Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka qeybgalaan Banaan-bax Salmiya oo lagu taageerayo xorriyatul-Qawlka iyo Saxaafada Somaliland oo maalinta beri oo Salaasa lagu qabanayo Xarunta Xisbiga

0
Monday December 09, 2013 - 21:43:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka qeybgalaan Banaan-bax Salmiya oo lagu taageerayo xorriyatul-Qawlka iyo Saxaafada Somaliland oo maalinta beri oo Salaasa lagu qabanayo Xarunta Xisbiga

    Banaan-baxan la qabanayo maalinta beri ayaa waxa uu ku beegan yahay Xuska maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka oo sanadkasta la xuso 10-December 2013-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaan-baxan la qabanayo maalinta beri ayaa waxa uu ku beegan yahay Xuska maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka oo sanadkasta la xuso 10-December 2013-ka. Hargeysa(xogreebnews.com-Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka qeybgalaan Banaan-bax Salmiya oo lagu taageerayo xorriyatul-Qawlka iyo Saxaafada Somaliland oo maalinta beri oo Salaasa lagu qabanayo Xarunta Xisbiga UCID ee ku taala Xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa.
Banaan-baxan la qabanayo maalinta beri ayaa waxa uu ku beegan yahay Xuska maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka oo sanadkasta la xuso 10-December 2013-ka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodijeex Faysal Abiib Gudhane waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu soo saarey, waxaanu u dhignaa sidan:
?Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi-Jeex Md.Faysal Abiib Gudhane, waxa uu ku war-gelinayaa dhamaan tageerayaasha Xisbiga UCID ee Caasimada Hargeysa In ay ka soo qaybgalaan Banaan-bax salmiya Oo lagu taageerayo Xoriyatul-qawlka Iyo Saxaafada Somaliland,Maalinta Beri XARUNTA XISBIGA UCID ee xaafada shacabka,sacaadu markey Tahey 9:00Am Subaxnimo Taas Oo Ku Beegan Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee XUQUUQUL INSAANKA
Hadaba Xukuumada Somaliland Waxaanu leenahey idiinka Xisbiga UCID Iyo Taageerayaashiisaba nabad gelyadooda qaabilsan sida Dastuurka Iyo xeerarka Qaranku-ba tilmaamayaan ee waa inaad dadka Aamnigooda Ilaalisaan
Sidaa daraadeed Taageerayaashana waxaanu ku war-gelinayaa in ay ilaaliyaan amniga Iyo sumcada Xisbiga UCID lana Shaqeeyaan Ciidamada Qaabilsan aminga"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured