Xildhibaan Rayte oo kashifey, fartana ku fiiqay halka laga soo abaabulo iskudayga dilalka siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhaya!.

0
Thursday December 12, 2013 - 07:47:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Rayte oo kashifey, fartana ku fiiqay halka laga soo abaabulo iskudayga dilalka siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhaya!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com--Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo shalay ka hadlaayey munaasibad xisbiga Waddani ugu fooladeynaayey Masuuliyiin,Taageerayaal iyo kaadiriin ka tirsanaa ururkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinka golayaasha degaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com--Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo shalay ka hadlaayey munaasibad xisbiga Waddani ugu fooladeynaayey Masuuliyiin,Taageerayaal iyo kaadiriin ka tirsanaa ururkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinka golayaasha degaanka oo ku soo biiray wuxuu daaha ka feyday in Hargeisa-(xogreebnews.com--Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo shalay ka hadlaayey munaasibad xisbiga Waddani ugu fooladeynaayey Masuuliyiin,Taageerayaal iyo kaadiriin ka tirsanaa ururkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinka golayaasha degaanka oo ku soo biiray wuxuu daaha ka feyday in falalkii iskudayada dil ee lala beegsadey Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile ,Gudoomiye xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo weerarkii lagu qaadey Wargeyska Hubaal sadexdooduba dabada la galeen ama la tuhunsan yahay in laga soo abaabulay Qasriga Madaxtooyada ee dalka looga arimiyo,Ku darsoo wuxuu Xidlhibaan Rayte intaa ku daray inaan Xukumada Siilanyo diyaar u ahayn inay soo qabqabato ,cadaaladana hor keento Denbilayaashii ka danbeeyay falalkaas foosha xun ee iskudayga dil ee lagu qaadey masuuliyiintaa.

Taa ka sakow wuxuu xildhibaan Rayte madaxweyne Siilanyo u diray fariin digniin iyo nasteex labadaba u ah ,wuxuuna iftiimiyey in sharciguu ixitiramaa isaga dan u tahay ,haddiise uu sharciga dhawri waayo oo ay murugto uu isagu ugu nugul yahay, waxaana hadaladii Xildhibaan Rayte ka mid ahaa “Madaxweyne sharcigaynu ku wada nool nahay,Adiguuna dan gaar ah kuu sii yahay,Awoodaaduna sharci bay ku dhisan tahay,sharcigana hadaad baasto ogow Madaxweyne iyo wax kale midna ma jiri doono”.
Isku soo wada duuboo wuxuu xidlhibaan Rayte ku eedeeyay xukumada Siilanyo inay sharcigii maalinba maalinya ka danabaysa xagga danbe ka sii tuurayso ,dilal siyaasadeed qorsheysan oo lala beegsanaayo siyaasiyiinta fikfirkooda cabirana dalka ku soo kordhaayan, xukumada Siilanyo lafteeda loo tirinaayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured