Iska horimaad Rabshado wata oo caawa ku dhexmaray Hargeysa Ciidamada RRU-da iyo Kooxo aad u abaabulan oo khasaare hantiyeed iyo dhaawacyo nafeedba sababay

0
Saturday December 14, 2013 - 09:21:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska horimaad Rabshado wata oo caawa ku dhexmaray Hargeysa Ciidamada RRU-da iyo Kooxo aad u abaabulan oo khasaare hantiyeed iyo dhaawacyo nafeedba sababay

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Kooxo dhalinyaro ah oo ku hubaysan Mindiyo iyo Faashash oo raabo raabo u socda ayaa iska horimaad ku dhexmaray ciidamada RRU-da goobo aan sidaa uga fogeyn faras magaalaha Hargeysa caawa halkaas oo Ciidamada RRU-du isticmaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Kooxo dhalinyaro ah oo ku hubaysan Mindiyo iyo Faashash oo raabo raabo u socda ayaa iska horimaad ku dhexmaray ciidamada RRU-da goobo aan sidaa uga fogeyn faras magaalaha Hargeysa caawa halkaas oo Ciidamada RRU-du isticmaalayaan Rasaas Hargeisa-(xogreebnews.com-Kooxo dhalinyaro ah oo ku hubaysan Mindiyo iyo Faashash oo raabo raabo u socda ayaa iska horimaad ku dhexmaray ciidamada RRU-da goobo aan sidaa uga fogeyn faras magaalaha Hargeysa caawa halkaas oo Ciidamada RRU-du isticmaalayaan Rasaas nool si ay u kala furfuran ama u kala didiyeen kooxaha dhalinyarada ah hase yeeshee dhalinyaradaasi hujuun dhagaxa ayey kala hor yimaadeen RRU-da meelaha qaar.
Dhalinyaradan ayaa xoggo Qarannews heshay tibaayaan inay kooxo kooxo isu layaan,badiyaana isu geysta dhaawacyo halisa oo aan cidna loo raacin.

Geesta kalena waxaa xalay iyo caawaba gadood iyo rabshado xoogan ka waday xaafada Daami iyo xaafadaha ku dhawdhawba kooxo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda ama ku abtirsada isla xaafada Daami kuwaas oo xidhay wadada isku xidha kililka shanaad iyo Suuqa Shiraaqle. Dhalinyaradani waxay jejebiyeen gaadiid badan ,sidoo kale waxay dhaawacyo u geysteen dadkii saaraa gaadiidkaa iyo dad lugaynayey oo ay qabsadeenba.
Dhalinyaradan reer Daami ayaa Xoggaha Qarannews heshay tilmaamayaan inay ka gadoodeen qof dumar oo u dhimatey Doraad dhaawac soo gaadhay dhimashadeeda mudo badan ka hor balse aan la xaqiijin cida dhaawaca u gaystay,inkastoo qof loo xidhay tuhun la sheegay in shalay la sii daayey.
Dhalinyaradan reer Daami ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen galabta sii deynta qofkaas tuhunka loo xidhay,dabadeedna waxay weerar ku qaadeen Saldhiga Daami halkaas oo Askarta Saldhiguna rasaas ku hurguftay oo iska waabisey balse lama sheegin khasaare nafeed oo halkaas ka dhacay inkastoo dhalinyaradu khasaare hantiyeed oo mug weyn iyo dhawaacyo dad rayida geysteen.
Isku soo wada duuboo Ciidamada RRU-da ayaa rasaas xoogan aakhirkii ku kala eryay kooxahaas,waxayna rabashaduhu bilaabmeen aawa fiidkii welina waxaa la maqlayaa sanqadha rasaata askartu ku ridayaan.maadabay waqti habeena tahayna lama ga khasaaraha ka dhashay xabadahaas ciidanku ridayaan!.cource
Qarannews



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured