SAXAAFADU MA AAMUSAYO INTA DHALIILI JIRTO !!

0
Thursday December 12, 2013 - 20:18:38 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAXAAFADU MA AAMUSAYO INTA DHALIILI JIRTO !!

    saxaafadu ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka somaliland in saxafi lagu jidhdilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

saxaafadu ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka somaliland in saxafi lagu jidhdilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka somaliland saxaafadu ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka somaliland in saxafi lagu jidhdilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka somaliland, iyadoo qorshaha laga leeyahay jidhdilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda somaliland si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta somaliland.
Tan iyo sanadkii 2010-kii, jidhdilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray isbadal maamul, waxaana guud ahaan dalka somaliland wax iska caadi ah ka noqday jidhdilka, dhaawacyada, handadaada iyo gabood-falka

loo geysto mihnadlayaasha saxaafada somaliland.
Wixii ka dambeeyay sanadkii 2010-kii ayuu dilka wariyeyaashu noqday sidii tusbax go?ay oo kale, waxaana la rumeysan yahay oo qof kasta oo somalilander ah ka dhaadhacsan in wixii sanadkaas ka dambeeyay dilalka loo geysto saxafiyiinta ay ku lug leeyihiin laamaha ciidamada , walow dowladduba aysan ka marneyn amarka lagu dhibaateynayo wariyeyaasha oo ay jireen dhowr wariye oo ay dileen kooxo ku lebisnaa dareeska ciidamada, isla markaana lagu dilay xarumahoodii ay ka tirsanaayee ay, uguna awood sheegteen, inkastoo markaasi saraakiisha dowladdu ay dafiraad cad sameeyeen.
Guud ahaan wariyeyaasha lagu jidhdilay amaba lagu xidhay somaliland 3-dii sano ee isbadelka maamul ka jiray dalka waxay gaarayaan ??.. wariye oo u badan kuwa ka hawl gala caasimadda somaliland ee Hargeisa, halka 15-ka kalena lagu xidhay gobollada kale ee dalka,
badanaa wariyeyaashu waxay sanadahan u danbeeyey u aqoonsadeen sanadihii rafaadka iyo tacadiyada ka dhanka ah saxaafada somaliland soo mara, taasi oo ay saxaafada qaarkood u dhag taagayeen in ay helidoonaan abaal ay ku leeyahiin xukumada hada jirta oo ay badhi taareen wakhtigii adkaa ee ay ku jirtay Ololaha doorashooyinka, halka kuwo kalena leeyahiin tolow nolol maalmeedkayaga ma helnaa.
tiiyoo aysan jirin cid ka hadasha dhibkaas saxaafadu tirsanayso amaba wax yeelada soo gaadha aan cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay aanay jirin , hadal iyo cambaareyn mooyee.
Markii dowladdu ay ka baxday balanqaadyadii shacabka somaliland doortay madaxda, isla markaana laga hiiliyey dawladii dulqaadka iyo dhibirsanaanta wax ku waday shacabkana hoos u eegi jirtay.
tacadiyada wariyeyaashu waa ay soo yaraanayeen tan iyo markiii wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo xubno saxaafada ka mid ah ay wada shireen, waxaana sanadkan 2013-2014-ka la xidhay kooxl wariyeyaal ah oo qadarkoodu aanu badnayn, taasina waxay yididiilo iyo farxad soo gelisay wariyeyaasha, balse markii xadhigu yaraaday oo la is yidhi saxafiyiintu hadday nafiseen ayaa waxaa haddana bilowday in wariyeyaasha la xiro, la handado, lana cabsi geliyo, taasoo iyana la macno ah qalqal gelin lagu samaynayo bahda saxaafadda iyo in gebi ahaanba la damiyo shumaca ifaya ee kaahiisu ay dhowrayaan ama bidhaaminayaan bulshadu.
Wariyuhu waa uu u nugul yahay in la dhibaateeyo, waayo ma hubeysna, hubna ma qaadan karo, hubka kaliya ee uu adeegsadana waa qalinka iyo makarafoonka oo uu ku baahiyo xaqiiqada markaasi jirta, waana wax la ogsoon yahay in dhinacyada siyaasadda somaliland isaga soo horjeeda aysan jeclayn warbaahinta iyo dhaqdhaaqyada wariyaasha ku howlan soo tebinta xaqiiqada jirta.
Haddaba si kasta oo wariye loo dilo ama loo xiro amaba loo cabsi geliyo waxaan cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegayaa anigoo ku hadlaya magaca shacabka somaliland in shaqada saxafanimo aysan marna joogsan doonin oo ay sii soconayso ilaa iyo abidkeed.
I xidh ama wargeyska iga xidh oo si kasta ii cabsi gelii sheegista xaqiiqada jirta kama aamusayo, xaqana kama leexanayo, ummadana indho iyo dhego la?aan ma dhigayno, waxaadna ogaataa haddii saxafi la xidho ama la dhaawaco in mid kale oo caaboon uu booskiisa buuxinayo, haddii mid la xirana uu mid kale oo saaxiibkiis ah shaqada sii wadayo oo marna wariyuhu uusan aamusaynin, shaqada warbaahintuna aysan joogsan doonin, waxaana taas daliil cad kugu ah imisa wariyaa la xidhay, la dhaawacay, la xabisay ama la qalqal geliyay ma aragtay saxaafad aamustay ama sal guurtay, marka haku daalin inaad wariye caburiso, cabsi geliso xalkale mooyee.
wariyeyaasha somaliland ee jidhdilka iyo xariga loo geysanayo ma aha mid ku dhiirin doonta in ay baqdaan kadibna ka aamusaan sheegidda xaqiiqada jirta, walow ay tahay uurku-taalo xannuun badan oo weligood aysan iloobi doonin, haddana waxaan rumeysanahay in marka wariye la dilayo ama la handadayo amaba la xabisayo ay ujeeddadu tahay gudbin fariin ku socota dhammaan bulshada somaliland, taasoo lagu doonayo in afka la qabto wariyeyaasha oo la waayo cid ku hadasha codka dadweynaha dhiban, isla markaana soo bandhigta dhibaatooyinka ka jira somaliland ee sida dadban iyo sida tooska ah loo geysanayo.
Haddaba haddii la moodayo in wariye la handaday ama la dhaawacay ama la xiray shaqada warbaahintu ku istaagayso mar kale iyo mar saddexaad waxaan caddeynayaa in qalinka iyo warqadu iswaayi doonin, makarafoonkuna howlgab noqon doonin oo shaqada saxaafaddu sii soconeyso siina socon doonto, INTA AY DHALIIL JIRTO MA AAMUSAYO oo dadka iyo dalka waan u shaqeynayaa.
wabilahi tawfiiq W/Qoray:-
Mohamed Hassan kaahiye
Email: mhkaah@gmail.com
Hargeisa somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured