Madax Qaybeedyada Tv Qaranka Iyo Shaqaalaha oo ka Digay Helista Xaqood Maqan in loo Bedelo Xafiiltan Qabyaaladeed Soona dhaweeyay Dalabkii Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland

0
Saturday December 07, 2013 - 21:49:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax Qaybeedyada Tv Qaranka Iyo Shaqaalaha oo ka Digay Helista Xaqood Maqan in loo Bedelo Xafiiltan Qabyaaladeed Soona dhaweeyay Dalabkii Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland

    Hargaysa(Xogreebnews)Madaxda Waaxyaha Telefishanka Qaranka ayaa Bayaan ay galabta soo saareen waxay ku cadeeyeen inay u hogaansameen dalab uu u soo jeediyay Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland isla markaana ah Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Xogreebnews)Madaxda Waaxyaha Telefishanka Qaranka ayaa Bayaan ay galabta soo saareen waxay ku cadeeyeen inay u hogaansameen dalab uu u soo jeediyay Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland isla markaana ah Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, Madax Qaybeedyada Tv Qaranka Iyo Shaqaalaha oo ka Digay Helista Xaqood Maqan in loo Bedelo Xafiiltan Qabyaaladeed Soona dhaweeyay Dalabkii Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland


Hargaysa(Xogreebnews)Madaxda Waaxyaha Telefishanka Qaranka ayaa Bayaan ay galabta soo saareen waxay ku cadeeyeen inay u hogaansameen dalab uu u soo jeediyay Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland isla markaana ah Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici,kaas oo nuxurkiisu ahaa in Wixii Cabasho ah ee ay Tirsanayaan ay la sugaan ilaa inta uu ka soo laabanayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo mudo laba Cisho ah ku maqnaan doona Magaalada Jig Jiga,Waxaa kale oo ay Madax Qaybeedyada Telefishanku waxba kama jiraan ku tilmaameen warar lagu nashuushadaynayo Shaqaalaha isku duuban ee u dabran sidii dhawaqooda loo dhagaysan lahaa laguna kala qoqobayo hab qabyaaladeed,kaas oo ay sheegeen in ay





ka danbeeyaan Shakhsiyaad ka xun wada jirkooda .

Bayaankan ayaa u dhignaa Sidan "Anagoo ah Madax qaybeedyada waaxyaha kala duwan ee Telefishanka Qaranka waxaanu Ummada Somaliland u cadaynaynaa inaanu Ixtiraamnay dalab uu maanta noo soo bandhigay Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland isla markaana ah Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici in Maareeyaha Telefishanka Qaranku uu labada Maalmood ee Madaxweynuhu maqan yahay uu ku sugnaan doono xafiiskiisa balse aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Shaqada Telefishanka, waxa uu Madax weyne ku xigeenku noo sheegay in Marka uu soo laabto Madaxweynuhu go?aan rasmi ah laga soo saari doono qadiyada Muranku ka dhashay ee Ayaamihii u danbeeyay Gilgishay Xarunta Wasaarada Warfaafinta,Taas ayaana keentay inaanu Ogolaano in Maareeyaha oo Mudo Todobaad ah dibad Wareeg ahaa uu Xafiiskiisa ku soo laabto.

Sidoo kale Waxaanu halkan ka Cadaynaynaa Sababta keentay Kacdoonka Wasaarada Warfaafinta ka dhex Curtay kaas oo salka ku hayay Sidii loo Simi lahaa Xuquuqda Shaqaale Weynaha Wasaarada Warfaafinta oo Telefishankuna ka mid yahay oo hab ka baxsan nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loogu kala sad buriyay Mushahaarooyinka iyo Gunooyinka Shaqaalaha,arrintan oo Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse u Xilsaaray Gudi ka kooban Shan Xubnood oo kala ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Maareeyaha Telefishanka Qaranka,Gudoomiyaha Wargaysyada Dawan,Agaasimaha Waaxda Farsamada iyo Agaasimaha Waaxda Idaacada waxaanay soo saareen Todobaad ka hor warbixin iftiiminaysa qaabka foosha Xun ee Shaqaaluhu ku waayeen Xuquuqdii ay lahaayeen Iyagoo si wada jir ah u wada saxeexay kuna daray Tallo Soo Jeedin ku saabsan qaabka ay ula Muuqato in Hawshaas lagu maarayn karo.

Waxaa Xaqiiq ah in Shaqaale weynaha Wasaaradu u wada Riyaaqeen Dhawaqaas isla markaana ay filayeen in ficil ahaan loo rogo,hadaanu nahay Madaxda Waaxyaha Telefishanka Qaranka duulaan kumaanaan ahayn Mas?uul ka tirsan Wasaarada balse waxaa noo cuntami wayday in Maareeyaha Telefishanku uu ka hor yimid doonistii shaqaalaha isla markaana uu Ixtiraami waayay Qoraalkii uu Gacantiisa ku Saxeexay ee Cadayntiisii la hayo,Taasi waxay nagu ajburtay inaanu dareenkayaga si aan Qarsoodi ahayn u Muujino,Horayso iyo danbayso Toona Iskumaanaan raacin Hab Qabyaaladeed sida iminka Shakhsiyaad dano gaar ahi lihi meelahaas kaga hadaaqayaan, ma nihin beel keliya Sida loo dhigayo Xaasha, waxaa na mideeyay hal ujeedo,waxaanu u soconaa hal wado,ma rabno wax aan Xaqayaga ahayn mana doonayno wax xaq daro ah,Qadiyada Xaq darada ahi ee Shaqaaluhu Tirsanayaan Waxay Wax ka Qabashadeedu u taalaa Madaxweynaha,mana aha mid u dhaxaysa Wasiirka Warfaafinta iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka

01. Khaddar Maxamed Cakule Isu duwaha Barnaamijyada Radio hargaysa ahna Soo saare Barnaamijyada Telefishanka Qaranka

02.Maxamed Siciid Muxumed Madaxa Qaybta Wararka ee SLNTV

03.Cali Axmed Cawaale Caano dhame ku Xigeenka Madaxa Wararka ee SLNTV

04.Xuseen Cabdilaahi Deeqsi Madaxa barnaamijyada TV-ga Qaranka.

05.Ismaaciil Maxamed Cakuule Madaxa farsamo-yaqaanadda iyo Editing-ka TV-ga Qaranka.

06.Ugaas Maxamed Mujabir Madaxa qaybta baahinta Dibadda TV-ga Qaranka.

07.Cabdirisaaq Cismaan Ku Xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga Qaranka.

08.Xasan Maxamed Jaamac (Paanarooma) Madaxa istuudyaasha TV-ga Qaranka

09.Nuur Cumar Jaamac Madaxa Qaybta Trasmiterka Gudaha ee SLNTV

10.Abwaan Xasan Dhuxul( Laab-salaaax) Madaxa qaybta ducumantryga TV-ga Qaranka.

11.Sidiiq Ismaaciil Axmed Madaxa Qaybta Studio

12.Safiya Cali Yuusuf Madaxa Qaybta Online

13. Xuseen Aadan Yuusuf Ku Xigeenka Solna ahna Soo Saaraha Barnaamijyada Ducumantryga

14. Cabdi Qaadir C.laahi Nuur Almis Madaxa Xidhiidhka Gobolada ee Tv



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured