URURKA SAXAFIYIINTA SOMALILAND OO BEESHA CAALAMKA KA CODSADAY INAY SOO KALA GAADHAN XUKUUMADDA SIILAANYO.

0
Saturday December 14, 2013 - 19:41:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    URURKA SAXAFIYIINTA SOMALILAND OO BEESHA CAALAMKA KA CODSADAY INAY SOO KALA GAADHAN XUKUUMADDA SIILAANYO.

    Hargeisa(xogreebnews.com-ururka solja ayaa si weyn werwer uga qabba sidaa ay xukuumada somaliland ula dhaqmayso warbaahinta dalka oo kasoo gudubtay marxalado badan kuwaaso an ku qabin manfac balse u dhabar adayga sidii dalkoodu uga mid noqoon lahaa d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-ururka solja ayaa si weyn werwer uga qabba sidaa ay xukuumada somaliland ula dhaqmayso warbaahinta dalka oo kasoo gudubtay marxalado badan kuwaaso an ku qabin manfac balse u dhabar adayga sidii dalkoodu uga mid noqoon lahaa dalalka horumarka ku Hargeisa(xogreebnews.com-ururka solja ayaa si weyn werwer uga qabba sidaa ay xukuumada somaliland ula dhaqmayso warbaahinta dalka oo kasoo gudubtay marxalado badan kuwaaso an ku qabin manfac balse u dhabar adayga sidii dalkoodu uga mid noqoon lahaa dalalka horumarka ku tallaabsaday,waxanay werwer ka muujiyeen solja sidaa billa xuduuda ah ee maamulka hadda xilka hayaa u ugu tuntay tubtii toosneyd ee somaliland ku socootay.
sidoo kale waxaay walaac weyn ka muujiyeen dhaqanada cusub ee ay la soo baxeen oo ah in ay adeegsanayaan,ciidamada oo ahayd inay iyaagu dhex noqdaan.

Maxamed Cabdi Curad waxa uu intaas ku daray ?Waxaanu Falkaa u aragnaa mid Xoriyatul qawlka lagu fara galinayo, waxaanu u aragnaa fal Anshax daro ah oo Amni burburin ah. Waxaanu caddaynaynaa in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu haysan Amaan sugan iyo Xoriyatul Qawl. Haddii ay sii socoto in dhibane cabanaya tacadi looga daro, waxay kalifaysaa in Hay?addaha warbaahinta iyo suxufiyiintu isdifaacaan oo ay Gabood samaystaan, Annagay nagu khasbadan tahay, iyagay ku khasban tahay haddaan Xukumaddu si degdeg ah uga qaadin Talaabo? ayuu yidhi Maxamed Cabdi Curad.
ururka suxufiyiinta Solja iyo guud ahaan warbaahinta madaxa-banaan ee dalku aad uga xun yihiin falkan oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid gardaro cada, iyagoo dhankooda xusay inay is dufaaci doonaan hadii ay xukuumadu sidan wax ka badeli waydo.Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed-rashiid Muxumed d Faarax isna Shirkaasi Jaraa?id ka hadlay, waxa uu yidhi ?Madaxweyne Dimuqraadiyaddii iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland gurigaagaad ku Aastay. 21-kaa sano Xukumaddihii Cabdiraxmaan Tuur, tii Marxuum Cigaal iyo tii Daahir rayaale may dhicin Dacwad aan la qaadin oo Maxakamad iyo Xeer ilaalini Xayiraad u soo qorto.Meesha la isku haysto ayaa Xayiraada loo qoraa. Waxay ahayd in Boolisku haddii ay wargeyska Hubaal ka cabanayaan Maxakamad u furtaan oo markay dambe ku hesho Xayiraad saarto. Waxaanu leenahay Madaxweyne waxaad ku dhaqan taa Dastuurka aan Madaxweynaha ku tahay. Waxaad ixtiraamtaa qodobka 32-aad ee Xoriyadda Hadalka.? Ayuu yidhi Maxamed-rashiid.
Masuuliyiintan, ayaa ku dhawaaqay inaanay wax amaana ku haysan dalka, waxaanay baaq u direen beesha caalamka iyo cid kasta oo danaysa arimaha Somaliland in dib loo eego dhibaatooyinka ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u geystay saxaafada.
Hargeisa-xogreebnews.com office
cheif editor cabdi casiis bashiir nuur





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured