Madaxda Bilayska Somaliland Waxbarashay U Baahanyihiin Guleed Cismaan Vancouver, Canada

0
Friday December 13, 2013 - 22:18:20 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Bilayska Somaliland Waxbarashay U Baahanyihiin Guleed Cismaan Vancouver, Canada

    Ambasadoor Cabdiraxiim Caab Faarax waxaa lagaa hayaa baan maqlay , " Dalkeena waxaa ka jirtaa dawlad badoow ah. Mucaarad badoow ah. Saxaafad badoow ah. Mid walbana waxbarashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ambasadoor Cabdiraxiim Caab Faarax waxaa lagaa hayaa baan maqlay , " Dalkeena waxaa ka jirtaa dawlad badoow ah. Mucaarad badoow ah. Saxaafad badoow ah. Mid walbana waxbarashay Ambasadoor Cabdiraxiim Caab Faarax waxaa lagaa hayaa baan maqlay , " Dalkeena waxaa ka jirtaa dawlad badoow ah. Mucaarad badoow ah. Saxaafad badoow ah. Mid walbana waxbarashay u baahantahay. Waxaan ku dari lahaa iyo Booliis badaw ah. Booliska SL waxay gaadheen heer wargayska yar "Hubaal " ee bilaa tayada ah, wixii u soo qoraba inay ka gadoodaan. Halkii ay beenta faraha badan ee Hubaal ay si fudud dhinac isaga riixi lahaayeen . Shalayto labada madax u kala sareeyaa Booliska Cabdullaahi Fadal iyo Cabdulraxmaan Fooxle, waxay qabteen shir jaraa´id ooy kaga cabanayeen sidaa

ay u dhaqmo Wargeyska Hubaal. Waxay ku tilmaameen boog ummada ku dhex jirtaa oo fadeexad badan oo dalkan ka dhan ah faafinayaa oo nabad gelyo daro u keenaya. Jawaabta caynkaas ahi maaha jawaab milgo leh, waana mid ka dhiigaysa madaxda Booliiska, dad dulqaad yar oo ka gubanaya qadaf kasta ooy la kulmaan. hadana eedahii ay soo jeediyeen mid kaliyaa oo xadhig ama ganaax ku mutaysan karaan kama muuqan. Waxse erayadii ay lahaayeen saraakiishu dhaawac ku ahayd sumcada laf ahaantooda. Taliyaha Booliska Cabdulaahi Fadal Iimaan wuxuu ku andacooday inay wargaysyada kale waxba sheegin booliska , lakiin Hubaal caado ka dhigteen inay wax aan jirin sheegaan. Wuxuu yidhi, " Waxaa mamnuuc ah in saxaafadu ka hadasho arrimaha ciidanka." Halkaa waxaad ka dhadhansanaysaa in Booliiska Somaliland in waxbarasho u baahan yihiin, oo la fahamsiiyo dalalkak dimuqraadiga ku abtirsadaa inaanay jirin cid ka reeban dhaliisha iyo dhaleecayta. Xagay kaga taalaa sharcigaa in saxaafadu mamnuuc ka tahay ka hadalkaa ciidankaa? Ma Itoobiyaan joognaa? Meel ciidanku dalkaba leeyahay, oo dalkuna ciidanka u shaqeeyo. Ma jirto hay´ad muqadas ah haday tahay Booliiska , Milatariga, baarlamanka, Madaxtooyada ,mid kastaa saxaafadu way ka waramaysaa run iyo ku tiri ku teenbaa. Waxaa kaliya oo mamnuuc ah sida shuruucda caalamka saxaafada ku cad warka meel ka dhacaa ee nolasha muwaadinka baabinaysaa inay soo qoraan. Hadii taasi timaado maxkamad baa ka taalaa. Hadaladase immikaa labadaa Taliye Booliis ay shirka jaraa´id ka qabteen maahaa wax eed culus noqon kartaa. Maxkamad kastaa haduu geeyo dacwadaa ah in Jaraa´idku ka sheekeeyay dil been ah, xaakimku waxaa u waydiinyaa oo kaliya, " Arrintaasi maxay yeeshay sumacada booliiska,iyo taadaba ." Fili maayo inuu jawaaab wacan u helayo. Dabeetana daaqadaa laga tuuri lahaa doodiisa. Si kastaba ahaatee, hadii Wargeyska Hubaal yidhi labada sarkaaal waa is hayaan, ma nabadaa halis gashay? Waxaa ku filnayd jawaab gaaban oo ah isma hayno. Hadiise runba ay noqoto oo is qabtaan saraakiishu , ma cirkaa soo dumayaa? Waa mayaa. Marka uu leeyahay waxaanu nahay hoggamiyaal wada walaalo ah oo is jecel,--Jacaylkaa iyo nacaybka booliiska dhexdooda maaha wax shacabka u yaalaa, waxaa u yaalaa waa booliska inay shaqadooda qabsan karayaan iyo in kale. Jeneraal Fadal malaha waxaabay ula muuqataa inuu ka cabsi qababa hadii saraakishu booliiska is qabtaan in Somaliland burburayso. Waa qiyaas khaldan baan filayaa ooy ka badbadiyeen miisanka ay dalka ay ku leeyihiin saraakiishan . Waxay ila tahay Taliye Fadal iyo Fooxle, shirka jaraa´id ay ku wareeraan waxa u ekayd inay xad u yeeelaan, samaystaana afhayeeno u tababaran hawshan. Ama hoggaanka xidhiidhkaa shacabkaa ku daraan Taliska Bilayska Somaliland.
Golie Ahmed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured