Faallo Maxaa Ku Cusub Liiska Guulwadayaasha Ee Xukuumada Siilaanyo Sanadka 2013-ka Qormadii 2 aad

0
Wednesday April 10, 2013 - 20:53:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo Maxaa Ku Cusub Liiska Guulwadayaasha Ee Xukuumada Siilaanyo Sanadka 2013-ka Qormadii 2 aad

    Liiskan maanta waxaanu ku eegaynaa xubnaha golaha wakiilada ee sida xad dhaafka ah u noqday guulwadayaal iyo masuuliyiin kale oo ku can baxay guulwadenimada .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liiskan maanta waxaanu ku eegaynaa xubnaha golaha wakiilada ee sida xad dhaafka ah u noqday guulwadayaal iyo masuuliyiin kale oo ku can baxay guulwadenimada .

Maxaa Ku Cusub Liiska Guulwadayaasha Ee Xukuumada Siilaanyo Sanadka 2013-ka

Qormadii 2 aad

Liiskan maanta waxaanu ku eegaynaa xubnaha golaha wakiilada ee sida xad dhaafka ah u noqdayguulwadayaaliyo masuuliyiin kale oo ku can baxay guulwadenimada .

1: xildhibaan Nacnac oo isagu lagu tilmaamo kan ugu guulwadeysan xildhibaanada golaha wakiilada xitaa iyada oo dadka ka ag dhaw xildhibaankaasi ku sifeeyeen ina siilaanyo waayo waxaa la soo wariyay in uusan quraacan ilaa uu aqalka madaxtooyada uu galo, isla markaana uu yahay kan golaha dhexdiisa wax kasta oo uu madaxweyne siilaanyo soo jeedaya uga ololeeya si ka badansida xildhibaanada kale.

2: Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa isaguna ah guulwade weyn inkasta oo guulwadanimada cali mareexaan lagu tilmaamay inay ka tahay mid salka ku haysa reernimo waayo madaxweyne siilaanyo ayay isku beel yihiin.

3: Xildibaan waabeeye oo isaguna ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE ayaa isna ah raga waaweyn ee ku caanka ah guulwadenimada.

4: xildhibaan xasan cawaale oo isagu ah dhawaan muxaafid ayaa isagana lagu tilmaamaa guulwadayaasha cusub.

5: C/laahi black oo isna dhawaan ku soo biiray golaha ayaa lagu sifeeyey in aad moodo in nimadaamka guulwadanimadu madax martay.

6: xildhibaan baashe maxamed faarax ayaa isna ah raga ugu culus guulwadanimada xukuuumada siilaanyo iyada oo raga aqoonta u lehe sheegeen in uu ka helo sidii uu markasta uga ag dhawaan lahaa siilaanyo isla amrkaana ka hela sidii meel kasta uu uga mid noqonlahaa waftiyada uu madaxweyne siilaanyo hogaaminayo.

Masuuliyiinta kale ee sida ba’an u noqday guulwadayaasha waxaa ka mid ah badhsaabka gobolka saaxil oo ilaa hada garan la shaqadisii oo ku mashquulsan sidii uu hadba madaxtooyada ugu soo sheegi lahaa halka ay odayaasha DAN IYO DUCO marayaan iyo cida la kulanta maayarka gobolka saaxil C/shakuur (cidin) ninkan badhasaabka ah ayaa lagu sifeeyey in uu ka seexday shaqadii gudoomiyenimo isaga oo ah nin aan wax karti iyo aqoon toona u lahayn arimaha maamulka, isla markaana waxaan la sheegay in uusan wax xidhiidh ah la lahayn odayaasha iyo wax garadka kale eek as oo jeeda gobolka saaxil, inkasta oo uu sidaasi yahay ayaa hadana waxaa la sheegayaa in uu siilaanyo damacsan yahay sidii uu meel kale ugu magacaabi lahaa halkiisana uu u geyn lahaa ninkii badhsaabkii hore ee gobolka saaxil Mr Ramaaxbixiyey Musaylamaha berbera ninkaasi oo lagu tilmaamo in uu ka daran yahay inta badan guulwadayaashaasi aynu soo sheegnay waayo ninkaasi waxaa lagu tilmaamaa in uu hayo shaqooyin badan oo dhinaca madaxtooyadu danayso inkasta oo uu yahay isku duwaha diinta iyo aw qaafta hadana waa nin inta badan madaxtooyada ku xidhan oo lagu tilmaamo in uukalafogeeyo xukuumada iyo shacabka gobolka.

La soco cadadka danbe ee qormooyinkan.

Cidii liiskan iska weyda ee guulwade ah ka danbe ayaanu ku soo qaadan doonaa.

Qalinka: C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured