Beelaha La Haybsooca Waxa Ay U Bahan Yihiin Hiil-Qaran Warbixin Ka Waramaysa Tacadiga Beelaha la hayb soco.

0
Wednesday December 11, 2013 - 19:04:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaha La Haybsooca Waxa Ay U Bahan Yihiin Hiil-Qaran Warbixin Ka Waramaysa Tacadiga Beelaha la hayb soco.

    Waa maqaal ku saabsan xaquuqda ula sinnaanta iyo ka qaybgalka horumarka iyo siyaasadda dalka ee beelaha la hayb-sooco, waxa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka Beelaha la Hayb-sooco “Voice of Somaliland Minority Women Organization” (VOSO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maqaal ku saabsan xaquuqda ula sinnaanta iyo ka qaybgalka horumarka iyo siyaasadda dalka ee beelaha la hayb-sooco, waxa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka Beelaha la Hayb-sooco “Voice of Somaliland Minority Women Organization” (VOSOMWO),

Ururka codka haweenka beelaha la hayb sooco ee VOSOMWO oo la aasaasay 2004. Waa urur horumarineed oo waddani ah, sharciyaysan oo ay aasaaseen hablo muwaadiniin ah oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, kuwaasoo iskood isu abaabulay, una kacay si ay ugu adeegaan horumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Ururku muddada uu jiray wuxuu adeegyo horumarineed oo badan ayuu hore ugu fidiyay bulshada uu u adeego, runtiina guulo wax-ku-ool ah ayuu ka gaadhay dadaalkiisa, waxaannu khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u leeyahay kuna sameeyay daraasado cilmi ah dhibaatada tacadiyada xuquuqal-insaanka, waayaha iyo duruufaha qallafsan ee ku xeeran nolosha dadka ka soo jeeda beelaha afarta beelood ee Tumaalaha, Yibraha, Madhibaan iyo Muuse-dhariyo, ee ku nool dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Dadka la hayb-soocaa waxay xaq u leeyihiin inay ka qayb-qaataan kana qaybgalaan samaynta iyo hirgelinta siyaasadaha horumarinta dalkooda iyo dhismaha xukuumadda ee dalka ka jirta markastaba, marka loo eego xuquuuqda sinnaanta muwaadiinta ee diinteenna wanaagsan ee islaamka ah ina farayso iyo xeeraraka dalka ee la jaan-qaadaya dimoqraadiyadda iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in xuquuqda dadka la hayb-sooco ee Somaliland ku nooli ay la jaanqaaaddo geeddi-socodka horumarka iyo daryeelka xuquuqda muwaadininta. Dadaalka dadka la hayb-soocaa ugu jiraan gaadhitaanka inay dhinac walba ula sinaadaan bulsho waynta Somaliland ee ka mid ka yihiin oo ay ula wadaagaan dimoqraadiyadda horumarka iyo xuquuqda guud ahaaneed waxa fure u ah ka qaybgalka siyaasadda iyo talada dalkooda.

Sidaa darteed, waxaan u soo jeedinaynaa xukumada ,golayaasha sharci-dejinta iyo xisbiyada qaranka ee dalka in ay u arkaanin lagama maarmaan tahay in dadka la hayb-sooco ay ku jiraan talada dalka oo u oggolaadaan codad iyagu ka tirsan oo qeexa arrimaha iyaga gaarka u ah, xalna loogu helo, taasoo noqonaysa dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan ee laga wada qaybqaadanayo.

Haddaba, waxaan ka filaynaa golayaasha sharci-dejinta ,xukumada iyo xisbiyada qarankuba inay si buuxda u hirgalyaan nidaamka ama fikradaha samaynta nidaam khaasah ama tiro kuraas ah oo cayiman (Quota), marnaba maaha faaiido ama asxaan gaara oo loo fidinayo beelaha la hayb-sooco ama laga tirada badan yahay ee waa ku milankooda dhabta ah inay helaan xuquuq la mida kuwa ay haystaan beelaha tirada badan ee ay dalka wada wadaagaan. Caam ahaan, nidaamkaas khaaska ah ee (Quota) ama kuraasta cayiman ee iyagoo keliya ku tartamayaan wuxuu wax ka tarayaa ku soo milmidda beelaha la hayb-sooco ee bulshada inteeda kale, wuxuuna aayitiin fiican oo mustaqbaleed siinayaa beelaha la hayb-sooco, markay ku dhex jiraan ama qayb ka yihiin hawl-qabadyada qaran ee siyaasadeed iyo kuwo bulsheed.

Waxay qaybtooda ka helayaan nidaamka xukuumadeed, waxayna awood u helayaan inay wax ku biiriyaan sharci-samaynta, waxayna door weyn ka qaadayaan horumarinta, dib u dhiska iyo maamulka dalka. Marka dib loo yara milicsado doorashooyinkii dalka hore uga dhacay iyo halka ama raadka ay ku reebtaydadyowgan la hayb sooco ama dhaqanka naafeeyay , taas oo bilaw u ah halganka ama dadaalka ay bilaabeen beelaha la hayb sooco iyagoo ah muwaadiniin asal ahaan ka soo jeedda dalka Somaliland in takoor iyo tiro yaraan ku waayeen xuquuqdoodii dastuuriga ah ee ka qaybgalka siyaasadda iyo horumarka, talada dalka taasina maaha waxa la aqbali karo .

Haddaba, haddii ay ku soo bixi waayeen doorashooyinkii dalka ka dhacay hadii ay noqon lahayd doorashooyinkii golayaasha sharci dejinta iyo kuwa golayaasha deegaanka Somaliland; taasi maahain aanay xubno gole degaan iyo mid baarlamaan midnaba waxba ku yeelan ayey ina tusaysaa maanta ? Waxa lagama maarmaan ah in dadka la hayb-soocaa si ay uga qaybgalaan golayaasha kala duwan ee qaranka ee lagu go’aamiyo talada qaranka iyo arrimaha saameeya noloshoodabeelahan , si xuquuda dadka oo dhan mid yar iyo mid badanba dhammaan dalka ku wada noolaad sinnaan buuxda .waa in la xoojiyaa nidaamka ku dhisan kootada ee madaxweynuhu u soo jeediyay golaha wakiilada waana habka kaliya ee ay dadyowgan ka dhex muuqan karyaan talada dalka .sidaa darteed waa in la waafijiyaa xeerarka dalka u yaala. Waana qaabka kaliya ee ay bulshadani uga qaybgali karto golayaasha lagu qorshaynayo siyaasadda khusaynaysa baahidooda iyo noloshooda, isla markaana siinaya fursad ay waxtarkooda ku yeeshaan horumarka bulshada, dibu dhiska dalkooda iyo dadkooda .

Maqaalkan oo aan u soojeedinayno golayaasha sharci-dejinta iyo xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyn Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo dhammaan bulsho weynta reer Somaliland ee jecel sinaanta iyo cadaaladda dadwaynaha waxaannu u soo jeedinaynaa in ay nagala qaybqaataan sidii kootada loo hirgelin lahaa oo ay u noqon lahayd mid meel mara ah .hadaba waxa aan cod dheer u baaqaynaa golaha wakiilada in sida u dhakhsa badan ay u darsadaan anjadayaasha kalfadhiyadooda igu darsadaan xeerka kootada ee u saamaxaya ka qaybgalka siyaaada ee beelaha la haybsooco iyo haweenkaba ,golaha wakiilada waxa xusidoonta taariikhda hadaba sida ay ka yeelaan beelahan walaahooda ah ee ka maqan siyaasada iyo talada ., isla markaana looga faa’iidaystoxirfadahooda iyo kartidooda guud ahaan, taas oo ay wax weyn ku biirin karaan wanaagga iyo horumarka guud ee qarannimadeenna

Guntii iyo gunaanadkii waxaan u soo jeedinaynaa in beelaha la haysooco ay u bahan yihiin hiil qaran uguna baahan yihiin laamaha kala duwan ee dawlada hadii ay noqon lahayd golaha sharci dejinta, golaha fulinta iyo dhamaan aqoonyahanka reer Somaliland

.La sooco maqaalka dambe…………

By Ururka codka haweenka beelaha la hayb sooco ee— VOSOMWO, Hargeisa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured