Baaq ku socda maayirka Hargeisa Oo ka Dhan ah Suuqa Ganacsiga ee inji Oo Ay Soo Foodsaartay xaalad nadaafaddaro–

0
Saturday December 14, 2013 - 20:11:12 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq ku socda maayirka Hargeisa Oo ka Dhan ah Suuqa Ganacsiga ee inji Oo Ay Soo Foodsaartay xaalad nadaafaddaro–

    Anigoo ah Cabdicasiis ismaaciil Jaamac Waxaan halkan baaq uga dirayaa maayarka caasimada hargeisa iyo dhamaan golaha deegaanka hargeisa baaqaas oo ka dhan ah SUUQA inji oo noqday goob ay soo wajaheen xaalado nadaafad daro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo ah Cabdicasiis ismaaciil Jaamac Waxaan halkan baaq uga dirayaa maayarka caasimada hargeisa iyo dhamaan golaha deegaanka hargeisa baaqaas oo ka dhan ah SUUQA inji oo noqday goob ay soo wajaheen xaalado nadaafad daro kuwaas oo maanta sababay inay cuduro ka dilaacaan goobtaas .Suuqa inji ayaa waxa ugu dambaysay cid wax ka qabata oo daryeesha xaaladiisa nadaafadeed xukuumadii uu hogaaminayay madaxweyne DAAHIR RIYAALE KAAHIN iyo dawladii hoose ee uu ugu dambeeyay ENG JICIIR . Suuqan ayaa hada ku sugan xaalad aad u madaw kaas oo noqday meel hoy u ah qashinka iyo meel
cidkastaa ku tuurto qashinka kala duwan ee ay soo tuuraan runtii haddii aad dhex martid suuqaas yaab ayaad qaadaysa adoo la yaabaya qashinka , qadhmuunka iyo fool xumada ka muuqata isagoo ay sabab u tahay dayr la,aan haysata suuqaasi iyo dhamaan dawladii hoose oo aan kaba shaqayn xaaladiisa nadaafadeed.Hadaba waxaan kula talinayaa maayarka hargeisa iyo golihiisa deegaanka in suuqa inji si dhakhsaa loogu hawl galo oo la soo ogaado xaaladiisa nadaafadeed , iyada oo aan kula talinayo dhamaan dawlada

hoose ee hargesa inay keenaan weelka qashinka lagu ururiyo kaas oo muhiim u ah in nadaafada suuqaasi ay wanaagsanaato .Waxaanad xasuusataan balantii kala duwanayd ee aad noo qaadeen idinkoo ka hadlaya ilaalinta nadaafada iyo horumarinta faayo dhawrka magaalooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured