Xukuumadda Somaliland ayaa damaanad dhexdeeda ah ku soo daysay afar Wariye oo todobaad u xidhnaa.

0
Monday December 09, 2013 - 17:57:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland ayaa damaanad dhexdeeda ah ku soo daysay afar Wariye oo todobaad u xidhnaa.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Fadxiya Fadxiya Jaahuur, ayaa Duhurnimadii Maanta Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa kala soo baxay suxufiyiintaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Fadxiya Fadxiya Jaahuur, ayaa Duhurnimadii Maanta Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa kala soo baxay suxufiyiintaasi, Duhurnimadii Maanta Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa kala soo baxay suxufiyiintaasi, waxaana wehelinayay Xubno ka mid ah Ururrada Xuquuqal Iinsaanka iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha wakiillada oo madaxtooyada ka ag dhaw.
Inkasta oo aanay xubnahani Warbaahinta uga waramin qaabka ay ku soo daayeen suxufiiyintaasi, hadana qaar ka mid ah wariyeyaasha la soo daayay ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Damaanad lagu sii daayay, isla markaana ay damiinatay Guddoomiyaha Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Fadxiya Jaahuur.

Arrintan oo ah mid layaab ka sii dhigaysa sababta markii horeba wariyeyaashaasi u xidhnaayeen oo ahaa go’aan xukuumadda, gaar ahaan aqalka Madaxtooyada ka yimi, ayaa fajac ku noqday bahda warbaahinta.
Suxufiyiintan ayaa sidoo kale lagu amray inaanay wax hadal ah saxaafadda siinin, isla markaana dhawrsadaan ilaa inta Kiiskoodu ka dhamaanayo.
Xukuumadda ayaa hore ugu gacan saydhay Codsi damaanad ah oo ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka dalbadeen todobaadkii hore markii Rumaanka loo diray in lagu soo daayo, waxaanay arrintani u muuqataa mid ay xukuuamddu ku dambabesayso cambaareynta Caalamiga iyo ta gudaha uga imanayso, oo ay ka cabsi qabto inay sii laba jibaaranto xuska Maalinta Xuquuqal iinsaanka Adduunka ee 10 December.
Xubno isugu jira Masuuliyiinta Asxaabta Mucaaridka a, Ururrada Xuquuqal Iinsaanka, Ururrada Saxaafadda iyo Suxufiyiin kale, ayaa saaka cambaareeyay xadhiga wariyeyaashaasi, waxaana baaq dheer u direen bulshada Caalamka oo ay ka dalbadeen in hoos loo eego xadgudubyada ka dhan ah saxaafadda ee somaliland ka dhacaya.
Dhinaca kale, warar hor dhac ah oo Gobaniminews goor dhaweyd soo gaadhay ayaa sheegaya in afar wariye oo hawlo shaqo u tegay deegaanka Jaleelo ee Gobolka maroodi-jeex, halkaasoo ay Odayaal deegaanka war cabasho ka dhan ah Maamulka Degmada kaga soo duubayeen.
Waxa la sheegay in afartaa Suxufi oo ka kala hawl-gala Telefishanada Bulshotv, Universal iyo Royal lagu qabtay Kaantaroolka Haleeya, loona dhaadhiciyay Saldhiga degmada Laas-geel.
Ma jiro war faahfaahsan oo laga helay xadhiga Wariyeyaashaasi, balse waxa warkii ugu dambeeyay ee laga helay sheegayay in lagu haysto warkaa ay soo duubeen, isla markaana masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ka tirsan amarka lagu xidhay bixiyeen.
Suxufiyiinta xidhan waxa ka mid ah Cali Xasan Sugule oo ah Filin qaade ka tirsan telefishanka universal, Cabdirashiid C/wahaab oo ah wariye ka tirsan Telefishankaasi, Faysal Fiifa oo ka mid ah Royal Tv iyo Nagiib Cabdilaahi Colaad oo Bulshotv ka hawl-gala.
"Dhaaman qalabkii ku shaqaynayeen ayaa laga qaaday, waxaana lagu sii wadaa Saldhiga laas-geel"sidaasi waxa yidhi Sarkaal sare oo ka hadlay xadhiga wariyeyaashan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured