Guddoomiyaha Qaban qaabada Shirweynaha Doodda Qaran Oo Ka Waramay Halka Ay Hawshu U Marayso

0
Saturday December 14, 2013 - 19:14:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Qaban qaabada Shirweynaha Doodda Qaran Oo Ka Waramay Halka Ay Hawshu U Marayso

    Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha qabanqaabda dooda qaran ee xisbiyada mucaaradka ah ay ku hawlan yihiin Dr.Maxamed Cismaan Fadal, ayaa si adag u sheegay in aanay qabashada doodaas ku joojinayn cabudhin iyo adeegsiga ciidamadda, waxaanu sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha qabanqaabda dooda qaran ee xisbiyada mucaaradka ah ay ku hawlan yihiin Dr.Maxamed Cismaan Fadal, ayaa si adag u sheegay in aanay qabashada doodaas ku joojinayn cabudhin iyo adeegsiga ciidamadda, waxaanu sheegay inay Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha qabanqaabda dooda qaran ee xisbiyada mucaaradka ah ay ku hawlan yihiin Dr.Maxamed Cismaan Fadal, ayaa si adag u sheegay in aanay qabashada doodaas ku joojinayn cabudhin iyo adeegsiga ciidamadda, waxaanu sheegay inay wali u socdaan hawlahii qabanqaabada dooda qaran.
Sida oo kale waxa uu Dr.Fadal waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay inay gudida qabanqaabada dooda qaran ay madaxweynhaa u direen warqad martiqaad ah. Waxaanu sidan ku sheegay Dr.Fadal waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Qaban qaabada doodu wali waa ay socotaa, qabanqaabada shirarka muhiimka ahina wakhti ayay qaataan, marka uu shirku weyn yahay waxa la eegaa dadka ka soo qaybgalaaya baaxadooda,markaas mar haddii aynu qaban qaabinayno dood qiimo leh oo Somaliland anfacaysa wakhtibay qaadanaysaa.”

Dr.Fadal oo aanu waydiinay waxa ka jira inay u direen martiqaad madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi“Warqad aanu u dirnay madaxweynaha oo ah inuu doodan ka soo qaybgalo ma jirto,shirkuna wakhti martiqaad la bixiyo oo warqado la qoro muu gaadhin,marti qadyadiisuna way noo danbeeyaan,walina talo ururintii dadka ayaa socota,laakiin madaxweynaha umaanu qorin wax warqad ah oo uu shirkaas kaga soo qaybgalaayo.”
Ugu danbtayntii guddoomiyaha qabanqaabada dooda qaran ee xisbiyadu ay abaabulayaan oo wargeyska Geeska Afrika uu waydiiyay waxay yeelayaan hadii xukuumaddu awood ciidan ku hor istaagto dooda,waxa uu yidhi“Xaq qofka muwaadinka ah leeyahay iyo xaqa xisbiyada mucaaradka ay leeyihiin midna baqdin,cabudhin ciidan iyo meel ka joojin midna looga joogi maayo.dalkani waa mid dimuqraadi ah hadii xukuumaddu ay tacadi la timaadana dadkuba waa uu arkayaa kana aqbali mayaan oo kuwii horeba waataas la canbaareeyay,anagu ma ogalin cabudhin kamana yeelayo,waana xaq ay xisbiyada iyo muwaadiniintu u leeyahiin waa la qabanayaa dooda waana la hadlayaa.”
Geeska



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured