Agaasimaha Guud Waxa Ka Muuqata Aqoon Darro Iyo Deg-Deg, Awood Sharci Iyo Mid Maamul Toona

0
Thursday April 11, 2013 - 07:45:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Waxa Ka Muuqata Aqoon Darro Iyo Deg-Deg, Awood Sharci Iyo Mid Maamul Toona

    Hargeysa, (xogreebnews.com- Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Siciid Mahdi Ileeye, ayaa ka hadlay sida uu u arko amarkii Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi shaqada kaga joojiyay todobaadkii hore, kaas oo sidoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (xogreebnews.com- Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Siciid Mahdi Ileeye, ayaa ka hadlay sida uu u arko amarkii Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi shaqada kaga joojiyay todobaadkii hore, kaas oo sidoo kale eedo horleh ku duray Agaasimaha shaqada ka Agaasimaha Guud Waxa Ka Muuqata Aqoon Darro Iyo Deg-Deg, Awood Sharci Iyo Mid Maamul Toona

Hargeysa, (xogreebnews.com- Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Siciid Mahdi Ileeye, ayaa ka hadlay sida uu u arko amarkii Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi shaqada kaga joojiyay todobaadkii hore, kaas oo sidoo kale eedo horleh ku duray Agaasimaha shaqada ka joojiyey.Mr Siqiiro waxa uu sheegay in faro-galin uu ku sameeyey Agaasimaha Guud oo uu ku eedeeyey inay dishootey aqoondaro iyo shaqo xumo, kaas oo xusay inuu awood sharci u leeyahay inuu ogolaansho siiyo Diyaaradaha dalka imanaya, isla markaana qirtey inuu isagu ogolaanshaha siiyey diyaaradda cusub oo ay shirkadda Diyaaradaha ee Daallo la timid.Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Siciid Mahdi Ileeye waxa uu sidaas ku sheegay Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Shabakadda Caalamiga ah ee xogreebnews.com-, warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhigna sidan:- “Sida aad ka warqaabtaan wuxuu dhowaan soo saaray aggaasimaha Guud ee Wasaarada Duulistu Qoraal u ku sheegay in uu shaqada igaga joojiyey, isaga oo ku sababeeyey shaqo ka joojintayda in aan diyaarad aanu ogayn aan siisey ogolaanshiiyo {Permission} , diyaaradaas oo ay lahayd shirkada Daallo Airline.Hadaba waxaan u cadaynayaa maanta warbaahinta Somaliland in aan anigu ahay aggaasimaha waaxda duulimaadyada awood aan u leeyahay in aan bixiyo ogolaanshiiyaha diyaaradaha taasoo ah arrimaha farsamo oo aniga i khuseeya technical, sidoo kalena marka aan diyaarada Permission Siinayno waa in shirkadu noo soo gudbisaa codsi kuna soo lifaaqdaa document-ga diyaarada oo ah.Intaas oo dhan markaanu eegno ayaanu bixinaa ogolaanshiiyaha diyaarada Permission-ka , taasoo markaa aan la socodsiiyo wasiirka iyo aggaasimaha guud ee wasaarada Duulista, diyaaradan uu ku dooday aggaasimaha guud in aanan ogaysiina waan ogosaysiiyey isaga iyo wasiirka taasna wasiirku wuu ogyahay cadayndeetuna waxay taallaa xafiiska arkiifiyada .Hadaba waxaan cadaynayaa in aggaasimaha guud uu arrintaa ku degdegay, isaga oo ay ka tahay aqoon darro, shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline ay tahay shirkad wayn oo dalka sumcad ku leh, balse waxaa muuqata in aggaasimaha guud uu shirkadan kula kacay fal sumcad darro ah.Sidoo kale waxaan halkan idiinku cadaynayaa in aan shaqadaydii wato oo aanu aggaasimaha guud awood sharci iyo mid maamul toona aanu u lahayn in uu shaqada iga joojiyo amar wasiir la’aantii, wasiirka oo safar dibedda ah ku maqanina wuxuu i faray in aan shaqadayda sideedii u wato ilaa amar danbe.Aniga oo ah khabiir aqoon badan u leh arrimaha Aviation ama duulimaadyada ayna muuqato doorka aan ku leehaya hawlaha wasaarada Duulista Hawada, wasiirka duulista Md. Maxamed Xaashi Cabdi na ay naga dhexayso wada shaqayn buuxda isaga oo ah wasiirka howl kar ah qarankana kaalin muhiim ah ugu jira, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo isbedelka madaarada Dalka.Waxaan ku soo koobayaa hadalkayga in aan aggaasimaha guud ee wasaarada Duulistu Axmed Dalal Faarax, ay ka muuqato degdeg iyo aqoon darro dhinaca Avaition-ka ah”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured