Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo loo magacaabay C/weli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed oo khudbad ay la dhaceen dadku jeediyay

0
Thursday December 12, 2013 - 19:39:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo loo magacaabay C/weli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed oo khudbad ay la dhaceen dadku jeediyay

    Mudisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor dhow ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, kaasoo bedeli doona Saacid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor dhow ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, kaasoo bedeli doona Saacid. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay si aad ah ugu mashquulsanaa soo xulista ra’iisul wasaaraha cuusb, waxaana uu noqonayaa ra’iisul wasaaraha uu maanta magacaabay kii labaad oo uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaan magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed oo aan aaminsanahay inuu yahay shaqsiga ugu habboon ee sii wadi kara shaqada dib u dhiska dalka iyo kasoo kabashada dhaqaalaha. Wuxuu leeyahay Waayo-aragnimo dhaqaalaha iyo horumarka ah isagoo soo hoggaamiyay hay’ado caalami ah,” ayuu madaxweynuhu ka yiri munaasabaddii magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhan walba ah. Waxaan Baarlamaanka Somalia ka codsanayaa inay kalsoonida siiyaan iyadoo la eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.”
Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo uu sheegay inuu qabtay intii uu xafiiska joogay shaqo wanaagsan.
"Maanta waa inaan labo-jibbaarnaa dib u dhiska hay’adaha dowliga ah oo aan isbedello la taaban karo si dhaqso leh u sameynaa, isla markaana aan dhaqan-gelinno federaalka iyo sidii doorashooyin lagu gaari lahaa 2016-ka,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh oo isaguna hadal aad u koobnaa ka yiri xafladda magacaabiddiisa ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka maanta loo magacaabay, uuna ka shaqeyn doono horumarka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid iyo xukuumaddii uu hoggaaminayay oo hal sano shaqeynaysay ayaa 02-dii bishan waxaa si aqlabiyad ah ay xildhibaannada baarlamaanku ugu diideen kaslooni ay kusii shaqeyso.
Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaa ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia uu hor-tegi doonaa baarlamaanka Soomaaliya si kalsoonida loogu qaado, waxaana markaas kaddib uu soo dhisi doono xukuumaddiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured