Fadeexadii Abid U Xumeyd Oo Dul-Hoganaysa Wasiirka Duulista:Shaqaale Sifo Sharciga Bal Marsan U Shaqaaleysiiyay.

0
Wednesday December 11, 2013 - 17:50:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadii Abid U Xumeyd Oo Dul-Hoganaysa Wasiirka Duulista:Shaqaale Sifo Sharciga Bal Marsan U Shaqaaleysiiyay.

    Waxaanu wasiirku war-qad ay warbaahinta kala garan wayday cida qortay una ku saxeexan yahay agaasimaha cusub ee wasaradda lagu sheegay in la magacaabay afhayeen cusub oo ay yeelato wasaradda duulistu kasoo an la garanay cida u afhayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu wasiirku war-qad ay warbaahinta kala garan wayday cida qortay una ku saxeexan yahay agaasimaha cusub ee wasaradda lagu sheegay in la magacaabay afhayeen cusub oo ay yeelato wasaradda duulistu kasoo an la garanay cida u afhayeen

Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku dhaqaaqay tallaabooyinkii u caanka ku ahaa wasiirku,taaso ayaamihii u danbeeyay lays waydiinaayay,sababta ku kaliftay in u shaqaale sifo sharciga bal marsan u magacaabay xil ka mid ah wasaradda,taaso an la garaanay sababta ku kaliftay wasiirka,asaago ah wasiir in u sharciga qabiiyo.

Maxamuud xaashi oo muddo saddexsanno ah xilka wasiirnimo hayay tan iyo markii la doortay maamulka siilaanyo,asaago ku dhaqaaqay tallaabooyin, ay haboontay in ka wiswiiso qofka xilka u haya ummadda waxaanay u muuqata shikhsiyadiisa in ay muujinyso,in yahay masuul an u hogaan samin sharciga dalka oo an u qalmin in wasiir u noqdo qaran la doonaayo in laga tirtiiro qabyaaladda.

Waxaanu wasiirku war-qad ay warbaahinta kala garan wayday cida qortay una ku saxeexan yahay agaasimaha cusub ee wasaradda lagu sheegay in la magacaabay afhayeen cusub oo ay yeelato wasaradda duulistu kasoo an la garanay cida u afhayeen u noqoonaayo waayo saxafada Somaliland waxaay leedahay xaq ah in ay sheegto wixii dhaliilo ah ee jiraa wasiir maxamuud xaashi ayaa had iyo goor soo saara dad u suuqa kasoo uruursaday oo u sifo bilaa sharci ah ku shaqaalaysiiyo wxuuna intii u xilka hayay u magacaabay lix qof oo u sheegay in ay yihiin af hayeenno wasaradda kuwaaso marna anay heelin warbaahintu cida u wax ugu dhiibo wasiirku waxaanay warbaahintu u dhabbo gashay wasiirkan duulista ay ku tilmaaman masuulka ugu maamulka xun xukuumadda siilaanyo.qoraalka la sheegay in lagu magacaabay masuulkan oo an la kala garanayn in u wasiirku qoray iyo in agaasimuhu qoray bal idiinku fahma.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar Cabdilaahi Aadan, War saxaafadeedkaas oo u dhignaa sidan:-“ Wasiirka Wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa go’aan Wasiir ku magacaabay madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ahna Afhayeenka wasaarada.Waxaan go’aansaday in aan Saddam Maxamed Axmed u magacaabo inuu noqdo Madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha, iyo saxaafadda ahna Afhayeenka Wasaaradda.

Sidaa daraaddeen, waxaan masuulka farayaa inuu xilkaas aan u magacaabay u guto si daacadnimo iyo hawkarnimo leh.” Cumar Cabdilaahi Aadan .Agaasimaha Guud ee WDHG&Cirka

Waxaanay ku tusaysa tani in ay meesha joogan dad bilaa aqoon ah kuwaaso mid markuu doona u warbaahinta usoo gudbisto waxaa u doonaayo,waxaana markhaati ma doon ah in maamulka wasaraddu in u noqday mid habqan ah oo an lahayn nadaamka dawladnimo oo anay meelna kasoo gelin waxaana cadaan ah masuulkan in aan la marin hayad dawladda ee maamusha shaqaalaha dawladu qoranaysa kuwaaso lo bahna in laga qaado imtixaanka ay ku hawl galaan shaqaaluhu.

Wasiirka duulista oo caanku ah qabyaalada iyo musuq-maasuq ayaa la sheegay in u awood dheeraad ah ka haysato madaxtooyada asaago maalmihii u maqna wasiirka madaxtooyada dalka ingiriiska uu ka taqalusiiyay agaasihiisi hore ee waasradda asaago uga faaiidaystay,xilka u madaxweynuhu ka seexday la soco qaybta danbe

Qalinkii

Siciid guuleed nuur

Email.siciid423@hofmail.com

Hargeisa somailand




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured