Wax Ka Baro Jacaylka

0
Saturday December 14, 2013 - 05:58:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Baro Jacaylka

    Waa Qalinkii Zaki Adam Zuxufi Waa maxay jacayl? Runtii waa su'al yaab leh oon la dhayalsan Karin. Runtii lama mid aha su'alaha kale. Jacayl iskama yimaado hadaan aragti jirin...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Qalinkii Zaki Adam Zuxufi Waa maxay jacayl? Runtii waa su'al yaab leh oon la dhayalsan Karin. Runtii lama mid aha su'alaha kale. Jacayl iskama yimaado hadaan aragti jirin... Waa maxay jacayl? Runtii waa su'al yaab leh oon la dhayalsan Karin.

Runtii lama mid aha su'alaha kale.

Jacayl iskama yimaado hadaan aragti jirin.



Hadaba maxuu u kala baxaa jacaylku?.

Jacaylku waxa uu u kala baxaa sidan. Mid waa midka aad jeceshahay waalidkaa,walalahaa,qaraabadaada iyo asxaabtaada



Muxuu ku yimaadaa jacaylku

Waxa hadaba jacaylka ka horeeya ka helitaan aad qofka ka hesho. Ka helitaanka ayaa hadana waxa uu u sii kala baxaa noocyo farabadan sida qof aad heesihiisa jeceshahay, ama aad masalaadiisa jeceshahay.


Tusaale ahaan aniga waxaan ka helaa ama jecelahay in aan dhagaysto heesaheeda fanaanadii caanka ahayd ee Saynab-Cige,. Hadaba taas macneheedu ma aha in aan Saynab-Cige u jecelahay rabitaan dumar nimo.

ARAGTIDA.

Waxa ugu horeeya waa aragtida, waaaaaw, wuu ku cajabiyay,waa qodobka ugu horeeya.

Iskama yimaado jacayl adiga oon arag qofka, gabar ama wiilba.

Tusaale, wiilkaas ama gabartaasi aad ayay u quruxbadan tahay, la soco indhaha ayaa ka helay wali waa ka helitaankii. Ama filimkii aan galay waxa ku jiray gabar ama wiil aad u qurxoon.

Mar labaad waa ka helitaan.’



Goorma ayuu isku badalaa jacayl?.

Waa marka aad la kulanto,ood aragto,maqalkiisa,hadalkiisa,dad ladhaqankiisa,ixtiraamkiisa,

Dulqaadkiisa,.

Si kasta oo wiilku ama gabartu u qurxoontahay hadii aynan dabeecad lahayn ama uunan lahayn,ka helitaanku ama jacaylku waxa uu soconayaa mudo yar.



La soco ma iibsan kartid jacayl, waa laga yaabaa in aad qof ku raacdo lacag ama qurux, lakiin taasi waa mudo yar. Hadaba marka aad ogaato qofkaasi sida uu u dhaqmayo ayuu bilaabmayaa jacaylku ood leedahay, ooh waan jeclahay, macnaheedu waxay tahay waxaad iibsatay isaga oo dhan, awal waxaad ka helaysay quruxdiisa ama quruxdeeda oo kaliya.

Lakiin hada waxa uu isku badalay,dabeecad wanaag,dhib la-aan,iyo daryeelid uu kuu hayo.



Goorma ayay Timaadaa Runtu.

Intii hore waa barashadii aad baranaysay qofka,hada marka aad isla soo dagtaan oo aad isla garataan in aad is guursataan ayay runtu bilaabmaysaa. Qaarkiin markiiba waxyaalo yar yar oodan markii hore arki jirin ayaad arkaysaa, adiga oon eegeyn arimihii jacaylka keenay ayaad markiiba niyad jabaysaa.

.

Maxaa lagaaga baahanyahay Hadaba.

Lasoco qofkan aad isla soo dagteen, iskumeel kumaydan soo korin, laba reer oo kala duwan ayaad ka kala timaadeen. Reer faqiir ah,reer taa jir ah, reero dabeecad xun,reero kla dhaqan duwan iwm.

So hadaba(Respect these different) don’t force you self someone you are not.

Qodobka ugu horeeya.

(1) Ha is ku dayin in uu partnerkaagu isbadalo ama sameeyo waxaad jeceshay(don’t try to change your partner just like you) waxa laga yaabaa in uunan ka helin ama dhib sanaayo.

(2) There is diffirent between falling in love and been in love.

Way kala du wanyihiin marka aad qofka barato iyo marka aad la soo dagto

Marnaba ha filin in aad hesho jacaylkii hore, lakiin filo ama isku day in aad hesho- waxa afka qalaad lagu yiraa ( a mature relelationship)

(3) La soco emotionku wuu is badalayaa markaa hel mid dagan inta aad raadinayso kii hore oo kale.



Agree to disagree.

(4)Face it. la soco waxa jiri doona arimo yar yar oodan waligii xaliyi Karin(solve)

Oo aad u adkaan doona, laakiin waligiin isugu yimaada meel dhexe.

Labadiina qof kamid ah waa in uu lumiyaa valuegiisii, si uu u badbaadiyo guurka, waana in uu iska ilaawaa wax yaalo farabadan oo uu jeclaa.

(5)Lkiin mar walba isla ogolaada wax yaalaha basiga ah sida, caruurta,,guriga,shaqada,dhaqaalaha,iwm, si uu u badbaado guurku(relaionshibku).

(6) Macno male waxaad samayso, ee waa sida aad u samayso.

Mar walba waa in aad ka hadasho waxa familiga dan u ah , ee ha ka hadlin waxa adiga dan kuu ah. Hadii aad isku daydo in uu partnerkaagu sameeyo wax alla waxaad jeceshahay, arimuhu waxay isku badalayaan xumaan.

Isku day in aad fahanto qofkan, waxa uu jecelyahay ,waxa uu dhib sanaayo, meelaha uu jecel-yahay in uu aado.

Ha ku canaanan waxyaalaha qaarkood, lakiin isku day in aad tusto waxa dan idiin ah.

Waxa aad u fool xun adiga oo gurigaagii u soo socda oo hadana dhibsanaaya, oo leh alla-tii ama kii ayaa igaga horeeya. Isku dulqaata.mar kaa hadaad isku dulqaadataan nolasha wax idinkama dhinna, By Zaki Adam Zuxufi
dhamman akhristayaasha waad mhadsantiin wixii talo iyo tusaale ahna ku soo hagaajiya ciwaanka ah ZAKICADDE7@GMAIL.COM AMA Tell 4848111 AMA 9848111


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured