Beesha Bariga Burco Maanta XABAAL Uun Baa Ka Maqan, Haday Diidaana: Garnaqsigii Duqayda + Dooddii Saleebaan, Gogol Dhiggii Gabboose Iyo Gacan Togaaleyntii Maxamed Kaahin

0
Sunday December 15, 2013 - 07:55:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Bariga Burco Maanta XABAAL Uun Baa Ka Maqan, Haday Diidaana: Garnaqsigii Duqayda + Dooddii Saleebaan, Gogol Dhiggii Gabboose Iyo Gacan Togaaleyntii Maxamed Kaahin

    Hargeysa(xogreebnews.com-- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo Guurti oo isugu jiray Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco, ayaa Xalay kulan xasaasi ahi ku dhex-mara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo Guurti oo isugu jiray Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco, ayaa Xalay kulan xasaasi ahi ku dhex-maray Magaalada Hargeysa. Hargeysa(xogreebnews.com-- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo Guurti oo isugu jiray Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco, ayaa Xalay kulan xasaasi ahi ku dhex-maray Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo Saxaafaddu Debada ka ahayd, ayaa sida Wargeyska “Yool” ay xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa madasha, waxa uu ahaa mid qabsoomidiisu ka timi dhanaca Duqayda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiye Saleebaan hex ka ahayn xal u helida muranka sharci iyo khilaafka Siyaasiga ah ee soo kala dhex galay Xukuumada iyo Golaha Wakiilada. Duqayda lahayd dalabka kulankan oo tiradoodu ahayd 11 xubnood, kana mid ahaayeen Oday Dayr Maxamed Cilmi, Cabdillaahi Axmed Daamur Dr. Maxamed Cabdi Gaboose isagu lahaa xidhiidhka iyo suurtogelinta kulanka Guddoomiye Saleebaan iyo Odayaasha, ayaa markii dalabka Odayaasha uu kusoo wargeliyey Guddoomiyaha, sida wararku tibaaxeen waxa Md. Saleebaan kulan wada-tashi ah dhankiisa u yeedhay Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Bariga Burco oo uu ka mid ahaa Maxamed Kaahin Axmed.

Hase-yeeshee, kulanka oo aan ahayn mid dhaqan awgeed, waxa Gudoomiyaha Guurtidu uu fasaxay xubnihii ay isku beesha kasoo wada jeedeen markii xubnihii ergada dhinaca kale soo gaadheen Gurigiisa oo kulanku ku qabsoomay, kadibna waxa la gudo galay ujeedadii looga gol-lahaa kulanka.
Wararka naga soo gaadhaya kulanka, ayaa lagu sheegay in xubnaha Guurtida Galbeedka Burco u dedajiyeen Gudoomiyaha ujeedada ay uga gol-lahaayeen kulankan dalbashadiisa, oo ay ku macneeyeen inuu yahay Saluug la xidhiidha kaalinta Gudoomiyaha Guurtida ee ku aadan xalinta muranka sharci iyo khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumada iyo Golaha Wakiilada, gaar ahaan Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Waxa kaloo, wararku xuseen in Odayaashu doodooda ku tusaaleeyeen Gudoomiyaha mustawaha ama maqaamka Beeshiisu ka joogto Dawlad iyo Shicib-ba, kaasoo ay ku fasireen inay awooddii Dawlada iyo Dhaqaalihii dalka iyagu gacanta ku hayaan.
Waxaana ay xuseen in waxa keliya ee ka maqan Beesha Bariga Burco uu yahay XABAAL. Waxana iluhu tibaaxeen in Odayaashu intaa ku dareen in haddii la waayo hoggaamin wanaagsan, waxyaabahaas oo dhami ay u muuqan waayaan Gudoomiye Saleebaan iyo xubnaha hoggaanka Dawlada ee Beeshiisa, taa bedelkeeda ay Iyana Xabaashii hayaan
Geesta kale, waxa wararku sheegeen in Gudoomiye Saleebaan dhankiisa uu Odayaasha ku qanciyey in isaga iyo Wasiirka Madaxtooyadu midkoodna aanay wax lug ah ku lahayn dhaq-dhaqaaqyada Xukuumadu wado ee ka dhanka ah Gudoomiyaha Wakiilada iyo Golihiisa, sidaa darteed-na ay kasoo horjeedaan arimahaa iyaga ah, haddii Xukuumadu joojin weydana uu la safan doono Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Yool


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured