiin awowyaashood.

Hadab ugu horen halkaasi waxa ka hadlay Axmed Saleebaan Bide oo ka mid ah dadka halkaasi daganaa waxaana uu yidhi?dadkan boqolaal sanadooda ayey daganaayeen halkan maanta wasiirka duulista iyo hawda somaliland uu hungurigu ka hayo mana suurtoobi doonto inuu isku balaadhiyo koobta ay dagan yihiin maatidu iyo caruurtu,dadka maanta halkan dagan ee beeraha ku leh ee caruurtoodii ku sii dhaleen caruur kale masuurtoobi doonto in ay si dhib yar nalooga qaado,xukuumada aan naga caawin waxaanu beeraha ku qodono ee aan naga caawin hal cagaf ah in ay maanta usoo xaglo xidhato beerahaas nooc waliba ku yalaan in ay cagta mariso oo ay baabiiso dano gaaran ku fushato kama aqbali doono.
Mar uu Axmed Saleebaan Bide ka hadlayey Wasiirka Duulista iyo Hawad Somaliland oo sheegay inuu la shiray ayaa waxa uu yidhi?Anigu waa wasiiro been ka sheegi maayo manaan arag nalamuu kulmin lakiin isagu waxa uu yidhi waan la kulmay, dadkii oo meesha wada taagan ayaa mar qudha arinkaas uu wasiirku yidhi kabiyo diiday,markaas anigu waxaan leeyahay yaa wasiirka la kulmay ma isga waalan mise dadka degaanka ayaa waalan arinta kaliya ee dadka goobta joogay kawada yaabisay oo wada yidhi hadaa mahabeen madawo ayaa wada kulanteen.
Mar uu fariin udirayey madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Axmed Saleebaan Bide ayaa waxa uu yidhi?mudane madaxwayne hadii Gudcur waxa lagaaga saxeexay iftiinka ayaanu kaga saxeexaynaa,hadii shan wasiir iyo madaxwaynuhu isku saxeexeen anaga waxaanu kaashan doonaa ilaahay,waanu ku dhalanay kama tagi doono ilaa aanu ku dhimano.

Dhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay Daahir Cali Bare oo sheegay inuu ku dhashay goobta hada uu ku haysto wasiirka duulista iyo hawad somaliland Waxaana uu yidhi?dadkani waxa ay goobta yaaleen ilaa shan awoow ilaa 10awoow dawladii somaliyeed oon jirin ayey dadkani yaleen halkan uu maanta wasiirka madaarku doonayo inuu isku balaadhiyo,dawladii somaliyeed markii ay dhalatay xeradaas maanta ciidanka millatariga lasoo dhoobay ayey bixiyeen waxaana waydiistay dawladii soomaaliyeed,dadka maanta habeenkiina bandooga logu soo rogayaa waa dad muwaadiniin ah oo jecel nabad,intaas oo dhan waxaanu hoos imanayey madaarka hargaysa oo waxaanu lanoolayn maanta hadaanu madaarka iska daaye habeenkii sagaal habeenimo ku habsaano suuqa xaafadu waa badnoo waxaan meel kasta taagan ciidanka billatariga.
Mar uu ka hadlayey inta ay dhibaatadani kusoo kordhay iyo cid ka masuul ah waxaana uu yidhi?dhibaatada ugu wayn waxa ay nahaleeshay markii uu yimi wasiirka duulista iyo hawad somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi wasiiradii ka horeeyey sharaf iyo kalsooni ayaanu uhaynaa.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamed maxamuud muxumed oo sheegay in uu daganaa koobtaasi ilaa 20 sanno waxaana uu yidhi?aniga oo ku hadlaya magaca beeralayd dagan koobtan uu wasiirku nagu haysto waxaanu baaqa udirayaa madaxwaynaha somaliland Axmed Siilaanyo cabasho aanu usheegayno oo ah beerahaas aanu daganayey 30sano beerahaas ayaa waxa nalugu yidhi madaxwaynaha somaliland ayaa tigreeto uu soo saaray ku joojiyey markaas waxanu leehanay madaxwayne intaad dadka kala hagaajin lahayd ayaad leedahay digreeto Ayaan ku mamnuucay,anagu waxaanu u aragnaa ula jeedo wayn markii ninkii yaalay shacabka lacag jiibka loogu riday ninka halkan beerta ku lagan ciidan la dul dhigay waxaanu u arganaa ula jeedo,hadii halkan sida ugu dhakhsaha badan waxa looga qaban waayo wixii ka dhaca waa la ogaan doonaa ee hadhwoba yaan dib loo calaan calin cidii ay waxa kaga dhintaan,imikaba wixii halkaasi ka dhaca wasiirka duulista ayaa madaxwayne ka masuul ah.
hadhwanaagnews.com cource


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured