Qasriga Madaxtooyada oo wada Muhindis xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska S/land loogu magacaabayo Masuul isla madaxtooyada ka tirsan iyo Xoggo la xidhiidha!.

0
Sunday December 15, 2013 - 07:58:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qasriga Madaxtooyada oo wada Muhindis xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska S/land loogu magacaabayo Masuul isla madaxtooyada ka tirsan iyo Xoggo la xidhiidha!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Xoggo aan warbaahinta loogu talo gelin balse ay Qarannews si hoose ugu soo dusiyeen Hawl-wadeeno ka tirsan Qasirga madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaaya in Madaxweyne Siilanyo iyo wasiirada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Xoggo aan warbaahinta loogu talo gelin balse ay Qarannews si hoose ugu soo dusiyeen Hawl-wadeeno ka tirsan Qasirga madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaaya in Madaxweyne Siilanyo iyo wasiirada Hargeisa-(xogreebnews.com-Xoggo aan warbaahinta loogu talo gelin balse ay Qarannews si hoose ugu soo dusiyeen Hawl-wadeeno ka tirsan Qasirga madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaaya in Madaxweyne Siilanyo iyo wasiirada awooda badan ee Qasriga ku xeerani wadaan muhindis cusub oo ah in la bedelo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland General Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo ku xigeenkiisa General Cabdiramxaan Liibaan Fooxle.
Labadan Janan ayaa xogguhu sheegayaan inay arintoodu dhaafi weyday inay kolba meeshii dhacdo ama mudaharaad silmi ahi ka socdo u diraan Guuto ciidan RRU ah oo argagax abuura ku biiriya oo inta badan labadooda mid hogaamiyo ama ka hor muuqdaan balse hal abuur kale daayoo ay hagidii iyo hogaamintii ciidanka lumiyeen,murano madhalays ah iyo madmadow maamul oo ka dhex curtay labadoodaana banaanka u soo baxay.

Waxay kaloo xogguhu intaas ku dareen in Taliyaha iyo ku xigeenkiisu tahli kari waayeen inay balaadhiyaan adeegyada ciidanku qaranka u hayo iyo inay dhisaan oo tayeyaan Awooda ciidanka Booliiska Somaliland oo ah ciidan balaadhan.
Waxaa kaloo tibaaxuhu intaas ku dareen in labada janan maareyn kari waayeen cabaashooyin badan oo ka soo yeedhaya Bulshada, waxayna badiyaaba sugaan keliya Amaawiir ama Go’aano uga yimaada Madaxtooyada balse aanay lahayn Hal abuur hogaamin ciidan.
Taas bedelkeeda waxay xogguhu sheegayaan in Qasriga Madaxtooyadu u yeedhay La-taliyaha madaxweyne Siilanyo xagga Arimaha Amniga Saleebaan Cumar-ku-joog oo arimo caafimaad u jooga Dalka UK oo tibaaxuhu sheegeen in Madaxweyne Siilanyo,Marwadiisa iyo dhawrka wasiir ee awooda badan ee ku xeerani isku raaceen in loo magacaabo xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland.
Saleebaan Cumar ku-Joog ayaa xilligii xukumadii Siyaad Barre ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska Somaliya Siiba qeybta CID-da, gaadheyna derejada Gaashanle Dhexe,ku darsoo wuxuu gudoomiye u noqday Guddi saraakiil hore ah oo Madaxweyne Siilanyo u igmadey bixinta Derejada ciidamada Somaliland hase yeeshee cabasho badani ka soo yeedhay, haatana wuxuu Saleebaan La-taliye xagga amniga ah u yahay Madaxweyne Siilanyo.Xogguhu waxay intaas raaciyeen in Taliye ku xigeenka Booliiska Cabdiraxmaan Fooxle loo bedeli doono Ciidanka Milateriga inkastoo aan xogguhu carabaabin sarkaalka Booskiisa buuxin doona.qarannews.cource



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured