Khilaafkii shirweynaha Kulmiye oo xukuumadda Jiheeyihii ka Lumiyey iyo Axsaabta Mucaaradka ah oo meel madhan Garaacaysa

0
Sunday December 15, 2013 - 22:17:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii shirweynaha Kulmiye oo xukuumadda Jiheeyihii ka Lumiyey iyo Axsaabta Mucaaradka ah oo meel madhan Garaacaysa

    Hargeysa(xogreebnews.com- Khilaafkii shirweynihii Kulmiye oo wali taagan ayaa u muuqda in uu Xukuumadda talada hays aka Lumiyey Jiheeyihii lagu maareyn lahaa dayawga ka taagan khilaafaadka Maamul iyo kuwa Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda dhexdeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Khilaafkii shirweynihii Kulmiye oo wali taagan ayaa u muuqda in uu Xukuumadda talada hays aka Lumiyey Jiheeyihii lagu maareyn lahaa dayawga ka taagan khilaafaadka Maamul iyo kuwa Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda dhexdeeda iyo Axsaabta Mucaaradka ah Sadexdii sano ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud talada dalka hayey waxa muuqday cabashooyin isa soo tarayey oo ay qaybaha bulshadu qaarba meel u food saaraynayeen, hase yeeshee sanadka Afraad ee ay xukuumaddu gashay waxa muuqata in khilaafkii Kulmiye meesha ka saaray daahii saarnaa tuhunkaasi, waxaana soo baxaya dareeno muujinaya rajadii laga qabay in taladu xaga danbe ka hagaagi doonto.
Loolankii adkaa ee Kulmiye dhexdiisa ka dhacay ee u dhaxeeyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo garab xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ka tirsan hogaaminayey iyo Garab kale oo labada dhinacba ka soo jeeda oo uu Wasiir Samaale hogaaminayey ee ay soo faragaliyeen koox is-huwan oo sheegatay Mus-danbeedka beesha talada Dalka ayaa qaaawisay tuhun kasta oo ay bulshadu ka qabtay inay gadaal wax ka hagaagayaan.

Kooxda Mus-danbeedka Talada Dalka sheegatay waxa ay Kulmiye gayeysiiyeen in uu ka dhasho khilaaf illaa wali aloosan oo uu ka qabsoomi kari la’yahay shirweynihii Xisbigu, iyadoo muuqatay rajo ah in nidaam Dastuuri ah iyo mid Xisbi ay ku kala baxayaan siyaasiyiinta Xukuumadda talada haysa ka soo jeeda ee kursiga damacu kaga jiro iyo kuwa Xisbiga Kulmiye gadh-wadeenka ka ahiba.
Go’aankii ay gaadhay kooxda sheegata Mus-danbeedka beesha xukuumadda talada dalka haysaa ka soo jeedo waxa ay faragalintoodii meesha ka saartay in shirweynaha lagu kala calaf qaado daayoo in xataa aanay muuqan in shirweynihii Xisbiga Kulmiye wakhtigiisii ku qabsoomi doono.
Dhul-gariirkii ay ku rideen kooxihii ku loolamayey Kulmiye marka laga tago Mus-danbeed-nimadoodii waxay keentay in aanay ku ekaan oo kali ah gudaha Kulmiye iyo xukuumadda’e inay u gudbaan in aya dalka ka curiyaan Khilaafaad Siyaasi ah kuwaas oo sadheeyey min Axsaab siyaasi ah, Golayaashii Baarlamaanka illaa Hay’adihii kale ee Dawladda.
Waxa ay dagaal adag ku qaadeen Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi oo dhinaca kalena ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ay laba jiho ka weerareen, kuwaas oo kala ah awoodiisii maamul ee Golaha uu ka arrimiyo iyo tii siyaasadeed ee ay olaga ku ahaayeen labada xisbi Mucaarad iyo madasha wadatashigu.
Guddoomiye Cirro oo si qaawan uga jawaabay faragalinta Kooxda talada dalka Gadh-wadeenka ka noqotay ee la baxday Mus-danbeedka ayaa ku tilmaamay Carruur qal-qaali ah isagoo si badheedh ah farta ugu fiiqay in Madaxtooyadda laga soo dhaqdhaqaajiyey, waxaanu ugu hanjabay in ay farta dhexda ka qaniini doonaan haddii aanay joojin basar xumada siyaasadeed ee ay ku faragalinayaan Golihiisa.
Hadalka C/raxamaan Cirro maalintaas ka dhawaajiyey ee uu ku ganay kooxdan Mus-danbeedka oo ahaa mid aan hore looga barani waxa uu la mid ahaa mid ay Bilowgii Xukuumadda Kulmiye ku ganeen Madax dhaqameedkii xukuumaddu xabsiga kala daashay ee Boqor Buurmadow iyo Raabi, kuwaasoo wakhtigaas lala yaabanaa halka ay ka arkeen.
Illaa hada ma muuqato Jiho rasmi ah oo la odhan karo waxa lagu maareyn karaa faragalinta ay kooxda Mus-danbeedku ku dhaqaajisay Irbadii Jiheeyaha siyaasadeed ee dalku higsanayey, waxaana soo if-baxaya xal la naawilo iska daaye in Bamka ay Qarxiyaha ka jareen ee aan wali qarxini saameeyey hawl maalmeedkii Xisbiga Kulmiye oo ay qalalaasaha siyaasadeed ku bilaabeen, kii Golaha wakiiladda oo Dib loo dhigay iyo kii Dooda Qaran ee ay mucaaradku abaabulayeen oo muddo dhaafay.
Sidoo kale waxa qasan khilaafaad sidii tusbaxa u furtay oo hoganaya Hay’addaha Dawladda, sida Telefishanka Qaranka, Wasaaradaha cadaaladda iyo Diinta iyo Aw-qaafta aoo ay Agaasimayaashoddii guud Dibad wareeg yihiin, khilaafka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo kuwo kaloo badan.
Talada Mus-danbeedku waxa ay maraysaa in la kala garan waayo jiho loo socdo maadaama uu khalkhalay Jiheeyihii siyaasadeed ee Dalku oo awal hore la tuhunsanaan jiray inay majaraha u hayeen Rag door ah oo farsamo ahaan iyo Dadnimo ahaanba bulshaawi ahaa balse dareenada ku gedaaman ee laga soo tabinayaa ay yihiin kuwo baalashii laga rifay oo ay doorkoodii qaateen kooxda uu Cirro sheegay oo ay ku bahoobeen Xildhibaano iyo Wasiiro aan waligood wax-san talin.
Anshax xumada siyaasadeed ee Kooxda Mus-danbeedka sheegata ee Xukuumaddu waxay Dalka u horseedaysaa in kooxo kale oo dano siyaasadeed leh oo shaadhka beelahooda soo gashaday iyana ay daba fadhiistaan Axsaabta Mucaaradka, taasoo Dalka dibu ugu celin karta Cahdigii dagaal beeleedyada haddii aanu Madaxweyne Siilaanyo xilka u gudan sidii loogu dhiibay ee ahayd Doorashada Xorta ah iyo Nidaamka Dimuquraadiga ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured