MADAXDA XISBIGA UCID AYAA MAANTA LA HADLAY BOQOLAAL TAAGEERAYAASHA UCID AH OO HARGEYSA BANAAN BAX BALAADHAN KA SAMEEYEY.

0
Tuesday December 10, 2013 - 20:45:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXDA XISBIGA UCID AYAA MAANTA LA HADLAY BOQOLAAL TAAGEERAYAASHA UCID AH OO HARGEYSA BANAAN BAX BALAADHAN KA SAMEEYEY.

    Hargaysa(Xogreebnews.com-Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid ayaa maanta isku soo bax balaadhan ka sameeyey xarunta guud ee Xisbiga Ucid uu Kuleeyahay Magaalada hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Xogreebnews.com-Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid ayaa maanta isku soo bax balaadhan ka sameeyey xarunta guud ee Xisbiga Ucid uu Kuleeyahay Magaalada hargaysa. Hargaysa(Xogreebnews.com-Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid ayaa maanta isku soo bax balaadhan ka sameeyey xarunta guud ee Xisbiga Ucid uu Kuleeyahay Magaalada hargaysa.
Banaanbaxan ay xisbiga mucaaradku ka sameeyeen xarunta xisbiga ucid ayaa waxa barxada hore ee xarunta xisbiga soo buux dhaafiyey tageerayaasha aad ubadan kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ku dalbanayeen in xukuumada kulmiye ay tacida ka dayso xisbiyada mucaaradka ah iyo saxaafada madaxbanaan.

Xisbiga mucaaradka ah ee ucid ayaa banaan-baxan ay ku dalbanayeen ee xukuumada tacadiga iyo hagar-daamada ka dayso ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xil maanta laga xusya aduunka maalinta Xuquuqul Insaanka.
Hadaba hadal kooban uu halkaasi ka jeediyey guddoomiyaha sadddexaad ee xisbiga ucid Mujaadi Cali Guray ayaa waxa uu sheegay inuu wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha somaliland uu saaka ciidanka amar buuxa ku siiyey in xarunta guud ee xisbiga ucid xoog lagu galo kuwaas oo ay ciidanka RRU galeen waxaana uu yidhi?waydinkii ogaa inaanu bisha toban keega ku balanay in aynu mudaharaad dhigno taas uu wasiir ku xigeenka uu naga diiday inaanu mudaharaadkaas dhigno.
Guddoomiyaha sadddexaad ee xisbiga ucid ayaa wasiir ku xigeenka amniga ku edeeyey inuu ka danbeeyey shirqoolkii la islahaa ku dila xildhibaan qabiile iyo wargayskii Hubaal waxaana uu yidhi?wasiir ku xigeenka amniga ayaa ka danbeeyey shir?qoolkii la islahaa ku dila xildhibaan qabiile,waad ogtiin waxii ku dhacay wargayskii hubaal oo aad ogtiin in laga soo abaabulay qasriga madaxtooyada iyo guriga madaxwayne siilaanyo kuwaas oo wadankii ku haysta carjuuqdhe waxaana loo baahanyahay in dalka sidii siyaad bare looga xoreeyey dalka in xukuumada siilaanyana looga xoreeyo ayaa ladoonayaa dantuna haday nagu qasabto diyaar Ayaan u ahay inaan marlabaad dalka ka xoreeyo silaanyo.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha sadeexaad ee Ucid Mujaahid Cali Guray in Saaka Toddobadii Subaxnimo Ay Ciidanka RRU ee loogu talo galay argagixisada in ay xoog kusoo galeen xarunta xisbiga ucid kuwaas oo gabi ahaanba burburiyey qalabkii yaalay xarunta ucid waxaana uu yidhi?waxa bilaabeen saaka aroortii hore in ciidanka RRU soo weeraraan xarunta ucid kuwaas oo burburiyey qalab badan taasba waxa kasii darab basaskii aanu udirnay xaafadaha ayaa waxa ay dhigeen jid goyn oo dadkii ayey laayeen oo waxa la dhaceen ulo dadkiina way yaaceen qaaran waxa ay tageen dhakhtarka.
Mujaahida Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey??walaalayaal umadani meesha ay ku socotaa waa meel aad khatar u ah halka ay taagantayna waa meel aad khatar u ah waanada la socotaan nabada galiyadeenii 22sano waxaan dhaqan inoo ahaan jirin agasoo abaabulayo madaxtooyada oo waakaas dhaawaceedi ina hortaagan oo waa guddoomiyaha wargayska hubaal ilaa hada cidii dhibtaas ugaysata ma hayno macaa xukuumadu ugamay talo galin in ay inoo sheegto maxaa yeelay halka uu galayo ayaa la ogyahay oo waa qasariga madaxtooyada iyo inta isku haybta ah ee siilaanyo ka kowyahay.

Sidoo kale Cali Guray intaasi raaciyey?Qofna umada si runa uma baran karo ilaa uu galo xabsiyadeeda,markaas waxaad garan kartaa marka lagu xidho maanta waxaa garanayo caloolay oo xabsiga galay,aniga ka cali guray ahaan xabsi maan galin oo waan la ii quudhan in la ixidho la ima-tudhayo lakiin waa la iiquudhi waayey madaxwayne siilaanyo aniga buurwado ayaa uu iiga eexday oo imikan agfadhiya.
Sidoo Kale Waxa Isna halkaasi ka hadlay Xasan Xuseen Codyare oo ku hadlayey afka msuuliyiinta xisbiga wadani ayaa waxa uu yidhi?anaga wadani ahaan dhawaan ayaanu maqalnay shaqaaqadii Halkan Ka Dhacday ee ciidanka RRU inta ay xarunta soo galeen qalabkiina burburiyeen aad iyo aad ayaanu uga xunay waan arin nasii daro ah iyada oo aanu maanta ku jirno maalina xuquuqul iinsaanka oo aynu xaqa uleenahay oo dastuurkeeno inoo fasaxayon lakiin xukuumada siilaanyo waxa kasta haday ka hortimaado waa arin nusqaan ku ah ee dalka iyo dalka somaliland ha utudho Ayaan odhan lahaa anigu ka xisbi wadani ahaa.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Musharax Madaxwaynaha Ee Xisbiga Ucid Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu yidhi?? maanta Mudaharaadkan waxaynu ku xusaynaa Maalinta Xuquuqal Iisaanka , Dadkii Tacadiyada lagula kacay, Dadkii Shaqooyinka qabyaalada iyo Eexda lagaga Eryay, Dadka la iska xidhxidhay, Dadka la bahdilayo ee TV-yada laga Caayayo Maalin walba. Waar TV-ga Qaranka Saddex Malyan iyo Badh Dollar ($3.5 Milyan Dollar)weeye Kharashkiisu. Wuxuu ka kharash badan yahay 5 Wasaaradood,waxaana loo haystaa in Dadka laga caayo. Waa TV-gii Cayda. Xagee Aduunka lagu Arkay Xukumad iyadii Dadkii caayaysa, iyadii weeraraysa oo Wan jalaysa Dadkii. Xagee lagu Arkay Xukumad Jid gooyo samaynaysa waar Dawlad maahee waa Jabhad kuwani.? Ayaa ka mid ahaa Hadalka Jamaal Cali Xuseen.
Dhinac kale Wariyeyaasha ka hawlgala Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Maanta Dareenkooda ku muujiyay Mudaharaad Af xidhasho ah, kaasi oo ka turjumaya Tacadiyada iyo Xadhiga Xukumadda Madaxweyne Silaanyo kula kacdo Wariyeyaasha.
Xukumadda ayaa Shalay Duhurkii Dammaanad ku sii daysay 4 Weriye oo mudo todobaad ah ku xidhnaa Hargeysa, iyadoo isla Shalayna galinkii dambe ilaa xalay goordambe 4 weriye ku jireen Saldhiga Degmada Dacar-budhuq.
Ururka Xuquuqal Iisaanka u dooda ee Human Rights Center oo Somaliland ka hawl gala ayaa shalay sheegay in Sanadkani uu ahaa mid u daran Weriyeyaasha islamarkaana ilaa 16 Xadhig oo warbaahinta lagula kacay ay diwaan galiyeen.
Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Somaliland iyo qaar ka mida dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa ayaa Xukumadda Madaxweyne Silaanyo ku eedeeyay inay Cabudhin iyo cago juglayn ku hayso Warbaahinta Madaxa Banaan.
Warbaahinta Madaxa banaan ayaa walaac ka muujisay Fal horaantii sanadkan lagu weeraray Xarunta Wargeyska Hubaal oo ay kula kaceen Xubno Ciidanka Booliska ka tirsan.
Mid kamida laba Nin oo Xaruntaasi weeraray ayaa Xukumaddu sii daysay iyadoo aan wax sharci ah la hor keenin islamarkaana aan la soo qaban Ninka kale ee falkaasi kula jiray. Mucaaradka ayaa Madaxtooyada ku Eedeeyay Falkaasi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured