Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo lagu wado inuu goor-dhow Magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

0
Thursday December 12, 2013 - 16:42:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo lagu wado inuu goor-dhow Magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

    Muqdiisho(xogreebnews.com-– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu goor dhow magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, kaasoo bedeli doona ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo xil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdiisho(xogreebnews.com-– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu goor dhow magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, kaasoo bedeli doona ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo xilka hayay muddo sannad ah. Warbaahinta ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyada Somalia si ay goobjoog uga noqdaan magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub, iyadoo madaxweynuhu uu ku jiray maalmihii lasoo dhaafay wadatashiyo ku aaddan magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusb.
Sida ay sheegayaan wararka ku dhow-dhow madaxtooyada Soomaaliya waxaa ragga ugu cad-cad ee la filayo in xilkan midkood loo magacaabo lagu kala sheegay magacyadooda: C/weli Sheekh, Daa'uud Maxamed Cumar (Bisinle) iyo Xuseen Cabdi Xalane, balse si dhab ah looma oga ruuxa xilka loo magacaabi doono.

Magacaabista oo lagu waday inay shalay dhacdo ayaa la sheegay in arrimo farsamo awgood dib loogu dhigay, inkastoo aan la sheegin arrimahaas farsamo, waxaana madaxweynuhu uu ka baaqday shalay safar uu dalka dibaddiisa ugu ambabixi lahaa.
Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa 02-dii bishan si aqlabiyad ah kasloonida ugala laabtay xukuumaddii ra’iisul waasare Saacid oo halkii sano ee lasoo dhaafay shaqeynaysay, kaddib markii laga keenay mooshin lagu sheegay inay howlihii loo idmaday fulin wayday.
Madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay go’aankii baarlamanka kaddib wuxuu sheegay in tani ay muujinayso in Soomaaliya ay ku socoto jid dimuqraadiyadeed uuna sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo magacaabi doono ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa Saacid.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured