Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Naqdiyey Qaabka Ay Wax U Waddo Xukuumadda Somaliland Ee Arrimaha Macdanta Iyo Kheyraadka Dalka

0
Thursday April 11, 2013 - 16:25:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Naqdiyey Qaabka Ay Wax U Waddo Xukuumadda Somaliland Ee Arrimaha Macdanta Iyo Kheyraadka Dalka

    Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Naqdiyey Qaabka Ay Wax U Waddo Xukuumadda Somaliland Ee Arrimaha Macdanta Iyo Kheyraadka Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

careef
Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Naqdiyey Qaabka Ay Wax U Waddo Xukuumadda Somaliland Ee Arrimaha Macdanta Iyo Kheyraadka Dalka Hargeisa 11-4-2013(Xogreebnews)Musharaxa Madaxweynanimada Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag u naqdiyey, isla markaana u dhaliilay wareegtadda ka soo baxday madaxtooyadda Somaliland ee sheegaysa in aan la hor istaagi karin shirkaddaha qalaad ee baadhaya kheyraadka dalka. Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay Warsxafadeed qoraal ah oo uu caawa soo gaadhsiiyey saxaafada, Jamaal Cali Xuseen waxa uu cadeeyay in uu taageersan yahay in kheyraadka dalka la baadho, laakiin ay waajib dastuuri ah ay tahay in loo maro sifo sharci ah. Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Somaliland iyo Golaha wakiiladda ee Somaliland in aanay waajibkoodii dastuuriga ahaa aanay ka gudanin arintani,taasina ay keeni karto iska hor-imaad ka yimaadda shirkadahaasi iyo dadka kala duwan ee deggan deegaanadda Tog-dheer, Sanaag, Caynabo, iyo Saaxil oo hadda la yaaban shirakadahan buu yidhi cirka kaga soo deggay ee aan laga tallo-gelin. Murashaxa jagada Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa hadalkiisi ka mid ahaa "Shirkadahani aan soo marin sifihii sharciga ahaa ee ay dhigayeen shuruucda waddankeenu waxay dalka u horseedayaan isku dhac weyn. Xukuumaddanu waxay ahayd inay Baarlamaanka kala shaqayso intaan waxba laysaga saxeexin shirkaddahan ay wadda leeyahiin ajanabiga iyo dad reer Somaliland ahi. In Kheyraadka dalka la soo saaro ma diidanin waana arrin wanaagsan laakiin sida wax loo waddaa hadda waxay dalka ku soo waddaa fawdo aan loo dul qaadan karin, waxaananu aragnaa fool xumadda ka soo socota Ilaahay inaguma keenee haddii aan maanta wax laga badalin sida ay wax u socdaan. Waxay ahayd in dhowr shay ummadda loo iftiimiyo intaanay shirkadahani bilaabin wax sahamis ah; kuwaasoo kala ah; 1. In marka hore ay xukuumaddu ay Baarlamaanka waddanka u soo bandhigto heshiisyaddii ay la gashay shirakadahani iyo cidda wax ku leh shirkadahani. Taasoo ah waajib saaraan Baarlamaankana in ay iyagu ansixiyaan. 2. In Dadka deegaanaddaa wax laga qodaayo laga tallo geliyo, saami fiicana ay ku yeeshaan faa´iidada laga helaayo maadama ay dhibaato ku keeni karto deegaankaasi oo ay xoolahu u daaqaan. 3. In heshiisyadda noocan ah lagala tashaddo khabiiro dhinaca dhaqaalaha, Sharciga, iyo kheyraadkaba u leh aqoon dheeraad ah oo garan kara heshiisyadda noocan oo kale ah ee dalalka adduunku la galaan waddamadda. Sida la ogsoon yahay waddamo badan oo Afrikaan ah waxa lagu khiyaameeyay heshiisyo noocan oo kale ah waxaanay dalal badan oo Afrikaan ah ku keentay cawaaqib xumo ah mid ay dhaqaalle badan ku waayeen dalalkaasi, markii danbena keentay muran deeggaan iyo mid maxkamaddeed oo u dhaxeeyay dalalkaasi iyo shirkadihii wax ka qodaayey. Arrinkani lama mid aha qandaraas layska siinaayo qof caaddiyadda ee waa hantiddii ummadda waxaanay u baahan tahay taxadir badan iyo wadda tashi faro baddan oo laga yeesho. Anigoo ka jawaabayaa wareegtaddii xukuumadda Somaliland, waxaan leeyahay arrinkani oo kale maaha mid xoog lagu fulin karo, loona baahan yahay in Baarlamaanku uu gacan-weyn ku yeesho oo laga tallo-geliyo. Baarlamaanka Somaliland isagana waxaan ku boorinayaa in aanay xilkooda gabin oo aanay noqon fadhiid ee ay xukuumadda la xisaabtamaan, halkaasina ka gutaan waajibkoodda dastuuriga ah. Ilaahay hayna garan siiyo waajibka Ummaddu inoo dhiibatay."


Mubaarik Careef
Xogreebnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: Mubaarikcareef@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured