Wasiir Cukuse oo qarka u saaran inuu Afka saaro Dariqii guuldarada ee Qasriga Madaxtooyadu Sheekh Samaale cagta u saaray!

0
Monday December 09, 2013 - 20:41:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse oo qarka u saaran inuu Afka saaro Dariqii guuldarada ee Qasriga Madaxtooyadu Sheekh Samaale cagta u saaray!

    Hargeisa-(Xogreebnews)-Xoggo Qarannews ka soo heshay ilo wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa tibaaxaaya in wasiirka wafaafinta Somaliland cagta la helay Wadadii la marsiiyey Wasiirka Maaliyada Sheekh Samaale ka dib markii Gafanayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(Xogreebnews)-Xoggo Qarannews ka soo heshay ilo wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa tibaaxaaya in wasiirka wafaafinta Somaliland cagta la helay Wadadii la marsiiyey Wasiirka Maaliyada Sheekh Samaale ka dib markii Gafanayaasha Qasriga Madaxtooyadu derseen damiirkiisa qofnimo oo ay u arkeen mid aan deganayn. Hargeisa-(Xogreebnews)-Xoggo Qarannews ka soo heshay ilo wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa tibaaxaaya in wasiirka wafaafinta Somaliland cagta la helay Wadadii la marsiiyey Wasiirka Maaliyada Sheekh Samaale ka dib markii Gafanayaasha Qasriga Madaxtooyadu derseen damiirkiisa qofnimo oo ay u arkeen mid aan deganayn.

Marwada Madaxweyne Siilanyo oo Cukuse had iyo jeer Afka u dhuubi jiray, dhegahana been,bararaf iyo jawaabtaan hebel u goroda u geliyey ma arkaysay kaga khaweysiin jiray ayaa si badheedha ula safatey maareeyaha TV-ga ku hadla afka Xukumada Siilanyo (SLNTV) Khadar Cali Gaas oo gacanyare iyo saaxiib dhaw u ah Wiilka Baashe Cawil X.Cumar “moorgan” ee ay Marwadu sodohda u tahay.


Cukuse ayaa Marwadu kor iyo hoos iyo Far Hunguri waaweynba ugu sheegtay in maareyaha TV-ga ee uu shaqada ka joojiyey laga rabo Madaxtooyada,hawshiisa faraha kala baxo oo Cukuse sida wasiiradii ka horeeyay yeeleen isu dhuubo oo maareeyaha macaamil fiican la samaysto oo shaqada TV-ga u daba fadhiisto maadaba Inanka khadar shuruudihii lagu soo xushay sidooda u fuliyo isna Wasiir ahaan dusha kala socdo sidii Dabagaalaha Abeesada dusha ka qaba oo aanu hoos ugu dhaadhicin shu’uunta hoose ee TV-ga hadday maamuulka TV-ga tahay iyo hadday Maaliyada TV-ga tahayba, waxbana u fiir-fiirsan ee iska xaawiyo sidi horeba lagu yaqaanay.

Wasiir Cukuse ayaa durbaba xogguhu sheegayaan in madaxtooyadu si dadban ugu soo dhaqaaqjisey Beebee bilaa rasaasa (Abiib timocad) oo ahaa wasiirkii uu xilka wasaarada warfaafinta kala wareegay inuu jiidho kaas oo warbaahinta ka sheegay in TV-ga maamulkiisu ka madax banaan yahay wasaarada Warfaafinta oo wasiirka iyo maareeyahaba wareegto madaxweyne lagu soo wada magacaabay taas darteedna aanu wasiirku (Cukuse) maareeyaha shaqada ka joojin Karin, Cukusna qarda-jeexaayo.

Xogguhu waxay intaas ku dareen in Cukuse iyo Abiib timocad oo labadooduba Guulwadeynta,baalixoofatada iyo afxumada shahaadooyin sarsare ku haysta dirqi lagu kala amusiiyey ka dib markii ay madaxtooyada gudaheeda Ganbadho isagu soo fadhiisteen kanley,keerlay iyo cayda casriga ah ee Qasriga UF iyo AKH!.

Isku soo wada duuboo intii Cukuse ku maqnaa JigJiga ayaa maareeyihii TV-ga xanibadii uu saarey laga qaadey oo uu xafiiskiisii fadhiistay, wuxuuna bilaabay digniino iyo hanjabaado afka ah oo uu durbaba si hoose ugu dusiyey Xertii khaas ahaan Shaqaalihii TV-ga ee ka daba raxlaynaayey Cukuse intii muranka iyo khilaafka isaga iyo maareeyaha ka dhex oognaa taagnaa,kuwaas oo liiskooda warbaahinta ku shaaciyey.

Yeelkeede wasiir Cukuse oo Kulmiye jenbiga kaga soo boodey (Wakaaaladaha biyaha horteeda ka soo raacay balse aan juhdi iyo maal midna ku darsan) markii Siilanyo loogu dhaartey inuu kursiga Madaxtooyada helay,Afhayeen beelaayo ka dhacday oo siilanyo yamyam iyo qadaad weyn iyo madasha ka horjoogana isku qanciya ayaa la eegi wuxuu ka yeelo dhacdadan lagu dhufaanayo ama lagu bahdilaayo sidii Sheekh Samaale xiniinyaha looga saaray oo laga dhigay Koran odayga kolba meel u rarto!.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured