Maxaa Sababay In Xukuumadu Shaqaale Weynaha Tv.ga Qaranka Ka Raacdo Mareeye Lagu Eedeeyey Musuq-maasuq?

0
Saturday December 07, 2013 - 21:56:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Xukuumadu Shaqaale Weynaha Tv.ga Qaranka Ka Raacdo Mareeye Lagu Eedeeyey Musuq-maasuq?

    Qore:Axmed C/raxmaan Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:Axmed C/raxmaan Maxamed
Maxaa Sababay In Xukuumadu Shaqaale Weynaha Tv.ga Qaranka Ka Raacdo Mareeye Lagu Eedeeyey Musuq-maasuq?

Dadka odoroosa arimaha siyaasada ayaa sheegaya in habka madaxtooyadu kula macaamisho wasiirada kartida badan ay horseedi karto burburka

Maalintii axada ahayd ee taarikhdu ahayd 1/12/2013-ayaa shaqada uu wasiirka warfaafintu ka joojiyey maareeyaha tv.ga qaranka ilaa manta oo bishu tahay 7/12/2013-ka weli go?aan cad kamayn qaaday xukuumadu wax ka qabashada maareeyaha lagu eedeyey musuq-maasuqa iyo cadaalad darada balse wararka qaar ayaa sheegaya in marwada madaxweynuhu ku duuban tahay sidii shaqadiisa loogu soo celin lahaa maareeyaha shaqada laga joojiyey ee Khadar Cai Gaas , halka aqlabiyada iyo tiir dhaxaadka tv.ga qaranku baaq ay soo saareen ku sheegeen in aysan la shaqayn Karin maareeyahaasi lagu eedeeyey musuq maasuqa taasina ay dhabar jab ku tahay hadii





la soo celiyo maareyahaasi shaqada qaranka iyo is aaminaada maareeyaha iyo shaqaalaha tv.ga qaranka, balse waxay su?aashu tahay sababta ka danbeysa in marwada madaxweyne siilaanyo u taageerayso maareeye lagu eedeeyey musuq maasuq halka wasiirka wasaarada iyo shaqaalihii ay isku dhinac yihiin.

Dadka odoroosa arimaha siyaasada ayaa sheegaya in habka madaxtooyadu kula macaamisho wasiirada kartida badan ay horseedi karto burburka iyo waayida kalsoonida shacabka xukuumada KULMIYE waxayna dadku xasuusanayaa sidii madaxtooyadu uga raacday wiilal madaxtooyada u shaqeeya wasiirkii hore ee warfaafinta mudane Boobe Yusuf Ducaale oo la ogaa horumarkii uu gaahsiiyey mudadii u joogay wasaarada warfaafinta, waxa kale oo iyana jirta in wasiir Cukuse horumar la taaban karo gaadhsiiyey wasaarada warfaafinta mudadii uu joogay wasaarada.

Qore:Axmed C/raxmaan Maxamed

Email:Axmed211@gmail.com

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured