Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo waxba kama jiraan ku tilmaamay shir Siyaasadeed koox Beesha ka tirsani Maansoor ku qabatay oo guddiyo lagu magacaabay

0
Thursday April 11, 2013 - 07:57:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo waxba kama jiraan ku tilmaamay shir Siyaasadeed koox Beesha ka tirsani Maansoor ku qabatay oo guddiyo lagu magacaabay

    (xogreebnews--“Dhaqanka ayuu xilku Saaran yahay, looma Baahna Jibo iyo Caadifad, guux baa maalmahan jiray, nin suuqa joogaa haddii uu danta beesha Duminayo ma shaqaynayo ” Suldaan Xasan Suldaan C/laahi “Ragii Telefishanada ka hadla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews--“Dhaqanka ayuu xilku Saaran yahay, looma Baahna Jibo iyo Caadifad, guux baa maalmahan jiray, nin suuqa joogaa haddii uu danta beesha Duminayo ma shaqaynayo ” Suldaan Xasan Suldaan C/laahi “Ragii Telefishanada ka hadlayay ee beesha Sacad Muuse khal khalka geliyay go’aamadii ay soo saareen waxba kama jiraan, anagaa Madax dhaqameedkii Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo waxba kama jiraan ku tilmaamay shir Siyaasadeed koox Beesha ka tirsani Maansoor ku qabatay oo guddiyo lagu magacaabay

(xogreebnews--“Dhaqanka ayuu xilku Saaran yahay, looma Baahna Jibo iyo Caadifad, guux baa maalmahan jiray, nin suuqa joogaa haddii uu danta beesha Duminayo ma shaqaynayo ” Suldaan Xasan Suldaan C/laahi“Ragii Telefishanada ka hadlayay ee beesha Sacad Muuse khal khalka geliyay go’aamadii ay soo saareen waxba kama jiraan, anagaa Madax dhaqameedkii ah oo u xil saran hawshaas” Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaanHargeysa(Waaheen) Salaadiinta Beesha Sacad Muuse ayaa go’aan cad oo ay ku daadifaynayso shir dhawaan koox ka tirsan Beesha Sacad Muuse ku qabatay Hutelka Maan-soor ka soo saartay kulamo maalmahanba uga socday magaaladda Hargeysa, shirkaasoo ay sheegeen in uu jahawareer ku abuuray beesha Gudo iyo Dibedba.Salaadiinta Beesha Sacad Muuse waxa ay sheegeen Guddidii shirkaasi lagaga dhawaaqay inaanay metelin Beesha isla markaana aanay qaban Karin shirka ay beesha ugu baaqeen in ay danaheeda kaga tashato, waxaanay Go’aamiyeen in aanay Beesha cid aan salaadiinta ahayni shir u qaban Karin. Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan Suldaanka Guud ee Beesha Habar awal oo hogaaminayay Salaadiinta Sacad Muuse ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay ku sheegay in aanay aqbali doonin cid aan iyaga ahayni inay Beesha Shir ugu baaqdo waxaanu ku bilaabay “Shirkan Jaraa’id ee Aanu Qabanayno waxa uu Daaran yahay oo halkan fadhiya Salaadiintii Beesha Sacad Muuse ee Dhaqanka, Mudoba waxaa noo socday Shir, Shirkuna waxa uu ahaa Shir dhaqameed, oo aanu kaga arrinsanayno Danaha beesha Sacad Muuse, waxaa nagu kalifay in aanu warbaahinta ka hadalno, madaama Shacabkayagu guddo iyo Dibadba Daadsan yahay, madaama Waxa hadal lagu gaadhsiin karayaa ay warbaahinta tahay, maadaama aanu nahay Dhaqankii iyo hormoodkii reerka, markaa shirkii aanu galnay oo aniga oo suldaankii guud ahaa Shir guddominayey ayaanu waxaanu soo saarnay Qoddobo, waxaanay nala noqotay in dadkii aanu jecleyn ee aanu madax dhaqameedka u ahayn gaadhsiino. Runtii Baryahan waxa jiray Guux, Guuxuna Waxa uu ka dhex jiray Beesha, Guuxaasi waxa uu ka turjumayey in ay shir Weyne Qabsato beesha Sacad muuse, guddo iyo Dibadba wuu isa soo tarayey, beelaha kalena way la socdeen in aanu arrintaasi sanadkan u yar tafaxaydanay, laakiin waxa uu la mid Yahay Shirarkii beelaha walaalahayagu ay qabsan jireen, Shirka Beelaha Sacad muuse waxa uu waafaqsan yahay Danta Qaranka Somaliland. Dhaqanku waxa uu iska waraysanayney hanaanka uu u dhacayo shirkaasi, maadaama Beeshu balaadhan tahayna ma yaraanayso Qabsoomistiisu, Xiligii illaahay ka dhigo ayuu qabsoomayaa. Xilliyada Noocaas oo kale ah waxa is dhex yaaca nin walba oo aan shaqo ku lahayn, iyo nin jibeysanba, markaa looma Baahna Jibo, looma baahna Caadifad, nin waliba Shaqadiisa ayuu qabsanayaa, cidii ay madax dhaqameedku igmato ee saxeexoodu ku dhaco ayay wax u shaqaynayaan, laakiin nin suuqa jooga haddii uu danta beesha Duminayo iyo haddii uu dhisayaba ma shaqaynayo, Dhaqanka ayuu xilku Saaran yahay, anagu waxaanu ka shaqaynaa Danta Sacad Muuse, Danta Habar-Awal, oo waxaanu ka shaqaynaa Danta Somaliland, oo waxaanu ka shaqaynaa Danta beelaha aanu walaalaha nahay.”Ayuu yidhi Suldaanku. Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ka mid ah Golaha Guurtidda Somaliland oo ka hadlay shirkaasi Jaraa’id ayaa si adag uga hadlay shir dhawaan koox la soo abaabulay ku qabatay Huteelka Maansoor waxaanu yidhi “Shirka Maanta(shalay) Ardaayada Sacad Muuse iskugu yimadeen wuxuu daaran yahay, Bishan Afraad Lixdeedii waxa magaladan Hargeysa ka dhacay Gaar ahaana Hotelka Maansoor Shir lagu sheegay in ay qabsadeen Beelaha Sacad Muuse, Shirkaasi oo Warbaahinta laga Siidayey, Shirkaasi waxa uu abuuray Jahawareer Dhaqan oo uu beesha Dhexdeeda uu ka dhex abuuray, Beelaha kale ee Somalilandna Wuu gaadhay, Beeshu Waa Beel balaadhan Guddo iyo Dibadba Degen markaa Jahawareerkii waxa uu nagu keenay Su’aal Haddii aanu nahay Dhaqankii, Sidaasi darteed Shirkaasi waxa uu ahaa Mid dhaqan, dhaqankana waxa u sareeya Madax dhaqameedka. Waxaay ahayd Shaqo anagu aanu lahayn oo cid kale qabatay, Sidaasi darteed bay Su’aashu u soo noqnoqonaysey, Kadib Xogogaal la’aan shirka Dhaqanka ka haysay, Salaadiintu Waxay u waayeen Jawaab ay bixiyaan , markii ay dadweynihii magacooda ay siteen ee soona doortay ay su’aalahaasi ka soo waydiiyeen jawaab ayey u waayeen.”Ayuu yidhi Isaga oo Sii Wata Hadalkiisa wax uu yidhi. “Maanta Waxa halkan laga bixinayaa Jawaabtii Dadku doonayeen, hadii aan taariikhda dib ugu noqdo Bishii Afraad 2012 ayaa Gurigan aynu ku suganahay Salaadiintu Bayaan ay ka soo saareen odhanaya in Magaca beesha ee Dhaqanka aanay Kooxina ku Hadli Karin, Dadka Caadiga ahina aanay ku hadli Karin, oo ay ku hadli karaan Cida kali ah ee loo igmaday, oo ah Madaxdhaqameedka oo ay u sareeyaan Golaha Salaadiintu iyo Cuqaashoodu iyo waxgaradkooda kale.”Ayuu yidhi. Wax kale oo uu yidhi.”Marka Walaalayaal waxa Dadweynaha Magacooda iyo Sharafkooda aanu huwanahay u sheegeynaa shirkii halkaasi ka dhacay waxa uu ahaa Shir ay soo qaban qaabiyeen oo ay qabteen Cid aan u ehel ahayn, Magac iyo Awood ay ku qabtaan Midna aan lahayn, Waxaanu halkan ka Ogeysiinaynaa in aanu dadkayagii ka saarno Jahawareerkii, Haddii ay beeshu shir u bahantahay anagaa og, Haddii beesha la shirinayo anagaa og, haddii ay beeshu dhaqan ka tashanayso anagaa og, haddii beeshu dhaqan ka shirayso anagaa og ee cid kale ma oga, anagaa lanoo doortay, looma dooran Ragaasi Telefeshinada ka hadlayey ee Shirka ku baaqayey. Ragaasi waxay soo saareen Go’aano iyo Guddiyo, laakiin waxaanu halkan ka Ogeysiinaynaa in Go’aamadaasi iyo Guddiyadaasi midna aanay waxba ka jirin, oo wixii ay sheegeen ay ku kali tahay. Waxa kale oo aanu halkan ka Sheegeynaa in ay jiraan in shirar kale iyana la qabanayo oo kuwaasi la mid ah, laakiin aanay waxba ka jirin, markaa waxaanu leenahay walaalayaal kuwii hore ayaa KharashGaroobee, Idinkuna waxba ha kharash garoobina, Waxba hays daalinina, kuwii hore ayaa Isdaaliyee, Tallo Nin aan lahayni wad wadaa mana Midho dhalayso, meelna gaadhi mayso.”Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan oo Baaq Diraya Waxa uu yidhi. “Umadayada Waxaanu u sheegaynaa in aanu ogol nahay in beeshayadu shirweyne Qabsato, hormoodna ugu nahay, wakhtigeeda iyo madasheeda, Ajandaheeda, iyo Gudiyadeeda, iyo qaabkiisa anagu aanu soo Diyaarin doono haddii Illaahay yidhaahdo, waanu ku guddo jirnaa, shirkayagan socdayna arrintaasi ayuu ahaa, waxaanu ugu tallo galnay in Kooxaha Abuuraya khal khalka ee dadka aanu magacooda sidano khal khalinaya aanu ka hortagno.”Ayuu Yidhi Suldaan Ismaciil.Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo Isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waa hore ayaa Nin wax uu arkay Inamo yaryar oo Si Xun wax u Doco docaynaya, Markaasu Tixdan ku tiraabay ‘Sidduu Geeshba Geesh nooga Badalay, Dunidan guudkeeda, ninkii Garanayaan ahay, Tan iyo Geellaw Haad Qoyaye, oo Guddo Baas Mid laga soo baxsho bahal ah mooyaane, Ma gilgilo Duqeytida Ninkii Awgaa ka soo go’ay mooyane’, Arrinku sidaasuu ahaan jiray, Xeer iyo Dhaqan ayaa jiray, Wiil Wiilbu ahaa, Wadaad Wadaad ayuu ahaa, Odey Odey ayuu ahaa, Suldaan Suldaan ayuu ahaa, Siddii uu ahaan jiray ayaa shirkan loogu qabtay in wixii sidiisii ku soo noqdaan, marka wax kale oo ceeb ahi ma jiraan, siyaasadina waa naga xaaraan, Siyaasad Shaqo kuma lihin .”Ayuu yidhi Suldaan Xiis.Waxa kale oo iyaguna shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Salaadiin kale oo beesha Sacad Muuse ka soo jeeda kuwaasoo aan u kala hadhin dhaleecaynta shirkii Maansoor ka dhacay ee lagu leexinayay talada Beesha Sacad Muuse.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured