TALIYE FADAL OO ISLEH ISKA MOOS CEEBTA GONDIHIISA TAALLA

0
Saturday December 14, 2013 - 09:14:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYE FADAL OO ISLEH ISKA MOOS CEEBTA GONDIHIISA TAALLA

    Hargeisa(xogreebnews.com-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay tallaabada ay xarunta Wargeyska HUBAAL ee magaalada Hargeysa shalay galab kula wareegeen Ciidammada Ammaanku, isla markaana waxa uu xusay inay oggolaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay tallaabada ay xarunta Wargeyska HUBAAL ee magaalada Hargeysa shalay galab kula wareegeen Ciidammada Ammaanku, isla markaana waxa uu xusay inay oggolaansho sharci ah ku xidheen sida uu ku dooday Sidaa waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ku sheegay mar u waramayey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inay xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa ciidammada Boolisku la wareegeen, isla markaana ay Maxkamadda gobolka Warqad oggolaansho ah
uga haysteen la wareegidda Xarunta Wargeyskaas ee Hargeysa.
Taliye Fadal waxa uu xusay inaanu isagu Taliye ahaan siideynin nin ka tirsanaa Booliska oo dhawr bilood ka hor weerar hubaysan ku qaaday xarunta Wargeyska Hubaal goor habeennimo ah, weerarkaas oo ay isaga iyo nin kale ay xarunta Wargeyska ku galeen, halkaasna dhaawac ugu geysteen Guddoomiyaha Wargeyskaas,kaasoo dhawaan la siidaayey iyada oo aan wax Maxkamad ah la horgeynin, dhibbanayaasha Hubaal ee uu dembiga ka galeyna la ogeysiinin.

Waa markii labaad ee xarunta Wargeyska Hubaal ay Ciidammada Ammaanka Somaliland la wareegaan, iyada oo aan waxba looga qaban kiiska iyo dembiga laga galay, iyada oo horena Xabsiga loogu taxaabay Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska HUBAAL, galabtana la sheegay inay Ciidamada Boolisku xidheen laba kale oo ka tirsan Shaqaalaha Wargeyskaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured