Xildhibaanada Barriga Burco oo wasiirka Macdanta Xafiiskiisa kula Gar-naqsaday

0
Thursday April 11, 2013 - 07:52:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Barriga Burco oo wasiirka Macdanta Xafiiskiisa kula Gar-naqsaday

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo ka soo jeeda Barriga Burco ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Eng: Xuseen Cali Ducaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo ka soo jeeda Barriga Burco ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Eng: Xuseen Cali Ducaale Xildhibaanada Barriga Burco oo wasiirka Macdanta Xafiiskiisa kula Gar-naqsaday

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo ka soo jeeda Barriga Burco ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Eng: Xuseen Cali Ducaale.
(xogreebnews.com-Kulanka labada dhinac oo ahaa mid gaar ah oo beelaysan wax xog dheeraad ah lagama helin, hase yeeshee sida ay ilo wareedyo u dhuun daloolaa Waaheen u sheegeen waxa ay Xildhibaanadu u gudbiyeen Dacwada ay iyaga iyo Beeshooduba ka qabaan qaabka uu u maamulay hawlaha ku xeeran Sahanka Shiidaalka ah ee deegaanadooda lagaga baadhayo shiidaalka.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka hor dhigay inta mashruuc ee uu bixiyay oo dhamaantoodba ah kuwo uu ku koobay Qoyskiisa iyo caa’iladdiisa halka ay dadkii xaqa u lahaa in lagu maalgeliyo ay uga qatan yihiin, waxaanay ka dalbadeen in uu qorshayaashii uu fuliyay dib uga laabto isla markaana ku celiyo dadka deegaanka Saamigoodii.
Lama oga jawaabta uu gar-naqsigooda kaga hal-celiyay Wasiirka Macdantu hase yeeshee sida ay rasmimedia u xaqiijiyeen dad ka ag dhaw Xukuumaddu waxaay sheegeen in Wasiirka Macdantu dib ugu laabanayo deegaanka isla markaana uu wada xaajood kala soo yeelan doono dadka deegaanka tabashadooda.
Sidoo kale waxaay kala hadleen digreetaddii Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray tabashadooda taasoo ay u arkeen in aanay xal u ahayn dhacdada ay xukuumaddu ku kacday ee ay xaqoodii ku duudsiday, taasoo ay dadweynaha Goboolka Saraar u arkeen in ay ahayd ku digasho aan Daw ahayn oo loola badheedhay.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha rasmimedia ee gobolka togdheer waxajira kulan balaadhan oo ay beesha deegaanka Caynaba ku qabanayso magaaladda Burco kaasoo ah Gar-naqsi ka dhan ah Xukuumadda, waxaana socda abaabul ay beeshu kaga soo qayb galayso shirkaasi, iyadoo dhinaca kalena cadho xoogan ay ku dhalisay Digreetadii Madaxweynuhu.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured