Xildhibaan Cali Mareexaan oo 300 kun oo Dollar Akoon Dahabshiil ah dhigay si uu ugu qaybiyo Xildhibaanada loo ururinaayo Mawshin ka dhan ah Guddoomiyaha Wakiilada.

0
Sunday December 15, 2013 - 08:01:15 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cali Mareexaan oo 300 kun oo Dollar Akoon Dahabshiil ah dhigay si uu ugu qaybiyo Xildhibaanada loo ururinaayo Mawshin ka dhan ah Guddoomiyaha Wakiilada.

    Malmahan waxaa socday mucaaridad xoogan oo ka dhex jirtay Xukuumada MD Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), taas oo ka bilaamatay isku shaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malmahan waxaa socday mucaaridad xoogan oo ka dhex jirtay Xukuumada MD Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), taas oo ka bilaamatay isku shaandhayntii Guddi hoosaayada Golaha Wakiilada Malmahan waxaa socday mucaaridad xoogan oo ka dhex jirtay Xukuumada MD Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), taas oo ka bilaamatay isku shaandhayntii Guddi hoosaayada Golaha Wakiilada ka dib markii Guddoomiyayaasha Guddi hoosadyada ugu muhiimsan ee Guddiyada Joogtada iyo Difaaca ay ku guulaysteen Xildhiaabno ka soo jeeda Xisbigada Waddani, halka ay ku guul daraysteen Xildhibaanada Xisbika Kulmiye oo uu hormood ka ahaa Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan} oo ilaa hada geed dheer iyo mid gaaban u galay sidii uu labadaas jago mid u heli lahaa taas oo laf dhuun gashay ku noqotay.Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan} ayaa baroortii waxa uu kula dhex dhacay Madaxtooyada halkaas oo islaanta aayada u ah ee Marwo Aamina waris ay u adkaysan wayday oohinta wiilkaas, waxaanay soo ururisay islaamaha ku xeeran ee kolba shandada dhinac ugu qaadaha iyo dhawr inan oo ay aayo u tahay oo ay ka mid yihiin, Wasiir Muhanad, waa wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Ciyaaraaha, iyo wiilka Ganacsade Cumaani, iyada oo ay sidaas tahay ayaa shalay waxaa akoon shirkadda Xawaalada ee Dahab shiil lacag dhan 300 kun oo Dollar ku shubay Xildhibaan Cali Mareexaan isaga oo ka soo qaaday lacagtaas Ganacsade Cumaani oo ah Ganacsade reer Somaliland ah, isla markaana ah Ganacsadaha dhisaaya Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Hargaysa taas oo loogu talo galay in Xildhiibada Golaha Wakiilada jeebka loogu buuxiyo si mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), xilka Guddoomiyaha lagaga tuuraayo.

Hadaba taasi waa mid ay Xukuumada Kulmiye ceeb iyo xagal daac siyaasadeed ay ka qaadi doonto oo aan geedkaas u gaadhi doonin, waana mid soo shaac saartay colaada ay haatan wadaan marwada iyo yar-yarka ay aayada u tahay ee kafaykaga kula caba qol-qolka madaxtooyada hoosteeda, waxanay colaad siyaasadeed ku hurinayaan Madaxweyne Siilaanyo oo markii horeba tabcaan dartii la dalaa dhacayay xukunka loo dhiibay taas oo bulshada reer Somaliland makhaayadaha iyo goobaha lagu kulmo kaga sheegeeyaan cida wadanka xukunta oo mugdi kaga jira sida taladu haatan tahay.Quule Caligiire002@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured