Bilayska Magaalada Borama ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Goboladda Awdal iyo Selal Cumar Daahir.

0
Monday December 09, 2013 - 17:50:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilayska Magaalada Borama ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Goboladda Awdal iyo Selal Cumar Daahir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boraman(xogreebnews.com-Sidaasi waxa Gobanimonews u xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Ucid, kaasoo sheegaya in Masuulkaasi Ciidamada Bilaysku ka soo qabteen Gurigiisa Magaalada Boorama.
Ma cadda sababta Rasmiga ah ee loo xidhay, balse Saraakiisha Xisbiga Ucid ee heer gobol iyo heer qaran ayaa sheegay inay ciidamada bilaysku ku war geliyeen in lagu haysto marti gelinta shirka doodad qaran oo todobaadkii hore labada xisbi mucaarid ee Gobolku sheegeen in Boorama lagu qaban doono.

Masuuliyiinta labada xisbi ee Ucid iyo Waddani ee Gobolka Awdal iyo xubno ka mid ah Taageerayaashooda ayaa todobaadkii hore shaaciyay inay soo dhaweynayaan shirka dooda qaran, gogoshiisana fidinayaan.
Hadalkaas ayaa la sheegay in lagu haysto Cumar Daahir, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Awdal iyo Selel.
Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Xuseen Xasan Badmaax oo Gobanimonews la hadlay ayaa xajiiyay xadhiga Sarkaalkaasi, waxaanu ku tilmaamay talaabo xad gudub iyo gabood fal ku ah xoriyatal qawlka.
“wuxuu ka mid ahaa xubnihii ku dhawaaqay shirka doodda, waxaana lagu xidhay oo lagu yidhi shirkaasaad taageertay, arrintaana waxaanu u aragnaa xad gudub ka dhan xoriyatal qowlka iyo dimuquraadiyada” ayuu si kooban ugu sheegay Gobanimonews.
Ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay Ciidamada Bilayska oo la xidhiidha xadhiga masuulkan, balse waa talaabadii ugu horaysay ee ay xukuumaddu si toos ah uga badheedhay inay muranka Shirka dooda qaran Masuul ka mid ah Xisbiya mucaaridka xabsiga ugu taxaabto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured