Oday Xaashi Muuse Xuseen oo la sii daayey iyo Maxamed kaahin iyo Beeshiisa oo sabab u noqday sii dayntiisa

0
Thursday December 12, 2013 - 16:31:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oday Xaashi Muuse Xuseen oo la sii daayey iyo Maxamed kaahin iyo Beeshiisa oo sabab u noqday sii dayntiisa

    Hargeysa(xogreebnews.com-Xaashi Muuse Xuseen ayaa manta laga sii daayey saldhigii uu ku xidhnaa, kadib markii Maxamed Kaahin iyo Beeshiisu ay xukuumadda u bandhigeen in aanu Odaygaasi iyaga u xidhnayn ee ay uga fadhiyaan Raggii qoriga ku qabtay in lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Xaashi Muuse Xuseen ayaa manta laga sii daayey saldhigii uu ku xidhnaa, kadib markii Maxamed Kaahin iyo Beeshiisu ay xukuumadda u bandhigeen in aanu Odaygaasi iyaga u xidhnayn ee ay uga fadhiyaan Raggii qoriga ku qabtay in loo soo qabto. Sii daynta Xaashi Muuse ayaa la sheegay in ay xukuumaddu u fududaysay Odayaal ka soo jeeda Beeshiisa iyo qaar ka mid ah carruurtiisa in ay Damaanad ugu sii daayeen inta la helayo cid mudici ku ah maadaama Maxamed Kaahin iyo Beeshiisu ay cadaysay in aanay wax danbi ah u haysan isaga.
Sii daynta Xaashi Muuse ayaa ka dhalatay marka laga yimaado ololaha beesha Maxamed kaahin iyo dhaqdhaqaaq kale oo beesha xaashi Muuse ku soo faqday Dilal hore oo ay Beesha Maxamed Kaahin iyo ay u gaysteen, taasoo dhaqanka Somalida Xeer u gasha oo marka dhibaato caynkan oo kale ahi timaado la isugu baano isla markaana lagu xaliyo dhibaato kasta oo dhinacyada kala gaadha.

Dhinaca kale, ilo wareedyo u dhuun dal;oola soo daynta Xaashi Muuse ayaa la sheegayaa in ay ka timi dhinaca Muuse Biixi oo ay culaysyo kala duwani ka soo gaadheen arrintan maadaama oo uu qayb ka ahaa mushkiladda lagu xidhay Xaashi muuse, waxaana la sheegayaa in uu hore u dalbaday eedii loo sameeyey in laga khafiifiyo s loo damiinto, balse Xeer ilaalinta ayaa arrintaas ku gacan saydhay.
Si kasta ha ahaatee Xaashi Muuse Xuseen oo ah Oday waayeel ah oo sagaashamad ku dhaw ayaa manta Gurigiisii ku soo noqday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured