“Masuuliyiinta Wargeyska HUBAAL Aad iyo Aad Bay u Dul-qaateen, Saw Maaha Kuwii La Shirqoolay Ee Dilka Lala Beegsaday Misna Iyagii….” Cali-gurey

0
Saturday December 14, 2013 - 09:09:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Masuuliyiinta Wargeyska HUBAAL Aad iyo Aad Bay u Dul-qaateen, Saw Maaha Kuwii La Shirqoolay Ee Dilka Lala Beegsaday Misna Iyagii….” Cali-gurey

    Hargeysa(x Guddoomgreebnews.com-iye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Guray), ayaa Madaxtooyadda ku Eedeeyey inay dagaal qaawan ku qaaday saxaafadda iyo Mucaaradka, isla markaana ay u aragto cadawgeeda kaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(x Guddoomgreebnews.com-iye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Guray), ayaa Madaxtooyadda ku Eedeeyey inay dagaal qaawan ku qaaday saxaafadda iyo Mucaaradka, isla markaana ay u aragto cadawgeeda kaliya. Cali Guray waxa uu galabta sidaas ku baahiyey barta facebook oo uu aalaaba ku baahiyo aragtiyihiisa siyaasiga ah. Waxaanu kaga hadlay dhacadadii galabta ay Ciidamada gaarka u tabobaran ee RRU-du ku weerareen xarunta Wargeyska Hubaal, halkaas oo ay ku galalafeen xafiiska, isla markaana ay kaxaysteen laba ka mid ah Weriyayaasha Hubaal.
Qoraalka Cali Gurey oo dhamaystirnaa waxa uu u dhignaa sidan:
“Rag is gurayee. Hashii geela cuntoo cabaadaysa miyaa?. Masuuliyiinta Wargeyska HUBAAL aad iyo aad bay u dul qaateen. Saw maaha kuwii la shirqoolay ee dilka lala beegsaday misna iyagii la xidhay hadana. Saw maaha kuwa ilaa iyo hadda Madaxwayne Silanyo uga fadhiya keliya inay cadaalad helaan ee aakhirkii la yidhi cadaalad la idiin heli maayo eh maxaa kale?. Waa ta ka taagan isku daygii dilka Xildhibaan Qabille oo isna xaalkiisu yahay ku kaajaan nin u aqaan ee laga soo maagay halkuu kiiskiisu galay ee ilaa iyo hadda wax kale daayoo wasiir ku xigeenkii loo adeegsaday lagu dhici la’ yahay in xilka laga qaado oo sharciga la hor keeno. Xildhibaan DHIBANE QABILLE waa xildhibaanka keliya ee xildhibaanadii UCID kaga soo hadhay xisbigii uu ka soo baxay ee UCID. Aniga wuu igaga qaalisan yahay 81ka kale inu uu cadaalad helo na waan ku barbar taaganahay waanan ku barbar taagnaan doona hadii Alleh yidhaa

Waxan dhacaya oo dhami waxay marag cad u yihiin dagaalka qaawan ee madaxtooyada madaxwayne Silanyo oo ay ka go’an tahay inay burburso mucaaridkeeda iyo saxaafadda madaxa banaan ee xorta ah oo ay u aragto inay yihiin cadawgeeda keliya, anigu na waxaa leeyahay taas macnaheedu waa in aan dimuqraadiyadi dalka ka jirin lama na aqbali karo. Waayo hadii aan mucaarid jirin dimuqraadiyadi jiri mayso. Hadii aan saxaafad madax banaani jirin na ma jiri karo mucaarid.
HADDABA JANANNADA BILAYSKU MIYAANAY AHAYN HASHII GEELA CUNAYSAY EE HADA NA CABAADAYSAY
Xogreebnews.com- Hargeysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured