Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Dalka Denmark

0
Tuesday December 10, 2013 - 20:54:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Dalka Denmark

    Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark. Wafdigan oo uu hogaaminayey Md Henrik Jespersen, Senior Technical Adviser oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda waddanka Denmark waxaana ka mid ahaa waftigiisa Marwo Lotte Mindedal oo la taliye ka ah safaaradda Denmark ee Nairobi (Coundellor - Development Somaliland and Somalia Team) iyo Md Soren Skou Rasmussen, madaxa DANIDA ee Somaliland (Head of Office, Programme coordinator/DANIDA programme Office, Hargeisa).
Wafdigani waxay Somaliland u yimaadeen qiimeynta mashaariicda horumarineed ee dawladda Denmark maalgeliso ee ka socda Somaliland. Wafdigani mudadii ay joogeen waxay soo booqdeen gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.

Gudoomiyaha oo si diiran u soo dhaweeyey waxa uu si guud wafdiga ugaga warramay arrimaha horumarka, Amniga, Doorashooyinka iyo Diiwaagelinta, Gudoomiyuhu waxa uu xusay in shacbiga Somaliland uga mahadnaqayaan dawladda Denmark kaalinta ay kaga jirto mashaariicda horumarineed iyo taabagelinta dimquraadiyadda iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay doorashooyinku u qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah 2015.
Madaxa wafdigu waxa uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga xog warramay baaxadda kaalmada dawladda Denmark siiso Somaliland iyo ka qayb qaadashada diiwaagelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan la filaayo inay dalka ka qabsoonto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured