Waa Tuma Marwo Faadumo Siciid Ibraahim W/Q Miyir Cali Xuseen

0
Friday December 13, 2013 - 22:14:38 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Tuma Marwo Faadumo Siciid Ibraahim W/Q Miyir Cali Xuseen

    Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo dadka badankiisu u yaqaano (Faadumo Rasuul) oo ahayd ayeydeenii 45naad ee Rasuulkeenii Muxamed (SCW) dhalay taasoo loogu magac daray dhaqano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo dadka badankiisu u yaqaano (Faadumo Rasuul) oo ahayd ayeydeenii 45naad ee Rasuulkeenii Muxamed (SCW) dhalay taasoo loogu magac daray dhaqano Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo dadka badankiisu u yaqaano (Faadumo Rasuul) oo ahayd ayeydeenii 45naad ee Rasuulkeenii Muxamed (SCW) dhalay taasoo loogu magac daray dhaqano badan oo ay kaga dayatay awgood waxa ay ku dhalatay miyiga Oodweyne taariikhdu markay ahayd 1961-kii, Xiligaas waxa uu aabbeheed deggenaa dalka Ingiriiska, Faadumo waxa hooyadeed la odhan jirey Cadar C/Laahi Cabdi
Marwo Faadumo waxa ay la dhalatay laba wiil iyo laba gabdhood oo ay iyadu ku shan tahay uguna weyn tahay.Faadumo Siciid markii ay jirtay 2-3 sanno ayaa ay waalidkeed u qaadeen dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka bilawday waxbarasheeda barbaarinta iyo dugsiga hoose oo ay ku qaadatay iskuul magaciisu yahay Bil quent.. Maadaama oo aanay tacliinta Britain lahayn dugsi dhexe waxa ay u ku biirtay dugsiga sare oo ay dhammaystay gu?yaalkii u dambeeyay 1970-nadii..

Marwo Faadumo markii ay dhamaysatay waxbarashada Dugsiga Sare waxa la kala doorransiiyay inay gasho college hordhac u ah Jaamacadda iyo inay sii joogto dugsigeeda 2 sanno si ay u qaadato billad ama maamuus u dhigma heer macallin, waxaanay doorbidday inay qaadato shahaadada la heerka ah macalinnimada.
Marwo Faadumo Saciid 1979-kii ayey ku aqal-gashay magaalada Muqdisho, caasimadda waddanka Soomaaliya oo ay isku guursadeen Alle ha u naxariistee Dr Idiris Ibraahin Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa
Marwo Faadumo Siciid Ibraahin shaqadii koowaad ee ay qabataa waxa ay ahayd 1979-kii oo ay Xoghaye u noqotay Wakiilkii USAID ee Soomaaliya, markii dambena waxa ay noqotay madax goobeed (field officer) ka tirsan haayaddaas,
Marwo Faadumo Waxabarashadeeda Jaamacadda waxa ay ku noqotay iyada oo saddex carruura leh, maaddooyinka ay baratayna waa luqadda iyo sayniska. Tirada ubadkeedu waa shan ka kooban afar wiil iyo gabadh,
Faadumo Siciid xilligii uu Halganka SNM ka socday gudaha Somaliland, waxa ay ka mid ahayd dadka qaadhaanka iyo dharka ka ururiya qurbaha ee u soo dira jabhadda, xannaanaynta dadka u soo dhoofa UK iyo qaxoontiyada ku sugnaa Itoobiya.
Faadumo Siciid waxyaabaha lama ilaawaankaa ee taariikhda ugalay waxa ka mida markii ay samaysay cajalad muuqaal ah oo ka turjumaysa rushayntii diyaaraduhu ku hayeen maatida oo Ingiriisku weydiiyay safaaraddii Soomaalidu ku lahaa dhulkiisa, noqotayna mid faafta oo sababtay in Kacaanku ku daro Faadumo dadka la-raadinayo lana gaadhsiiyay heer dil ah. Waxa ay cajalad labaad ku sameeyeen Jabuuti oo lagu xidhay, waxa se soo daayay Safiirkii Ingiriiska ee Jabuuti, iyagoo lagu qaaday diyaarad gaar ah oo Ingiriisku leeyahay.
Markii dalka Dalku xoroobay ee ay iyana dib ugu soo laabatay waxa ay shaqo ka bilawday Haayada Swiss Group gaar ahaanna waxa ay reer-guuraaga ka kaabi jireen samaynta barkadaha, deeggannada ay ka hawlgali jirtay waxa ka mid ahaa Balligubadle Toon iyo Sallaxlay. Waxa ugu xigay UNHCR oo ay ka tirsanayd adeegyada gaarka ah ee la siiyo carruurta iyo qaxoontiyada gaar ahaan kuwa Itoobiya ka yimaadda, Save the Children US ayaa ku sii xigtay oo ay xafiiskeeda markii koowaad Somaliland ka fureen ayna haysatay ilaalada carruurta oo ay ka shaqayn jirtay Somaliland iyo Itoobiya oo ay midba saddex cisho joogi jirtay iyo UNDP oo ugu dambaysay haayadaha ay la shaqaysay. Intii ay UNDP joogtay waxa lagu xasuustaa samaynta ciidamada loo yaqaanno SPU (Special Protection Unit) ama Ciidamada Ilaalada Gaarka ah, iyo sidoo kale dhisida Jeelka weyn ee Hargeysa oo ahaa mid aad loogu diirsaday oo kaafiyey baahiweyn oo loo qabay.
Waxqabadyada muga iyo miisaanka culus ee sida gaarka ah ee ay Faadumo Siciid u hirgelisay waxa ka mid ah: Jaamacadda Culuumta ee Berbera. Oo ay hindistay sannadkii 2005-ta in Jaamacaddaas la furo, dhulka ay ka dhistay Jaamacadan ayaa waxa siiyay Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga Ilaahayna waa Usuurto galiyay
Faadumo waqtiyadan danbe waxay caan ku noqotay dhiirigalinta iyo kaalmaynta dhalinyarada camal la?aantu ku bariin satay dalka iyadoo isla markaana u qabata tartano ciyaareed sida Kubada Cagta, Kubada Kolayga ,Orodada iyo Ciyaaraha Fudud iyo Tartano Suugaanta iyo Amaanta Nabigeeni Muxamed (SCW) oo ay Barbaarta xasuusiso qiimihiisa
Dhinaca kale Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo dadka badankiisu u yaqaanan (Marwo Faadumo Rasuul) ayaa waxa ay ka mid tahay Haweenka xaga caqiidada suuban ee Diinta ku xeesha dheer iyadoo isla markaana looga soo joogay arimo mucjisaada oo fara badan.
Marwo Faadumo Siciid ayaa inta badan waxa lagu dhex arkaa goobaha khayrku yaalo sida abaabulka xaflada Xuska Dhalashada Rasuulka oo ah xaflada ugu khayrka badan xafladaha dunida lagu sameeyo
Sanadadan ugu danbeeyey Marwo Faadumo Siciid waxay ku biirtay dhanka siyaasada iyadoo isla markaana noqotay Xoghayaha Dhaqaalaha ee Xisbiga UCID taas oo xisbigaasi UCID-na ku biirisay inuu helo taageerada Bulshada tirada badan ee ay leedahay Marwadan qiimaha weyn ku leh guud ahaan Qaranka Somaliland gaar ahaana inta guusha iyo sharafta jecel
Miyir Cali Xuseen
Hal-abuur iyo Saxafi Qoraaya
miyircali@gmail.com/ 00252 634046313
Hargeysa Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured