:Mucaaridka oo Ayaan-daro ku tilmaamay go’aanka xukuumaddu ugu diiday mudaharaadka

0
Monday December 09, 2013 - 17:47:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    :Mucaaridka oo Ayaan-daro ku tilmaamay go’aanka xukuumaddu ugu diiday mudaharaadka

    Hargeisa(xogreebnews.com-Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI, ayaa ku baaqay banaan bax salmi ah Maalinta Salaasadda ee ku beegan 10 Bisha December oo ah maalinta Xuquuqal Iinsaanka Adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI, ayaa ku baaqay banaan bax salmi ah Maalinta Salaasadda ee ku beegan 10 Bisha December oo ah maalinta Xuquuqal Iinsaanka Adduunka. Dalabka Mudaharaadkan ayaa salka ku haya laba arrimood oo kala ah, in bulshadu muujiso dareenkooda ku aadan tacadiga lagu hayo Saxaafadda iyo xoriyatal qowlka iyo in xukuumadda cadaadis lagu saaro ogolaanshiyaha Shirka Doodda qaran ee ay ka soo horjeedo, isla markaana lagaga hortago cadaadista iyo xadidaada ay ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa Xisbiyada , sidii todobaadkii hore dhacday.
Bayaan uu soo saaray Maanta Wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa lagu diiday qoraal codsi mudaharaad ah oo 7-dii bishan oo shalay ku beegan Xisbiyadu u gudbiyeen, waxaanu ku dooday inaanay jirin cid damaanad qaadi karta amaanka dibad-baxaasi.

Bayaankan ayaa lagu yidhi “Tixraac warqada tirsigeedu yahay REF: UCID/940/2013 ujeedadeeduna tahay war gelin banaanbax silmi ah kuna taarikhaysan 07/12/2013,
Anagoo aqoonsan kuna dhaqmayna axdiyada qaramada midoobay iyo qaynuunka dawliga ah isla markaana xurmaynayna baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ah( Universal declaration of human rights ) iyo xoriyada aasaasiga ah, bandhigista ra’yiga iyo xoriyadda xasaasiga ah ee ra’yi dhiibashada iyo madax banaanida saxaafada sida ku cad qodobada 10aad farqadiisa 2aad qodobka 21aad faqradiia 2aad qodobka 22aad faqradiisa 1aad qodobka 32aad faqradiisa 1,2,3aad qodobka 34aad faqraadiisa 1,2,3,4aad ee dastuurka jamhuuriyadda somaliland
Anagoo tixgalinayna xeerka ilaalinta iyo anshaxa nabad galyada guud ee xeer Lr.51/2012 qodobkiisa 10aad faqradiisa 3aad oo ka hadlaysa degenaanshaha, dhaqanka wanaagsan, iyo kal-dambaynta iyo nabad galyada waxay wasaarada arimaha gudaha go’aan qoraala oo sababysan ku diidi kartaa shir ama isku soo bax guud.
Sidaa darteed, anagoo garawsan xaaladaha nabad galyo ee mandaqadan geeska Africa iyo dhacdooyinkii ka dhacay gobolada inala jaarka ah ee soomaaliya, suurtogal maaha waqtigan lagu jiro in dalka mudaharaadyo ka dhacaan, isla markaana ciidamada amniguna heegan buuxa ay ku jiraan mana damaanad qaadi kartaan isku soo bax waqtigan xaadirka ah”.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada xisbi Mucaarid oo la xidhiidha arrintan, waxaana noo suurto geli wayday inaanu helno masuuliyiintooda oo aanu la xidhiidhnay, balse ka jawaabi waayay Telefoonadooda gacanta.
Inkasta oo ay labada xisbi Mucaarid wali jawaab ka bixin go’aanka xukuumadda maanta ka soo baxay, hadana xubin ka mid ah xisbiga WADDANI oo Gobanimonews la hadlay waxa uu arrintan ku macneeyay ayaan daro siyaasadeed iyo indho iska tuur “waa ayaan darro inay xukuumaddu diido mudaharaad Salmi ah oo ay waliba sheegto inaanay ogolayn, hadii aan la ogaysiina waxay odhan lahayd wuxuu ahaa sharci daro”.
Sarkaalkani muu caddeyn in xisbiyaddu ku adkaysanayaan go’aankooda hore iyo in kale, balse sida laga warqabo masuuliyiinta labada xisbi waxay shalay caddeeyeen inaanay go’aankooda ka laabayn, tobanka bishana shacbiga looga baahanyahay inay dareenkooda muujiyaan.
Bahda Saxaafadda Somaliland ayaa ka mid ah qaybaha Bulshada ee xuska maalinta xuquuqda Aaddamaha ee 10 December walaaca ugu soo galayso, waxaana xidhan tiro shan wariye ah oo ku xidhan sharci daro sida ay ku doodayaan Ururadda Saxaaafadda Somaliland.
Xadhiga Wariyeyaashaasi iyo Kiiska weerar bishii april ee sanadkan lagu qaaday xarunta wargeyska Hubaal oo ilaa hada gar iyo garowshiyo toona aan laga bixin, ayaa ah qodobka ugu weyn ee warbaahinta somaliland xuska maalinta kaga qayb qaadanayso.
Wufuud la filayo inay ka kala yimaadaan Caalamka iyo Hay’addaha qaramada Midoobay ayaa loo gudbin doonaa fariin cod dheer loogu sheegayo tacadiyada heega goostay ee ay xukuumadda Somaliland ku hayso saxaafadda iyo kooxaha kula jiray Siyaasadda ee ay Xisbiyadda Mucaaridku ku jiraan.
Sidaasooy tahay go’aanka wasaaradda arrimaha guduhu ku diiday dareen muujinta iyo codsiga asxaabta siyaasadda, ayaa sii xoojinaya xad gudubyada hore ee ay dhinacyadani tirsanayeen, caddeyna u ah cadaadis dheeraad ah oo xukuumaddu dadka saarayso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured