Koox Wasiirkii hore ee Waxbarashada hogaaminayey oo xalay Xaal u geysay Marwada Madaxweyne Siilanyo +Cida xaalka laga bixiyey iyo wuxu xaalku daaranaa!.

0
Saturday December 14, 2013 - 09:26:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Wasiirkii hore ee Waxbarashada hogaaminayey oo xalay Xaal u geysay Marwada Madaxweyne Siilanyo +Cida xaalka laga bixiyey iyo wuxu xaalku daaranaa!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Fadhi qayilaadeed ama Kulan balaadhan oo shalay ka dhacay Guri ku yaala Hotel Maansoor gadashiisa oo ilo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Qarannews inuu u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Fadhi qayilaadeed ama Kulan balaadhan oo shalay ka dhacay Guri ku yaala Hotel Maansoor gadashiisa oo ilo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Qarannews inuu u Hargeisa-(xogreebnews.com-Fadhi qayilaadeed ama Kulan balaadhan oo shalay ka dhacay Guri ku yaala Hotel Maansoor gadashiisa oo ilo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Qarannews inuu u kiraysan yahay Dekeda Berbera ayaa waxaa fooda isku daray dhawr kooxood oo siyaasada Somaliland aad ugu kala aragti duwan hase yeeshee ka soo wada jeeda Beesha Ciise Muuse.
Fadhigan ayaa waxaa soo abaabulay kudlad isagu jirta siyaasiyiin,Oday dhaqameedyo iyo Xubno xilal ka haya xukumada Siilanyo iyo xubno xil doona,waxayna markii kulanku bilaabmay isla-markiiba badka soo dhigeen Ajeendahay fool erayayeen oo masuul goobjooga ahaa oo ka gaabsadey in magaciisa warbaahinta la geliyaa u sheegay Qarannews inuu ahaa in xaal loo geeyo Afada madaxweyne Siilanyo Amina Weris Jirde oo laga xaalsiiyo Weedho xanaf iyo xajiin badan oo ay Xoghayaha maaliyada UCID faadumo Saciid Ibraahin Warbaahinta isku waydaarsadeen.

Kulankan ayaa ilaha Qarannews xogtan ka heshay u sheegeen inay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Salaadiinta Beesha Ciise Muuse balse ay si weyn uga biyo diideen Ajeendaha kooxdii kulanka soo abaabushey wadatay, waxayna salaadiintu ku gaabsadeen inay labada Dumaraba salaadiin u yihiin,Arrin xaal loogu kala geeyaana meesha oolin,Keliya hadalo siyaasadeed oo warbaahinta galay isku tuurtureen balse aanay arkin arrin xaal loogu kala qaado,intaas ka dibna waxay xogguhu sheegeen inay salaadiintu iska kaceen.
Taas ka sakow waxay xogguhu intaas ku dareen inay kulankaas goor danbe ku soo biireen Ibraahin dhegaweyne Iyo Jamaal Cali Xuseen oo fadhigii kala kiciyey ka dib markay ku doodeen inaan meel aan waxba ku jirin wax laga qodqodin ee la kala shaqo tago,halkaana lagu hakiyo sheekooyinka Ganbo- dumarta aan xikmadu ku jirin ee la soo qufaayo ee dadka walaalaha kala fogeyn kara.
Yeelkeede markii doodu qadhaadhatey ee laysku mari waayey ayaa lagu kala dareeray iyadaan waxba laysla meel dhigin hase yeeshee xubna doora oo ka mid ahaa Qolyihii fadhiga soo abaabulay ayaa hoosta iska taabtay, Madashiina ku hadhay, go’aana ku gaadhay inaaney cidna ka talogelin ee Marwada madaxweyne Siilanyo Amina Weris xaal u geeyaan,oo ka xaal siiyaan hadaladii iyo aflagadooyinkii Faadumo Saciid marwada warbaahinta u marisey.
Xubnaha Xaalka u geeyay marwada Madaxweyne Siilanyo oo isla xalayba Qasriga Madaxtooyada galay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 8 Ruux oo hogaaminaayey Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Xasan Gadh-weyne oo la sheegay inuu hadda ka horna xaal kan la mid ah u geeyay madaxweyne Siilanyo mar Ibraahin Dhegaweyne xukumada siilanyo ku tilmaamay xukumad musuqmaasuq iyo Tuugo daashatey oo hantidii Ummada liqday!.
Xubnaha kale ee Xasan Gadh-weyne ku wehelinaayey xaalkuu xalay marwada u geeyay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Sanqoole oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo xisbiga Kulmiye,Axmed Like oo ah Qurbomeer wasiirka madaxtooyada Xirsi uga yeedhay UK oo loo raadinaayo Xil wasiir- ku-xigeen,Cabdirisaaq Ciyaale oo ah Gudoomiyaha Gudiga diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta siyaasiga ah,Cabdiwahaab Xaaji Gamgam oo ah la-Taliyha wasiirka Ganacsiga, Caaqil Hadoodil,Caaqil Tuulo iyo Xildhibaan Ina Garas oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured