Af-hayeenka Madaxtooyada oo Weji-gabax Kala Kulmay Hadhimo Uu Ku Sabaalaynayay Hawl-wadeennada SLNTV Ee Kasoo Hor-jeeda Maareeyahooda

0
Saturday December 07, 2013 - 21:59:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Af-hayeenka Madaxtooyada oo Weji-gabax Kala Kulmay Hadhimo Uu Ku Sabaalaynayay Hawl-wadeennada SLNTV Ee Kasoo Hor-jeeda Maareeyahooda

    Hargaysa(Xogreebnews)Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isku dayay inuu demiyo Kacdoonka Shaqaalaha TV-ga qaranku kala hor yimaadeen Maareeyahooda uu Wasiir Cukuse shaqada ka joojiyey, isla mar ahaantaana farriinta culus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Xogreebnews)Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isku dayay inuu demiyo Kacdoonka Shaqaalaha TV-ga qaranku kala hor yimaadeen Maareeyahooda uu Wasiir Cukuse shaqada ka joojiyey, isla mar ahaantaana farriinta culus u diray Madaxweynaha. Af-hayeenka Madaxtooyada oo Weji-gabax Kala Kulmay Hadhimo Uu Ku Sabaalaynayay Hawl-wadeennada SLNTV Ee Kasoo Hor-jeeda Maareeyahooda

Hargaysa(Xogreebnews)Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isku dayay inuu demiyo Kacdoonka Shaqaalaha TV-ga qaranku kala hor yimaadeen Maareeyahooda uu Wasiir Cukuse shaqada ka joojiyey, isla mar ahaantaana farriinta culus u diray Madaxweynaha.

Axmed Saleebaan Dhuxul oo shalay Casuumad Ujeedo Huwan u fidiyey Madax-qaybeedyada SLNTV iyo qaar kamid ah Weriyeyaasha mawqifka adag iska taagay soo celinta maareeyaha TV-ga ayaa ku fashilmay qado sharaf uu hotelka Fish and Steak ugu sameeyey xubnahaas





oo badankoodu ku gacan saydhay markay ka war heleen dulucda loo casuumayo.

Afhayeenka Madaxtooyada oo ka hor intii aan xilkan loo magacaabin Maamule ka ahaa TV-ga qaranka ayaa tallaabadan uga dan lahaa inuu Maareeyaha tuhunnadu dul tuullan yihiin ka bakhtiiyo dabka kaga oogan shaqaalihiisa iyo Madaxdiisaba (Wasiirka) isaga oo wararku tibaaxeen in ay Masuuliyiintii uu marti qaadka u fidiyey oo uu damacsanaa dhaameel faro guudkood ah inuu ku sabaaleeyo ay suurto geli weydya kadib markii ay goobtya ka soo xaadiri waayeen, kuna gacan saydheen dalabkiisa, markii danbena faro madhan kaga hulleelay hudheelkii oo hadhimadii uu fidiyey ku baarixiyowday.

Geesta Waxa uu warku intaas ku darayaa in Olole taageero doon ah uu Afhayeenku ku soo rogaal celiye xarunta warfaafinta oo ilaa shalay gelinkii dembe uu ku dul meerayay isaga oo xubno kamid ah shaqaalaha iyo awr kiraale yaal kale u soo dhiibayay Adduun cad-quudheed ah iyo arrimo kale.

Maalmihii u dembeeyey wasaaradda warfaafinta wax aka taagnaa xiisad ka dhalatay shaqo ka joojinta maareeyaha iyo hawl gallada hanti dhawrku ka wado halkaasi, kuwaas oo shaqalaah badankisiu dareen yididiilo leh ku soo dhaweeyeen tallaabada wasiirku ka qaaday maareeyaha TV-ga oo Musuq iyo caddaalad darro karkaarka jebisay shaqaaluhu ka tirsanayo muddadii uu maamulka joogay.

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in go?aan kama dembeysa isla markaana xal u noqda xiisaddan laga soo saaro hawl-gallada xaruntaasi ka socda, kuwaas oo madaxtooyadu saamayn taban ku leedahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured