Wasiirka Warfaafinta Cukuse waxa u karaamo roon inuu is casilo.

0
Monday December 09, 2013 - 17:53:38 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Cukuse waxa u karaamo roon inuu is casilo.

    Asalamu Calaykum dhamaan shacbi waynaha Reer Somaliland meelkastoy jooganba, in mudo ah sidaan warbaahinta kala soconay waxa jiray khilaaf maamul oo soo kala dhexgalay Agaasimaha TV qaranka, mr Khadar Cali iyo Wasiirka warfaafinta JSL Mr Cabdilahi Cu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalamu Calaykum dhamaan shacbi waynaha Reer Somaliland meelkastoy jooganba, in mudo ah sidaan warbaahinta kala soconay waxa jiray khilaaf maamul oo soo kala dhexgalay Agaasimaha TV qaranka, mr Khadar Cali iyo Wasiirka warfaafinta JSL Mr Cabdilahi Cukuse. khilaafkaasi oo salka ku haya musuq maasiq baahsan oo dhuuxa ka galay TV qaranka Asalamu Calaykum dhamaan shacbi waynaha Reer Somaliland meelkastoy jooganba, in mudo ah sidaan warbaahinta kala soconay waxa jiray khilaaf maamul oo soo kala dhexgalay Agaasimaha TV qaranka, mr Khadar Cali iyo Wasiirka warfaafinta JSL Mr Cabdilahi Cukuse. khilaafkaasi oo salka ku haya musuq maasiq baahsan oo dhuuxa ka galay TV qaranka Somaliland oo kharash badani kaga baxo Dowlada kaasoo sida aynu ku aragno miisanayada qaranka sanadkii lagu bixiyo in ka badan 15 bilyan oo Somaliland Shiling ah, isaga oo ka miisaaniyad badan 4 wasaradood oo hal bowle u ah arimaha ijtimaaciga ee bulshada Somaliland loogu talo galay inay u qabtaan. Khilaafkan oo soo shaac baxay markii Wasiirka Warfaafintu uu soo saaray amar uu shaqada kaga xayirayo Agaasmiaha TV qaranka taasoo oo wasiirku uga dan lahaa in uu ku saxo arimaha badan oo musuq maasiq isna barkana laakin waxa arinkaasi ay gaadhay Madaxtooyada Somaliland oo la qaadan wayday wasiirka howshii uu rabay in uu waxkaga qabto musuq maasaqaas, waxaana dhacday in Agaasimahii TV dib loogu soo celiyay xafiiskiisii isaga oo uu gadh wadeen ka yahay madaxweyne kuxigeenku taasoo ay gadood badana ka sameeyeen shaqaalaha waynaha TV qaranka oo in badan tirsanayaay in xaqoogii la duudsiyay, walibana qaarkood bahdilaad loogu daro.

Sida ay wax u socdaan ama ay Madaxtooyadu dhinaca u saartay Agaasimaha TV indhaahana ka qarsatay cabashooyinka shaqaalaha TV iyo dareenada ku xeeran ee ka dhashay musuq maasiqa iyo wax is daba marinta baahsan ee ka jira TV qaranka, iyada oo musuulkii ugu sareeyay Wasarada Warfaafinta loo gacan baneen waayay in uu si haboon u guto howshii uu qaranka ugu xil saarnaa, Waxa Wasiir cukuse u karaamo roon oo la gudboon si uu sharaftiisa shaqsiyeed iyo ta siyaasadeedba u ilaashado in uu iska casilo jagada wasiirka ee ah magaca u yaalka ay kaga awooda badan yahiin shaqaale hooseedyada wasaaradiisa ka tirsan ee uu isagu sharci ahaan maamulo. Waxaan odhan lahaa marlabad wasiirka ” nin wayn tag lama yidhaa ee wax uu ku tago ayaa la tusaa” hadii aanad awr karina oo dhufaanan oo kolba dhinac loo rarto ahayn cad quudheed lama cunee bilaa caleeg meesha wax ka qabo ama magac u yaal iyo bilaa sharaf ha noqone xilka aan awooda lahayn iska casil.Alla Mahad lEh,
Abdi Ismail Abib,
antwerpen, Belguim
luqman_ayanle03@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured