Doorka Aqoonyahanku ku leeyahay Bulshada. Q/3aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

0
Friday December 13, 2013 - 21:41:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Aqoonyahanku ku leeyahay Bulshada. Q/3aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

    Allaa mahad leh, Ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaa mahad leh, Ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan. waxaynu qaybeheeni hore kaga soo hadalnay waa kuma aqoonyahan?, maxaase looga baahan yahay aqoonyahanka?. Qaybteenan maanta waxaan kaga hadli doonaa muxuu aqoonyahanku ku soo kordhin karaa bulshada?
Waxaynu hore u soo sheegnay in aqoonyahanku yahay qof leh aqoon ku filan ugana faa’iideeya dadkiisa iyo dalkiisa, waana qaybta ugu muhiisan bulshada kana qaybqaata horumarinta deegaankiisa iyo dadkiiisa dhinac walba. Hadaba qormadeena maanta waxaan si kooban uga hadli doonaa maxaa uu aqoonyahanku ku soo kordhin karaa bulshada? akhrsitoow inkastoo aan halkan lagu soo koobi Karin hadana waxaan isku dayayaa inaan dhawr qodob oo muhiim ah ka soo qaadano.Maxaa uu aqoonyahanku ku soo kordhin karaa bulshada??

Aqoonyahanku sida aan hore u soo sheegnay waa qof kaalin adag ku leh bulshada, waxaanu ku soo kordhin kara bulshada
1. In bulshada uu la noolyahay ay noqoto mid ka hufan qudhunka iyo qabyaalada ragaadiyay maanta bulshada soomaalida meel kasta ha joogeene, waana qof ka sheqeeya midnimada umada iyo wada jirka.
2. Aqoonyahanka dhabta ahi waa qof wax badan ka qaban kara horumarka bulshada ee dhicana Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska, Midnimada iyo siyaadaba. Waa qof u haga bulshada dhinaca wanaaga iyo wax wada qabsiga kuna dhiiri galiya in bulshadu wax qabsato si ay horumar sare u gaadho, ulana tartanto umadaha horumaray.
3. Aqoonyahanku waa qof bulshada uga faa’iideeya wixii uu soo bartay, maadaama uu ka tirsan yahay bulshada, waana qaybta ugu muhiimsan bulshada sababtoo ah maanta dunida horumartay waxa dayaxa gaadhsiiyay waa aqoonyahan, waana qof wixii uu bartay uga faa’iideeyay bulshada laakiin adiga aqoonyahanka soomaaliyeedow maxaa helay kaalintaadii!!!??
4. Aqoonyahanku waa kan bulshada u horseeda horumar waara oo ay ku faanto bulshadu, waayo waa qof uga faa’iidaynaya wixii uu soo bartay diyaarna u ah inuu markasta bulshadiisa meel gaadhsiiyo, waana qof himiladiisa ugu wayni tahay sidii ay bulshada u noqon lahayd mid gaadha horumar gaadha, in bulshadu horumar heshana isaga ayaa hormuud ka ah.
5. Aqoonayahanku wuxuu qayb wayn ka qaataa tayaynta waxbarasha, ilaalinta caafimaadka, dhisida mustaqbalka iyo siyaada dadkiisa iyo deegaankiisa, waana kan bulshada u dajiya qorshe horumarineed oo bulshadu ku noolaato mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. Aqoonyahanku waa qof bulshada uga faa’iideeya khayraadka ku jira deegaanka
Hadaba qofkasta oo aqoonyahan ah waxaa looga baahan yahay inuu ka kaco hurdada oo uu bulshada meel gaadhsiiyo ugana faa’iideeyo cilmigii uu soo bartay waayo bulshada kama maaranto qof kasta oo aqoonyahan ah, inkastoo maanta gabi ahaanba aqoonyahanka soomaaliyeed gabay kaalintii uu ku lehaa bulshada meel kastaba ha joogaane.
Aqoonyahan ogow in maanta bulshadu ku tabayso lagaana sugaayo wixii ilaahay ku baray inaad dadka iyo dalkaba uga faa’iidayso. Bulsho kasta oo caalamka joogtaa waxay ku faantaa aqoonyahankeeda waayo waa kuma midnimada, Horumarka iyo Barwaaqada ka sheqeeyay, horumarka dadka horumaray na wuxuu ku xiran yahay aqoonyahankooda oo uga faa’iideeyay. Aqoonyahanka soomaaliyeedow u istaag horumarka bulshadaada, umadana ka ilaali qayb-qaybinta iyo beel-beel u sooca oo maanta aqoonyahan badani bulshada u horseedeen, is ay dantooda ugu gaadhaan laakiin meesha ka saaray dantii guud.
AQOONYAHAN ALLAHA KUGU ANFACO CILMIGA AAD BARATAY KAANA YEELO KII DIINTIISA, DADKIISA IYO DALKIISABA KU ANFACA. Amiiin.
Suleiman Bashir Omar
Kampala, Uganda.
Email: ibnubashiir99@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured